basaasitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg basaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dilitaan aad ah oo nabarrogaarsiin ah. Inta madaxiisa bashaaqitaan ku yaalla bal fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax horreeyay, dhaafid.
baasitaan -ka: (magac, lab, keli) ku guulaysashada itixaan aad martay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasnaan
m.f.dh eeg basaasan. la-mid: basaasnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax basaasay oo aan madaxiisa dufan marin ahaan. Nin caydh ah basaasnaantaa lagu gartaa.
basaasnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid la basaasay oo sirtiisii la helay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qisaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) maddadaalo iyo maaweelo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaqaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaqaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) bad marid iyo kalluumaysi. Dh: badmaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) kobcid oo hanaqaadid. Dh: hanaqaaditaan, koritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) saaritaanka miisaanka. Bardaamitaan la soo weynay subaggii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahitaan
-ka: (magac, lab, keli) si qaab daran u fadhiisi. Barraahitaanka ka kac oo faraska kooraha saar. Dh: barraaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si barraaqid ah oo foolxun u fadhiisasho. Barniyeey barraaqitaanka kac rag baa soo socde. Dh: barraahitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaashitaan
-ka: (magac, lab, keli) faa'iiditaan badan helid. Beryahan macaashitaankii badnaa hoos buu u dhacay Dh: macaashid, ribxitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) rabbaasid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uus'aasitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos u dilitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaasan
Basaasi ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax basaasay ahaansho (timo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basaasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax basaasay ahaansho (timo). m.f.dh, basaasnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basaasan
der. [adjective] spied on
basaasan [derived] [adjective] flaky, dried out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasan
(tilmaame) mid basaasi hayso. Nin basaasan baladkan ma joogo.
basaasan: (tilmaame) warkiisa oo dhan si qarsoodi ah lagu hayo. Nin basaasan baad tahay sirtaadii fashilantay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) cawlayn oo wax basaasay oo aan la subkin ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basitaan
-ka: (magac, lab, keli) basid aan wax ba ka soo hadhin gubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasitaan
-ka: (magac, lab, keli) naxdin kedis ah la argaggixitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasnaan
m.f.dh eeg asaasan². la-mid: aasaansnaan, aasaasnaansho, asaasnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabitaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ku akhriyid; sixir ku samayn. Baabitaanku waa xaaraan. Dh: sixritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacitaan
-ka: (magac, lab, keli) kor u qaaditaan labada gacmood wax lagu qaado oo madaxa kor loo dhaafiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaditaan
-ka: (magac, lab, keli) kala maqnaansho daba dheeraaday. Baaditaan baan ku kala maqnqyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitaan
-ka: (magac, lab, keli) faaafitaanka war ama wax kale. Dh: fiditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, la garramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, u yeedhid ama codsi u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaritaan
(Baaritaan-ka)
Baaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaritaan
vl. n. investigation, analysis, research, inspection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaritaan
ka: (n) 1. investigation (investageyshan); analysis (anaalisis) 2. checkup (jeek ap) Ex: baaritaan caafimaad; medical checkup [a general physical examination] baarid, baaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dahsoon raadin ku suubbin. Dh: baadhitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaritaan
a: baadhitaan; baaraan, baarid, baaris
de: investigation, analysis, research, inspection
lx: baaritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: baaritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala qalqalidda kala cadcaddayn.
saafitaan-ka: (magac, lab, keli) saafidda lafteed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wada gaadhsiin, saaqidda lafteeda. Dh: saaqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaritaan
-ka: (magac, lab, keli) saaridda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasnaan
m.dh la-mid: asaasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg askaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadhitaan
vl. n. investigation, analysis, research
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dahsoon raadintii si runtiisa loo gaadho ama xog badan looga ogaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadhitaan
a: baaritaan {N}
de: investigation, analysis, research
lx: baadhitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: baadhitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaasilan
(tilmaame) badar la maydhay ah. Beriisku wuu qasaasilan yahaye ku rid. Dh: maydhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasabitaan
-ka: (magac, lab, keli) maaweelin; sabsabitaan; sabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abasaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abasaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) ka shaqaysashada badaha iyo maaxiddeeda. Dh: badmarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabaadiino qabid. Dh: badqabid, badqabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamitaan
-ka: (magac, lab, keli) ballan dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wada furitaanta meel ama weel xidhnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg banbaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaritaan
-ka: (magac, lab, keli) banjarid ku dhacday, taayir naqaskii ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraxitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax qarsoonaa, muujin ama wax xanniban sii dayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydaditaan
-ka: (magac, lab, keli) orod baxsad iyo fakasho ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) u yeelitaanka meel wax laga bilaabo. Dh: curitaan, unkitaan, ambaqaaditaan, dhaqaajitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) tirtiritanaka wax jirey, cayntiisa goyntiisa. Dh: cidhibtiritaan, baabbi'itaan, xasuuqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) xanuun iyo jirro qabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butaacitaan
-ka: (magac, lab, keli) butaaco ku soo bixid. Butaacitaankii biyahaa xoolo badan la tegay. butaaco-da: (magac, dhedig, keli) dareere halmar si xoog leh u soo baxa ama u soo kaca. Butaacada webigaa yaxaaska soo bixisay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano la lulayo, burcad bixin; cagaar soo noqosho; cagaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dheelitaan; ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) gaajo iyo diihaal dartood la qixitaan. Dagaagitaan bay ku noolyihiin iyo qoxootinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dahaadh u samayn. Alaabtani dahaaritaan ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ganaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib, qof kale, Eebbe uga baryitaan. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) sida carruurta hadalbaradka ah u hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) baydhbaydhis la'aan; toos iyo horay u socosho.
hagaagitaan-ka: (magac, lab, keli) sidii la rabay noqosho; qummanaansho iyo toosni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) munuusitaan. Dh: munuusitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel fog oo abaari ka sokayso, u guuritaan. Dh: kaynaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) meel u hayaamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qiyaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuxin oo geer la simitaan.
salaaxitaan -ka: (magac, lab, keli) salaaxidda lafteeda.
salaaxitaan-ka: (magac, lab, keli) xoodaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale meel ka gudbid; tilaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel god ah wax ku aasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibasalaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef candhadiisa xoodaamitaan. Dh: candhosalaaxitaan, naasasalaaxitaan, salaaxitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaqbaaqis ku suubbin beer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo raaxo helitaan. Dh: badhaadhid, badhaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan, ka kicitaan. Baraarugitaan ka hor lama kicin karo waa nin hurda weyn.
baraarugitaan -ka: (magac, lab, keli) baraarugid oo wax kasta ogaal u yeelasho. Dh: digtoonaad, feejignaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale hurdo ka toosin. Dh: baraarujin.
baraarujitaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale digtooni gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararitaan
-ka: (magac, lab, keli) barbararis iyo buurbuur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiishitaan
-ka: (magac, lab, klei) wax fashilmay ahaan ama si foolxun u dhacay noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax masallafay oo caydhoobay noqosho. Dh: masalufitaan, masallafid.