barsame
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barsame
nickname; name-m he whom his settlement is safe and nice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barsame
magac loo baxsho wiil same iyo nabad loo rajaynayo isaga iyo hantidiisaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bartame
(Bartama-ha)
Meesha u dhexaysa; kalabbar; bartan; wadaage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Bar wax labo qeybood oo isla'eg u kala qeybisa. la-mid: bartan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bartame
m. n., loc. center, middle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bartame
-bartamaha: (n) 1. middle (midhel); center (sentar) ~ dhexda, bartan-ka. 2. nucleus (nyuuwkliyas) ~ bu'da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartame
-ha: (magac, lab, keli) labo meelood ama in ka badan, barta u dhexaysa; walax halka kala badha ama kala qaybisa. Dh: bartan, kalabbadh, kalabar, badhtan, wadaage, badhtame.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bartame
a: bartan
de: center, middle
lx: bartame
pd: (/ha)
ps: n7-m-loc, n6-m
key: bartame
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Warsame
name: Warsame
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warsame
name-m good news; one who brings good news
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Warsame
magac loo bixiyo wiil aabbihii oo maqan dhashay oo loo warramay inuu wiil u dhashay ka dibna ku farxay ama la rajaynayo inuu noqdo qof wanaagsan oo sumcad fiican.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Warsame
de: Warsame Lit: one who brings good news
initial: w
lx: Warsame
ps: name-m
key: Warsame
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ararsame
name-m articulated; nice introductory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ararsame
magac loo baxsho wiil la rajeenayo in ay dhalashadiisu tahay billaw wanaagsan oo carruur badan horseeda; waxa kale oo loo bixiyaa wiilka dhalashadiisu aanay fool kululi ka horrayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baratame
-baratamaha: (n) [Pl. baratamayaal] contender (konteendher); contestant; competitor tartame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Hawl tab iyo aqoon u baahan qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Hawl tab iyo aqoon u baahan qabasho. m.f.dh, farsamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamee
v. make; manage, arrange, adjust; make plans, accommodate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamee
-yey / farsamaysay: (v) correct or set right; repair (ripeer); fix (fiksi) ~ hagaaji, sancee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamee
(fal) eeg farsamay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamee
de: make; manage, arrange, adjust; make plans, accommodate
lx: farsamee
pd: (farsameeyey)
ps: v2b=tr
key: farsamee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Absame
name-m noble, aristocracy, high caste person, the free born; good lineage; belongs to a good lineage, genealogy. Cf: Nasab Syn: Gobaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Absame
magac loo baxsho wiil lagu faaninayo in uu nasab ama reer wanaagsan ku abtirsado. Waa wiil inta badan dhashay xilli xafiiltan ama colaad dhab ah oo reer iyo isir ku salaysani oogan tahay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Awsame
nickname-m nice Mullah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Awsame
magac loo baxsho wiil la filayo inuu noqdo wadaad wanaagsan oo Diinta aad u yaqaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barare
v.intr. - dhagrid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barême
barême, n.m. - Qiyaas ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barsad
m.dh la-mid: bersed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
basare
v.tr. - ku salayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harame
(Harama-ha)
Cawska iyo nagaarka iskood u baxa oo beerta abuuran laga limo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harame
m.l Caws iyo nagaar iskood uga baxa beeraha. la-mid: harammo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Harame
Weeds
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harame
m. n.; [vn.]: weed, undergrowth; act of weeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harame
-ha: (magac, lab, keli) magac guud oo cawska iyo nagaadhka iskooda beerta abuuran uga dhex baxa ah oo laga jaro si ay beertu u neefsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harame
de: weed, undergrowth; [vn] act of weeding
lx: harame
pd: (/ha)
ps: n-m
key: harame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bajaame
-ha: (magac, lab, keli) shaadh iyo surwaal is leh oo lagu seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraale
m.l B. leh: wax baro leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAALE
(Barale) N Digitaria abyssinica (A.Rich.) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka u dhaw dhul badhaha adduunka. Baraaluhu wuu ka kulul yahay labada geftin ee dhulka. Dh: badhaale,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraare
m.l Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. la-mid: baraaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraare
m.l Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. la-mid: baraaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraare
m. n., [abstract] prosperity, well-being
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAARE
(Barare) May Asparagus africanus Lam. Liliaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraare
-baraaraha: (n) the condition of being prosperous; prosperity (paroos periti)~ baraaro, nimco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraare
-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo, wanaag iyo nabad. Dh: badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraare
a: baraaro
de: prosperity, well-being
lx: baraare
pd: (/ha)
ps: n0-m-abs
key: baraare
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baraawe
pr. n., loc. Brava [coastal town in south Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baraawe
(n) Brava; a porty city of southern Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baraawe
de: Brava [coastal town in south Somalia]
lx: Baraawe
ps: n0-loc
key: Baraawe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barbare
barbare, n.m. - Ilbax la'aan; badow; badow ah; debad galeen ah; waxshi ah; axmaq ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barrage
Biyo keydiye
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Barrage
