base
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Base
Sal
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Base
Sal
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
base
(n) (nt) in chemistry, the non-acid part of a salt; a substance that combines with acids to form salts.
kimisteri, walax aan aysiidhahayn markay ku darsanto aysiidhka samaysa milixda
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
base
/beeys/ (n) 1. sal ama aasaas. e.g. a cup with a heavy base (v) 2. ku salaysan ama laga helo. e.g. His business is based on honesty.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Base
Sal
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
base
/beeys/ (n) 1. lessy (hoos). (v) 2. assal amy sal ingky weelow. His story is based on equality.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
base
s.f. - aasaas, saldhig.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
base
base, n.f. - saldhig; asaas; sal; amboqad; gundhig; dhinac (joometariyada); isugaynta unugyada xisbiga
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
base
a., fudud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abase
/abeys/ (v) in gof la sharaf rido, ama darajada laga qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abase
-ha: (magac, lab, keli) mukur iyo xeelad. Asaraar jin baa lagu yaqaan abase naagoode.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abase
v.tr., hoosaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baase
conj. but [, CONTRAST.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baase
-ha: (magac, lab, keli) belada iyo colaadda aad u daran ee wax galaafata. Baase Allaw naga xijaab. Dh: hoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baase
de: but [FOCUS + CONTRAST] = baa + -se
lx: baase
ps: focus + conj
key: baase
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balse
inter. well, first, but first, just
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balse
(interjection.) used to introduce a remark; well (weel); but
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balse
de: well, first, but first, just = bal + -se
lx: balse
ps: intj
key: balse
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
baser
baser, v. - ku dhisan; ku salaysan; ka shiidaal qaadanaysa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basle
(Basla-ha)
1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan.
2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basle
m.l 1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan. 2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigan. 3. la-mid: basleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basle
m. n. random search (without any preconceived plan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basle
-ha: (magac, lab, keli) baadidoon aan raad iyo ruux midna la haynin oo meel kasta la maro. Basle orodka baadi doonkiyo baylah kala tuurka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
basle
de: random search (without any preconceived plan)
lx: basle
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: basle
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
baste
v.tr., (to beat) ul la dhac; (to sew slightly) qodob, isku qodob.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal
Base
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal
Base
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal habdhis tirooyin
Base of a system of numbers
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal jibbaar
Base of power
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal logardam
Base of logarithm
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sol toobin
Base of a cone
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khariidad madhan
Base map
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasaas
v. found, establish; base
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaas
m. n. foundation (of house); basis, base; cause, motive, ground
asaas v. found, begin, create
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaddil
m. n., [abstract] injustice, unfairness, baselessness, sin, evil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadil
m. n., [abstract] sin, injustice, baselessness
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carwaajiis
m. n., [abstract] indistinct spotted color pattern based on shades of red
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciddidiif
f. n. hangnail, piece of dead skin at the side ~ base of the fingernail
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gun
f. n., loc. bottom of something (hole ~ well), base
gun [feminine] n., [collective] administration
gun [feminine] n., [collective] (adj.): people of lower rank; uncultivated, boorish; colonized ~ subjected people
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundho
f. n. bottom, base, foundation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanqalaal
m. n. base of nose, where it joins upper lip
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiifto
f. n. poem (based on a religious theme)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khuraafaad
m. n., [collective] superstitions, baseless beliefs about false things; acts of stupidity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku salaysan
adj., [expression] based on, founded upon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafsakaar
f. n., [compound] sternum (bone at base of rib-cage)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bas
(Bas-ka)
1. Geerida qofku tiis u dhinto ee aan la dilin.
2. Wax gubasho ku dhammaaday oo danbas noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bas
bas¹: m.l 1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.
bas²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Wax shidan dambas noqosho. 2. Ood iyo wixi lamida duugnimo awgeed la baabi'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bas
bas¹: m.l 1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.
bas²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Wax shidan dambas noqosho. 2. Ood iyo wixi lamida duugnimo awgeed la baabi'id. m.f.dh, basid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bas
v. be burnt to ashes; dry up, become arid and dusty
bas m. n. natural death of a person (without being killed)
bas m. n. something completely destroyed by fire and turned to ashes
bas m. n. bus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bas
-ay -tay: (v) destroy with fire; burn (been)
bas: -ka: (n) [Pl. basas-ka] bus (bas)
bas: -ka: (n) natural death. Ex: bas buu u dhintay; he was dead for natural causes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bas
(falkaabe) erey loo adeegsado kolka hadal ama hawl socota la joojinayo ama in kugu filan aad hesho. Bas! Bariiska intan igu filan. Dh: bes, khalaas.
bas: (fal) xaabo iyo wax la mid ah, gubo oo danbas noqo. Buul cawskii dabku ka kacay wuu basay. Dh: basbeel, dambasow.
bas -ka: (magac, lab, keli) 'dhar' nooc cusub soo baxa, wax aan hore u jirin oo cusub. Baskii cusub baa bulshadu la haysaa.
bas -ka: (magac, lab, keli) qof tiisa u geeriyooday oo aan gacan aaddane ku dhiman. Dh: geeri.
bas -ka: (magac, lab, keli) gaadhi dadwaynuhu raaco oo dusha ka daboolan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bas
bas, n. et adv. - Gunta ama xagga ugu hoosaysa; hoosaysa; hoose; aan meel dheer gaari karin;
en bas - ka hooseeye; hoos; xagga hoose.
