barqalibaaxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqalibaaxin
m.f.dh eeg barqalibaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqalibaaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Goor barqo ah seexasho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqolibaax
-a: (magac, lab, keli) hurdo gaaban oo barqada dib loo seexdo. Barqolibaax bartaan seexan jirey bur iyo cawskeed. Dh: barqalibaax, barqoseexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqagibin
m.dh Saacadaha ugu horreeya barqada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqagibin
m.dh Saacadaha ugu horreeya barqada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqajebin
(magac, dhedig, keli) barqada dhammaadkeeda ama dabayaaqadeeda. Barqajebintii ba waan tebay inta maqan lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadibariin
-ta: (magac, dhedig, keli) baadida oo ciddii lahayd la gaadhsiiyo; xoolo ciddii lahayd ka lumay oo la bariiyo oo la ilaaliyo inta dadkii lahaa u imanayaan. Baadibariin baa dadkeenna lagu yagaannaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabaadiino qabid. Dh: badqabid, badqabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqamaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg barqamaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqamaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) barqamaalidda xoolaha barqinkii. Barqamaalis maleh xoolahaan baadka soo cunine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraxitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax qarsoonaa, muujin ama wax xanniban sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basanbaasin
m.f.dh eeg basanbaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basanbaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dhibaatayn oo silic iyo dalambaabi u horseedid. Hoggaamiyo kooxeedyada ayaa qab libaax ka qaatay basanbaasinta dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalbaajin
m.f.dh eeg madalbaaji. la-mid: madalbaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalbaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ballan la lahaa baajin oo inay dhici weydo sabab u noqosho Ninka in laga garhelayo ogaadaa madalbaajin buu marmarsiiyo ka dhigtaa. Dh: ballanbaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanbaajin
(Ballanbaajin-ta)
Ballan hor loo dhigtay, furid; wacad ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanbaajin
m.f.dh eeg ballanbaaji. la-mid: ballanbaajis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ballanbaajin
Non mantenere l'impegno
Not to fulfill an undertaking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanbaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ballanjebin laga baxo ballan la isku ogaa. Munaafaqa waxa lagu gartaa ballanbaajinta. Dh: ballanfur. ballanbaajis -ka: (magac, lab, keli) axdi ama ballan hore oo la isku ogaa jebin. Dh: ballanfuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barqammaalid
(Barqammaalid-da)
Barqadii xoolaha maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqammaalid
m.f.dh eeg barqammaal². la-mid: barqammaal¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barqammaalid
vl. n. late-morning milking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barqammaalid
de: late-morning milking
lx: barqammaalid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: barqammaalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqamaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) maalitaanka barqinkii xoolaha la maalo. Barqamaalitaan meel baadiyo biya leh, halkay beeshu ku badhaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddillibaaxin
m.f.dh eeg ciddilibaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradbixin
(Arradbixin-ta)
Dhar arratir ah siin; arrad ka bixin; arratirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradbixin
m.f.dh eeg arradbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar arratir ah siin; arrad ka bixin; u arratirid. Arradbixinta reerku lacag badan bay u baahan tahay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxamitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg arxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaltaagid
m.f.dh eeg baaltaag². la-mid: baaltaag¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqbaaqid
m.f.dh eeg baaqbaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) baaqbaaq ku samayn. Baagbaaqidda beerta, Beylow dibigiiyow, berri baa lagaa sugi. Dh: baaqbaaqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baaqbaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalin
m.f.dh eeg baashaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) maaweelin oo wakhtidhaaf u samayn. Dh: maaweelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalnaan
m.dh la-mid: beddelnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baddalan oo wixii hore ka duwan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg badqabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar abbaar
Point of incidence
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar qaybin
Division, point of
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barabbixid
m.f.dh eeg barabbax². la-mid: barabbax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaraawi
-ga: (magac, lab, keli) idaha Soomaalida ee madaxa madow, magac looga yaqaan seyladaha dunida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarnaan
m.dh la-mid: dardarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax barbar socda ahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barcadaadi
Halation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaaran
(tilmaame) eeg badhikintaalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageerid oo dhanka danbe ka riixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhikintaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barlammaan
* (Barlammaan-ka)