Biya-dadab
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barrage
barrage, n.m. - Biyo-xireen; biyo-xidheen.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baxsane
name-m good, nice, bright
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baxsane
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu yeesho abuur toosan iyo akhlaaq wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farsamo
(Farsama-da)
Aqoonta iyo tabta hawlaha lagu qabto siiba kuwa gacanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqoon iyo tab lagu qabto hawlgacmeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farsamo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqoon iyo tab lagu qabto hawlgacmeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
farsamo
technique
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamo
f. n. manual skill ~ technique; handicraft; technology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamo
-farsamada: (n) 1. handicraft (heendikraaft), technique (tak-niik) ~ farsamada gacanta, 2. technology ~ sanco-da
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Farsamo
Mestiere; tecnica
Craft; technique
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamo
-da: (magac, dhedig, keli) hab cilmiyaysan iyo tabaha hawl loo qabto, gaar ahaan kuwa gacmaha lagu sameeyo. Farsamo waa farakuhayn Dh: mihnad. Wa: farsamooyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garrame
-ha: (magac, lab, keli) gartiisa akhriste; xaqiisa sheegte.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraame
m.l la-mid: maraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraame
m. n. roll, rolling (of ship on the waves)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraame
a: maraabe, maraamo, maraabo
de: roll, rolling (of ship on the waves)
lx: maraame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maraame
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartame
m. n. competitor; applicant (for a position)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartame
-tartamaha: (n) [Plural tartamayaasha] contender (konteendher); competitor (kom-peta-tar); rival (raay-val); challenger (jaalan-jer); contestant (kon-tes-tant) ~ baratame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartame
de: competitor; applicant (for a position)
initial: t
lx: tartame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tartame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsame
m.l Magac oggolaada in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaamaa wax tirsama. Tusaale: “buug, qalin, qof, iyo wixi lamida”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirsame
m.l (nax) Magac oggolaada in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaamaa wax tirsama. Tusaale: buug, qalin, qof, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warrame
m.l Kitaab farguri ah oo ka hadlaayo falka iyo waxyaalihii ay dadkii hore ku dhaqmi jireen; warqabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsame
m.l Lixda bilood ee dayrta iyo diraacda oo dayaxu uusan dirirka la fariisaneyn (Baladambarsame). la-mid: dambasame.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsame
-ha: (magac, lab, keli) waqti qiyaastii 150 habeen ka horreeya dabshidka oo laxaha lagu sii daayo sumalka. Dh: danbarsame.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsame
-ha: (magac, lab, keli) xilli ay badanaa xooluhu dhalaan oo barwaaqo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bartameye
m. n. person who divides something into equal parts; center (player) {sports}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bartameye
de: person who divides s.t. into equal parts; center (player) {sports}
lx: bartameye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: bartameye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsamee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Dhar ama maro samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharsamee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Dhar ama maro samayn. m.f.dh, dharsamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsamee
(fal) farsamee dhar la huwado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matirsame
m.l (naxwe) Magac aan oggolaanin in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaama shay aan tirsamin, sida: biyo, sonkor, saliid; si wadar looga dhigo waa in erey kale loo raadiyaa sida: biyo badan iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
matirsame
m.l (naxwe) Magac aan oggolaanin in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaama shay aan tirsamin, sida: biyo, sonkor, saliid; si wadar looga dhigo waa in erey kale loo raadiyaa sida: biyo badan iyo wixi lamida.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Abassare
Hoos u dhig
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abtisame
name-m one with a nice maternal uncle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsane
-ha: (magac, lab, keli) qof aan wax u urursanayn oo hawlihiisa iniba meel ku firidhsan tahay. Baahsane inta ka ba'aysaa badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasarce
m.l Nooc ka mid ah bariiska oo leh dhuux guduudan oo macaan. la-mid: baasarac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasarce
m. n., (mass n.): Indian rice, basmaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasarce
-ha: (magac, lab, keli) noocyada bariiska, jaad ka mid ah, oo dhadhan wanaagsan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasarce
de: Indian rice, basmaati
lx: baasarce
pd: (/ha)
ps: n-m-mass
key: baasarce
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baashane
name-m King
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baashane
magac loo baxsho wiil ay ka muuqdaan calaamadihii madaxnimo ama loogu ducaynayo inuu noqdo boqor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtame
-ha: (magac, lab, keli) meel ama walax la qaybiyay inta u dhaxaysa. Hadduu qalad soo bixiyo, badhtame waa laga noqdaa. Dh: bartame, kalabadh, made, soodin, wadaage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaley
m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro leh (dheddig).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaley
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad barbar leh oo meelaha daadmareennada ah ka baxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabare
-ha: (magac, lab, keli) labo shey oo la isbarbar dhigayo, la isku dhoweyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barasaab
m.l (-byo, m.dh) Qof dawlad u wakiilatay in uu gobol xukumo.

m. n. governor