basbeelid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) gubasho aan baaqi soo hadhin. Basbeelid oon iyo haraad milicda soo meeray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) gubasho darteed la basbeelid. Basbeelis buu in yar u gaaray gurigii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) ibabbeel ku dhaca ibtii caanuhu ka soo dhiiqayeen. Dh: candhabbeelid, naasabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeel
(fal) aad u gubo; gubasho darteed la baaba'. Gubo oo basbeel. Dh: bas.
basbeel -ka: (magac, lab, keli) gubasho darteed u baabi'id; marka walax gubasho aad ahi ku dhacdo. Dheriga basbeelka ka ilaali. Dh: basid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbeelid
m.f.dh eeg afbeel². la-mid: afbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wax la mid ah, waxgoyn gabid; wax jaris la'aan. Dh: goynla'aan, saawiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buseelid
(Buseelid-da)
Buseel u qabasho; jeel u qabasho; tebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buseelid
m.f.dh eeg buseel². la-mid: buseel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buseelid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qabid. Dh: busaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacleelid
m.f.dh eeg baacleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbeedid
m.f.dh eeg badbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedid
-da: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, si toos ah uga hortagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caybeelid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo ceebkusheeg xaddhaaf ah dartiis, wax danbe oo lagu caayo waayid. Dh: eedbeelid, caybeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahibeelid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi wax ama qof loo qabay oo laga kaaftoomo. Dh: haqab-beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbeelid
(Biyabbeelid-da)
Biyaha wax lagu karinayo, oomaar ahaan u dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbeelid
m.f.dh eeg biyabbeel². la-mid: biyabbeel¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragbeelid
m.f.dh la-mid: indhabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha wax ka arki waayid; awoodda Ilaahay indhaha siiyay ee aragga beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dheri karsamaya oo biyuhu ka dhammaadaan. Dh: biyallaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbeelid
m.f.dh eeg dharbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) ibabbeelid kut dhacda candho xoolaad. Dh: candhabbeelis, naasabbeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelid
(Beelid-da)
Wax waxtar ah oo hor loo haystey waayid, sida: indhabeelid; dhega-beelid, gurya-beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelid
m.f.dh eeg beel³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelid
vl. n. act of losing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beelid
-da: (n) the state of losing something. Ex: indho beelidda; becoming blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad lahayd ama haysatay waayitaankii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelid
de: act of losing
lx: beelid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: beelid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeerid
-da: (magac, dhedig, keli) abeer aad u naaxay oo an curan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aseebid
m.dh la-mid: asiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aseebid
-da: (magac, dhedig, keli) abbaarid oo la helid. Dh: asiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbeed
f.g1 (-day, -dday) Si toos ah wax uga hortagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeed
(fal) la kulan oo toos uga hor tag. Ayaantaad badbeeddaan, Aadan waa iga baab mida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maseeli
-da: (magac, dhedig, keli) naag reerka dayacda oo beylahdhabi weyda. Dh: basari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelid
(Sheelid-da)
Horusocod u diidid; joojin; celin; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelid
m.f.dh eeg sheel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku qarin; sheelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli)mindi iyo wixii la mid ah, waxba jarid la'aan. Dh: afbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerid
m.f.dh eeg asheer. la-mid: asheerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalid
m.f.dh eeg balbal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalid
-da: (magac, dhedig, keli) olol bixin oo shidmid. Dh: belelid.
