basarxumaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxumaw
(fal) ahaw qof basarxun. Barbaarkii wuu basarxumowbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxumow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Qof aan basar wacan lahayn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxumaan
m.f.dh eeg basarxun. la-mid: basarxumaansho, basarxumi, basarxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) falaad xumaan iyo dhaqan xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxumi
m.dh la-mid: basarxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxumi
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo maammul xun la imaansho. Barsaxumidaa oo kale yaana kugu arkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basarxumo
(Basarxuma-da)
Falaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxumo
m.dh Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. la-mid: basarxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basarxumo
f. n., [compound] bad strategy; bad manners; misbehavior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg basarxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
basarxumo
de: bad strategy; bad manners; misbehavior
lx: basarxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: basarxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof aan basar wacan lahayn ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
basarxun
(adj) 1. bad way of handling things. 2. bad behavior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxun
-ta: (magac, dhedig, keli) haweenay fudaydsi badan oo hannaaninta aqalkeeda ka wahsata. Basarxun lama guursado. Dh: basari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayaxaw
(Bayaxaw-da)
1. Xiddigta u dhexaysa garbo iyo gudban.
2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayaxaw
m.dh 1. Xiddigta u dhexeysa garbo iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayaxaw
f. n. bringer of good fortune
bayaxaw: n. open plain, treeless place
bayaxaw: pr. n., loc. name of a star
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaxaw
-ga: (magac, lab, keli) xiddigga u dhexeeya garbo iyo gudban. Bayaxawgii xalay buu soo baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrumo
-da: (magac, dhedig, keli) labo baal oo leebka xaggiisa danbe lagaga xidho si xawaaraha uu u dheereeyo. Dh: baalal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraxume
(Baraxuma-ha)
Libaax-badeed, kalluunka xagga xeebta u soo erya (ama barixume).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraxume
m.l (-mayaal, m.l/dh) Nooc libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta. la-mid: barixume.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraxume
m.l (-mayaal, m.l/dh) Nooc libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta. la-mid: barixume.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraxume
m. n. shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraxume
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka, oo noocyada kale u soo erya dhanka xeebta. Dh: libaaxbadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraxume
a: barixume
de: shark sp.
lx: baraxume
pd: (/ha)
ps: n7-m, n6-m
key: baraxume
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarlow
m.l (-wyo, m.dh) Qof caqli badan oo arrimaha si tab iyo xeelad ku jirto u xalliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basarlow
m.l (-wyo, m.dh) Qof caqli badan oo arrimaha si tab iyo xeelad ku jirto u xalliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarlow
-ga: (magac, lab, keli) qof tab iyo xeel wax loo furdaamiyo leh. Sahal waa nin basarlow ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumay
(fal) xumee oo dhibaato iyo rafaad ku rid. Dh: darxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumay
(fal) lugaha kala saar oo si wanaagsan u joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruuran
asaruuran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ceel, god iyo wixi lamida wax la xabaalmid.
asaruuran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Ceel, god iyo wixi lamida wax la xabaalay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuran
(tilmaame) ceel iyo wax la mid ah oo ciid lagu rogay ama la aasay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarfuran
(Baarfuran-ka)
Qaalimmada aan la rarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarfuran
m.l (-nno, m.dh) Awr aan weligii la raran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarfuran
Comp. adj., (ie. n., adj.): free (of burden ~ obligations)
baarfuran m. n., [compound] female camel that is not used as pack camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarfuran
(tilmaame) qaalinka ama awrka aan weli la laylyin. Li: karinle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarranaw
(fal) wax laga afeeftay oo shardi leh ahaw. Baarranaw intaanad hadal. Dh: afeefnaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrimad
-ka: (magac, lab, keli) afeef sii dhigasho; Intaanad hadal horteed baarrimaad dhigto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrimow
-ga: (magac, lab, keli) qofka afmaalka ah ee hadalka yagaan. Samatar waa nin baarrimow ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxumay
(fal) gabadh kufso; gabadh xoog iyo khasab ugu galmoo; ceebaal gabadh u geyso oo qasab ugu galmoo. Dh: kufso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrumayn
-ta: (macac, dhedig, keli) leebka oo loo sameeyo baalal uu ku duulo oradka na ku badiyo oo uu yoolkiisa ku gaadho. Bal iga hooya weligayba waan baarrumayn jiraye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsanaw
(fal) ahaw wax bararsan. Bararsanaw dawadii diidaye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camalxumow
inch. v. be bad-tempered
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camalxumow
de: be bad-tempered
lx: camalxumow
pd: (camalxumaaday)
ps: v3a=inch
key: camalxumow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumayn
m.f.dh eeg barafuumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) udgoonayn oo cadar ku buufin. Waxyaabo badan baa barafuumaynta loo adeegsadaa. Dh: cadarayn, udgoonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalxumaan
m.f.dh eeg camalxun. la-mid: camalxumaansho, camalxumi, camalxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camalxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecadxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabamxumaad
-ka: (magac, lab, keli) xilliyada qaarkood oo qofka ku xumaada ama ay abaar ku dhacdo; sabanxumaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabanxumaad
(magac, lab, keli) waqti la tabaalaysnaa, waqti dhib xumi jirtey ama ay jirto. Sabanxumaad saco kama saco hadhaan. Dh: abaar, macaluul. Li: samoloho, berisamaad, barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaxumaan
m.dh eeg farsamaxun. la-mid: farsamaxumaansho, farsamaxumi, farsamaxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashala'aanta farsamada kolkaa loo baahan yahay.