barqo-kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dabeyl-kulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdur-kulul
m.l (-rro ..., m.dh) (jooloji) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-kulul
il-kulul¹: m.l/dh Il laga cabsado leh.
il-kulul²: m.l/dh (jooloji) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtifuul
m.l Duqsi waaweyn, leh midab qurxoon oo buluug ama cagaar ah oo laga helo meelaha waxa qurmay yaaliin. la-mid: bakhtifuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baranugul
m.l la-mid: baraqnugeyl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardofuul
(magac, lab, keli) eeg fardafuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnugul
f.mg4 (-glaa, glayd) Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnugul
(tilmaame) qof habnugul oo aan dhiirranayn. Nin baraqnugul oo dhan naga reeba.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-BUUR
(Armo-bur) S, C Cyphostemma betiforme (Chiov.)Vollesen. Vitaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAY-KULUL
(Dai-kulul) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAARO-QURUN
(Bara-gurun) N Vepris glomerata (F.Hoffm.) Engl. Rutaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylkulul
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yagaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeylkulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhur-kulul
m.l Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durdurkulul
m.l (-rro ..., m.dh) (jool.) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARQO-WAALEED
(Barkwalet) N Felicia abyssinica A.Rich. Compositae.