à bas prix - rakhiis ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
babe
/beyb/babes; (n) 1. cunug yar (ilmo yar) e.g. What a beautiful babe! (n) 2. magac loogu yeero qofka aad jeceshahay gaar ahaan, xaaskaaga, ninkaaga, iwm. e.g. Do you need any help, babe?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bade
/beydh/ eeg “bid”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bade
magac loo baxsho wiil dhashay iyada oo weli la xusuusan yahay geerida walaalkii oo ka weynaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bake
m.l (-kayaal, m.l/dh) Qare aan weli bislaan; bicir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bake
/beyk/bakes, baking, baked; (v) 1. dubid; foornayn (solid). e.g. My mother said she would bake a cake today.(v) 2. dhulka ama dhoobada qoraxdu qalaliso (gubto).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bake
-ha: (magac, lab, keli) qare aan weli bislaan. Dh: bicir.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bake
v.tr., bislay, muufay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bale
/beyl/bales, baling, baled;(adj) 1. raso, wax is kor-kor saaran (taalo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bale
/beyl/ (n) wal lys sasaary amy ly kuusy. He stored the bales of clothes in the closet.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bale
n., (of goods) xidhmo alaabo ah, xidhmadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bame
-ha: (magac, lab, keli) walax yar oo kuusan, gudaha baaruud kaga jirto oo qaraxda, khasaare badanna gaysata. Dh: bambo, bam.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bane
/beyn/ (n) dhibaatayn; wax dhibato leh oo wax khariba (kharibaad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bane
-ha: (magac, lab, keli) dhaxan qabow oo dhacda xilliga dayrta. Waataan bane u diid lahaa yeyaan baalidine.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bane
n., (poison) dhuunkaal, -shi, waabaayo, -adi.
bane, v.tr., dhuunkaal sii, waabaayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqe
m.l Ka tegidda dad meel ay ku sugnaayeen baqdin awgeed. la-mid: baqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqe
-ha: (magac, lab, keli) dareenka baqitaanka iyo cabsida wax laga qabo.
baqe -ha: (magac, lab, keli) guurid ama uga carar meeshii aad degganayd ama aad joogtay. Lugna baqe lugna dirir ayuu ku joogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bare
(Bara-ha)
Qof lab oo dadka wax bara; macallin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bare
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof aqoon u leh habka dadka wax loo baro, kuna shaqeeya; macallin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bare
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof aqoon u leh habka dadka wax loo baro, kuna shaqeeya; macallin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bare
m. n. teacher, trainer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bare
/beer/barer, barest, bares;(adj) 1. qaawan.(adj) 2. maran. e.g. His room was bare. e.g. bare feet ~ (cago caddaan).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bare
baraha: (n) [Pl. barayaal - barayaasha] teacher (tii jar) ~ macallin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bare
/beer/ (adj) 1. dharraamyng, arrathyng. He went walking in his bare feet. 2. eber/eper (wal ingky jerny). 3. heerhaang (walaaghy lyng baahanaayi amy muhiim eh). (v) 4. feethow (haruub ku qaathow).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bare
-ha: (magac, lab, keli) cidda aqoon u gudbisa cid kale ee sida wax loo qoro ama loo akhriyo bara dadka kale. Baraha buuga ka yareeya. Dh: macallin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bare
de: teacher, trainer
lx: bare
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: macallin, ustaad
key: bare
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bare
أستاذ
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bare
a., qaawan.
bare: v.tr., qaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bash
bash¹: m.l Guddi ka kooban shan oday oo hoos yimaada dawladda ingiriiska.
bash²: m.dh.sh.r 1. Biyo b. ka sii: biyo ku firdhin. 2. Dharbaaxo b. ka sii: si kedis ah dharbaaxo qof ugu dhufasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bash
/baash/ (v) 1. wax ama qof aad kas u garaacdo (xoog wax ugu dhufato). e.g. He was bashing her over the head.(v) 2. aad xoog ugu dhacdid. e.g. I bashed my head against the wall. 3. isku deyid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bash
/baash/ (v) eed ing dhowow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bash
bash! (ereycodeed) tusmeeya biyo iyo waxii la mid ah; meel gabiib ah ku dhaca ama lagu joogsaday. Bashta biyaha bannaankaa laga maqalaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basi
(fal) dab demi. Basi dabka intaanad bixin. Dh: bakhtii. Li: shid, huri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bask
/baask/basks, basking, basked,(v) kulaylka qorraxda oo aad ku raaxaysato (ku diirsatid inta isu dhigtid). e.g. I was basking on the beach.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bask
v.tr., (warm) diiri, kululay; bask in the sun, dugsi.
bask, v.tr., is diiri; bask yourself in the sun, dugsiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baso
(Basa-da)
Madaxa dadka meesha ugu korraysa; dhalo; dhako; kug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baso
f. n. crown of the head
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baso
basada: (n) scalp (iskaalp); skull (iskal) dhako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baso
-da: (magac, dhaddig, keli) qofka halka ugu sarraysa ee badhtanka madaxa. Dh: basa, dhako, dhalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baso
de: crown of the head
lx: baso
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhako, dhalo, kug
key: baso
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bass
/baas/basses; (adj) 1. cod aan xabeeb lahayn(n) 2. qalabka muusiga ee codka nadiifka ah leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bass
/baas/ (n) 1. qof ed yer (hebeeb ing lahaayny). 2. alaab muusiky oo ed hoos eh leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bate
v.tr., (lessen) dhin, iga dhin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bave
bave, n.f. - Dhareerka afka; candhuuf.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
buse
buse, n.f. - Qof doqon ah ama maskax xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
case
m.l 1. Dhagax weyn, guduudan oo guryaha lagu dhisto. 2. Ciyaarta delebka marka afarta qori ee lagu ciyaarayo ay caloolacaddeeyaan.