balbalid -da: meel ama wax kale, hadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bareerid
(Bareerid-da)
Qarsoodi la'aan wax u falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bareerid
m.f.dh eeg bareer². la-mid: bareer¹, bareero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareerid
-da: (magac, dhedig, keli) gabbashala'aan iyo qarsoodi wax u falid, u dhihid. Dh: badheedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belbelid
(Belbelid-da)
Belbel yeelasho; belelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belbelid
m.f.dh eeg belbel². la-mid: belbel¹ (2), belel¹, belelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelid
-da: (magac, dhedig, keli) dab ama olol yeelasho. Belbelid dab ayaa lahaa iyo dhamacda naareede. Dh: belelid, balbalid, ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeebid
(Cabeebid-da)
Cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeebid
m.f.dh eeg cabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleelid
(Haleelid-da)
Wax la kulmid; wax la samayn lahaa kansho u helid; ku abbaarmid; seegid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelid
m.f.dh eeg haleel². la-mid: haleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qabashadeed wakhti u helid; wax la samayn lahaa kansho u helid. Dh: haleelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isyeelid
(Isyeelid-da)
Wax isgaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib ama wax kale, isgaadhsiin; wax isu dhimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeebid
-da: (magac, dhedig, keli) labeeb noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajeelid
m.f.dh eeg qajeel².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taseecid
m.f.dh eeg taseec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebid
m.f.dh eeg xabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb yeelasho. Dh: xabeebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedis
-ta: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, toos uga hortagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambeelmo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah jaadadka liinta. Waxay leedahay macaan iyo qadhaadh isku dhafan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banbeelmo
-banbeelmada: (n) grapefruit (gareeyp furut) bambeelmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbeelmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bambeelmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daryeelid
(Daryeelid-da)
Waxtarid; kaalmayn; taageerid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryeelid
m.f.dh eeg daryeel². la-mid: daryeel¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daryeelid
Interessamento
To take care of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryeelid
-da: (magac, dhedig, keli) xannaanada wax la ilaaliyo. Dh: xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbeelid
(Dulbeelid-da)
(xoolaha la rarto) garbabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbeelid
m.f.dh eeg dulbeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) muur la rarto, garbabeelid; xamilgabid oo dusha nadar ku yeelasho. Dh: garbabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelid
m.f.dh eeg hanjeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oonbeelid
(Oonbeelid-da)
Harraadbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oonbeelid
m.f.dh eeg oonbeel². la-mid: oonbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oonbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ka dhergid, ka haqab beelid. Dh: harraadbeelid.
oonbeelid -da: (magac, dhedig, keli) oon xoolaad waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybgelid
(Qaybgelid-da)
(ka qaybgelid) Hawl la qabanayo ama wax kale oo loo dhan yahay, qayb ka qaadasho, wax ka wadaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgelid
m.f.dh eeg qaybgal². la-mid: qaybgal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qayb ka ahaansho oo joogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiil cana ah dhiiqid. Saameelid mooyee dhimid laguma yaqaanno hashan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarbeebid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sarbeeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeelid
m.dh la-mid: waayeeloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) qof weyn oo xilkas ah noqosho. Wiilka calaamadihii waayeelidda ayaa ka muuqda. Dh: waayeeloobid, mudakarid, weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxbeerid
m.dh Wax abuurid, wax beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxbeerid
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodid oo dalag abuurid. Waxbeeriddu waa cibaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxyeelid
(Waxyeelid-da)
Waxyeello gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeelid
m.dh Dhibaato u geysashada cid dhibaato loo geysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhib gaadhsiin; wax u dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yagleelid
m.f.dh eeg yagleel². la-mid: yagleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yagleelid
-da: (magac, dhedig, keli) booto cusub oo ood ah dhidibada u taagid; dhisme cusub dhidbaha u taagid. Yagleeliddu way fududahaye dhamaystirkaa culus. Dh: asaasid, yagleelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) basbeelid aan danbas mooyee wax kale soo hadhin, gubasho darteed la baabi'itaan. Dh: basitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbabbeelid
(Garbabbeelid-da)
(gaadiid nool) garbaha nabar ku yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbabbeelid
m.f.dh eeg garbabbeel². la-mid: garbabbeel¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) garbaha nabar ku yeelasho; garba xanuunid. Awrta garbabbeelidda heerayaxumadaa u keenta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo u tudhid. Hawlfulinta ciidanka waa in la raaciyo aabbayeelid iyo tudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar cusub soo gadasho. Dh: arradbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahibeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baahi-beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacalleelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel baaxad-soore ah ku banjarid oo dhan loo baxo garan waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ka soo noqosho; cadhabeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagabbeelid
m.f.dh eeg cagabbeel². la-mid: cagabbeelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caws beerid
Ley farming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damacbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hunguraynayn noqod.