1. Shirka mudaneyaasha tolku doorto, oo sharciyadana dejiya, siyaasada dowladdana dusha ka ilaaliya.
2. Golaha ama aqalka mudaneyaashu ku shiraan (ama baarlammaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barlammaan
m.l 1. Urur dawladaha dimoqraadiga ahi leeyihiin xubnahiisana dadka ay soo doortaan, oo goo'aannada iyo sharciyada ansixiya. 2. Xarunta ay xubanaha baarlammaanka ku kulmaan. la-mid: baarlamaan, baarlammaan, barlamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barlammaan
m. n. parliament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barlammaan
a: baarlamaan, barlamaan {Eng}
de: parliament
lx: barlammaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: barlammaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqacelin
m.f.dh eeg barqaceli. la-mid: barqacelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barqammaal
(Barqammaal-ka)
Maalidda xoolaha barqadii la maalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqammaal
barqammaal¹: m.l 1. la-mid: barqammaalid. Maalidda xoolaha baraqdii la maalo. 2. Waqti barqo ah oo xoolaha la maalo. 3. B. ah: caano waqtigaa barqada ah la lisay.
barqammaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Waqti barqo ah, xoolo lisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barqammaal
v. milk livestock in the late morning
barqammaal: vl. n. late-morning milking
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BASAL-BAAR
(Basal-bar) S Allium sp. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basanbaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, basanbaas dhaxalsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basanbaasi
(fal) dhibaato iyo silic u horseed. Cilaalka aad halasaha lugaysiisay ma basanbaasi baad lahayd?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baynibixin
m.f.dh eeg baynibixi. la-mid: baynibixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqabatin
-ka: (magac, lab, keli) waddan aanad hore u aqoon la qabsigiisa. Dh: dalqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamaan
m.f.dh eeg harqaaman. la-mid: harqaamaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laallaadin
(Laallaadin-ta)
Meel sare surid ama ka lulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadin
m.f.dh eeg laallaadi. la-mid: laallaadis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalbaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Meel lagu ballamay ka maqnaasho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madalbaaji
v. miss a meeting, fail to keep an appointment (with someone)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalbaaji
(fal) ballan la lahaa baaji oo inay dhici weydo sabab u noqo. Haddii lagaa garhelayo madalbaaji oo haba iman. Dh: ballanbaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madalbaaji
de: miss a meeting, fail to keep an appointment (with s.o.) (with preposition ku)
lx: madalbaaji
pd: (madalbaajiyey)
ps: v2a=intr
key: madalbaaji
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalinjabin
-ta: (n) graduation (garaa-juweeyshin). Ex: xafladda qalinjabinta; the graduation party
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbixin
m.f.dh eeg qarabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayblibaax
m.l Wax qaybtooda ugu badan ama ugu muhiimsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayblibaax
m.l Wax qaybtooda ugu badan ama ugu muhiimsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayblibaax
m. n., [compound] the lion's share
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayblibaax
de: the lion's share
lx: qayblibaax
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
xe: work very hard
xv: shaqada qayblibaax ka qaado
key: qayblibaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ra'libixin
m.dh la-mid: ra'yibixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalitaan
-ka: (magac, lab, keli) salalidda lafteda.
salalitaan -ka: (magac, lab, keli) sasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aarbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarbaarrin
-ta: (magac, dhedig, keli) daanshadaanshood iyo tamashlayn. Dh: baarbaarrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulitaan
-ka: (magac, lah, keli) baytimaalin iyo daadaadin siyaado ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) ka shaqaysashada badaha iyo maaxiddeeda. Dh: badmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahardaacin
m.f.dh eeg bahardaaci. la-mid: bahardaacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahardaadin
m.f.dh eeg bahardaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xun u fadhiisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahdilitaan
-ka: (magac, lab, keli) sumcad riditaan; sharaf dhaawacitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
balanbaalis
butterfly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balanbaalis
-ta: (n) butterfly (bater falaay) ~ babbisjinni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg balambaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamitaan
-ka: (magac, lab, keli) ballan dhigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanbaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Cid, ballan ay dhigtay ka maqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballanbaaji
v., [compound] break a previous promise, get out of a promise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballanbaaji
de: break a previous promise, get out of a promise
lx: ballanbaaji
pd: (ballanbaajiyey)
ps: v2a=cmp
key: ballanbaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wada furitaanta meel ama weel xidhnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg banbaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaritaan
-ka: (magac, lab, keli) banjarid ku dhacday, taayir naqaskii ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) baqoolid waqti cadceeddu kulushahay, socoshada hadhimada dabadeed. Sii boqoolitaan baad tihiin. Dh: dhalandhoolitaan.