barkulmis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkulmis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dadka kulmisa ama la isugu yimaaddo. Barkulmista inna geeya aan ciidda ku soo tukannee.
barkulmis -ta: (magac, dhedig, keli) meel keli ah, mar qudha la wada toogto ama la wada tuuro. Dh: dabkulmis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laba kulmis
Bifocal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkis
-ka: (magac, lab, keli) wax loo barkiyo wax kale. Bukaanka barkis u dhiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmis
kulmis¹: m.l la-mid: kulmin.
kulmis²: m.l (xisaab) Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulmis
m.l (xisaab) Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulmis
vl. n. meeting, coming together; gathering, union
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KULMIS
(Kulmis) May Maerua subcordata (Gilg) Dewolf. Capparidaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kulmis
name-unisex convening; convener
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulmis
-ka: (n) a meeting place or center
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmis
-ka: (magac, lab, keli) talis guud oo looga taliyo dhawr qaybood iyo cutubyo kala duwan oo wada hawlgallo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulmis
a: kulmin (ta) [vn-f]
de: meeting, coming together; gathering, union
lx: kulmis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: kulmis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumis
-ka: (magac, lab, keli) eeg arrumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulis
-ta: (magac, dhedig, kuli) ecg baatu.id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatulmid
m.f.dh eeg baatulan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulmid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, si israaf iyo tashillid la'aan ah ku bixid. Lacatiisii baatulmid bay ku dhammaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeq bardaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumi
(fal) neef geela oo sarajooga fadhiisi. Hasha awrka u arrumi. Dh: tu'i, fadhiisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalis
bąalis: m.l la-mid: bąalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balfis
balfis: m.l la-mid: balfin.
bąlfis: m.l la-mid: bąlfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balfis
-ka: (magac, lab, keli) balfin ama hawaysiin. Balfiska bariis kulul waa lama huraan. Dh: babbis, hufkis.
balfis -ka: (magac, lab, keli) balfin ku samayn, si dadab ah u leexis, balfis bay ahayd fallaadhii faraha goysay. Dh: dalfis,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg balqin.
balqis -ka: (magac, lab, keli) kolka neef shinkiisa dhalmadu buuxsamo ee sibiishu dabacdo qaskuna hoos u go'o. Sacu wuu dhowyahay balse balqis kama muuqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwis
-ka: (magac, lab, keli) reen dibiga qooqan ama sac oomani sameeyo. Dh: bunnaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxis
-ka: (magac, lab, keli) geela oo laga haqab tiro ceel dhane ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariis
(Bariis-ka)
Bariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariis
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARIIS
(Baris) All.Som. Oriza sativa L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariis
-ka: (n) rice (raays) ~ bariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariis
a: bariid; staple of northern Somalia
de: rice
lx: bariis
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bariis
أرز
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkin
1. (Barkin-ka) Barkimo qori ah (ama barshin).
2. (Barkin-ta) Barkimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkin
barkin¹: m.l (-nno, m.dh) Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. la-mid: barshin.
barkin²: m.dh (-imo, m.dh) Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iyo wixi lamida laga buuxiyo oo la barkado. la-mid: barkimo.
barkin³: m.f.dh eeg barki.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barkin
barkin¹: m.l (-nno, m.dh) Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. la-mid: barshin.
barkin²: m.dh (-imo, m.dh) Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iyo wixi lamida laga buuxiyo oo la barkado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barkin
m. n. wooden neck-rest
barkin: [feminine] n. pillow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barkin
-ta: (n) [barkimo-ha] pillow (piloow); or decorative cushion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax ka samaysan cutub, maryo ama baalka digaagga oo kiish lagu hudbay, la barkado. Baradaada markaad timaad ee barkimo laguu daadsho. Dh: barkimo, makhadad.
barkin -ka: (magac, lab, keli) qori si farshaxan leh loo qoro oo sal ballaadhan iyo madax labageesle loo yeelo dhexdana xaradh iyo sharraxaad loogu sameeyo oo raggu barkan jiray. Dh: barki, barji.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Barkin
Looxa koobaaban ee ku yaal salka qaansowaraarida ee gaaddada lagu reebo marka magdaxa wax lagu duleelinayo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
barkin
وِسَادَةَ، نُمْرْقَة، رَفْرَفَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmid
m.f.dh eeg baran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo badh noqosho. Joonyadda iyada oo buuxda qaad oo barmid ha ku qaadin. Dh: badhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqis
-ka: (magac, lab, keli) daajis xoolo goor barqo ah. Barqiskii lo'daan ku bukoodayoo, bulloy waa bastey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxis
-ka: (magac, lab, keli) barxin ku ridid.
barxis-ta: (magac, dhedig, keli) isku daris biyo iyo caano. Falanfalxo idaad badhxis la'aan baa la dhamaa. Dh: badhxis, xariiris.
barxis-ta: (magac, dhedig, keli) barxidda baraarka. Baraxis baraar baa lagu ogaa baarqabna guuxe. Dh: badhxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryis
-ta: (magac, dhedig, keli) baryada Ilaahay ama cid kale. Baryis baahi kaama tirto. baryitaan -ka: (magac, lab, keli) eeg baryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylis
m.l la-mid: baylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylis
-ta: (magac, dhedig, keli) bayl ka dhigid. Baylistaba biyaha dabbaa lagu shidaa taniyo Cali berigiiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buliis
m. n. police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buliis
-ka:(n) 1. police officer (poliis o-fiser)-, cop (kaap)-, constable ~ booliis, boliis 2. police station
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buliis
a: boliis {Eng}
de: police
lx: buliis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: buliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulmid
(Bulmid-da)
Wax bulmay noqosho; sii gurmid; sii rifmid; shiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulmid
m.f.dh eeg bulaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulmid
vl. n. decay, decomposition, deterioration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulmid
-da: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash noqosho. Xiggu bulmidda wuu ku fiican yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulmid
de: decay, decomposition, deterioration rw: bulan
lx: bulmid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: bulmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulis
-ka: (magac, lab, keli) eeg buullays.
buulis -ka: (magac, lab, keli) eeg booliis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmis
-ka: (magac, lab, keli) darminta la darmiyo geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmid
(Kulmid-da)
Meel isugu imaansho; ururid; isgaarid; shirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmid
m.f.dh eeg kulan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho. Dh: shirid.
kulmid-da: (magac, dhedig, keli) marka falaadho (ilays, kul, kaah) oo barbarro u wada socda, wax ay isku soo duwaan ama ay soo dhexmaraan ee ay meel ku kulmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmin
(Kulmin-ta)
Meel isugu keenid; shirin; isgaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmin
m.f.dh eeg kulmi. la-mid: kulmis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, meel isugu keenid. Dh: shirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmis
m.l la-mid: lalmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmis
-ka: (magac, lab, keli) eeg lalmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
markis
m.l la-mid: markin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarmis
(Rarmis-ka)
Rarmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarmis
m.dh la-mid: rarmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarmis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rarmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmis
-ka: (magac, lab, keli) farcan badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alkumid
(Alkumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumid
m.f.dh eeg alkun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan horey u jirin abuurid; wax cusub uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjumid
m.f.dh eeg arjun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arjumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarin; wax daboolid ama aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimis
m.l la-mid: arrimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimis
-ka: (magac, lab, keli) eeg arrimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumid
m.f.dh eeg arrun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumin
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhiisinta neef geel ah oo sara joogay. Dh: tu'in, fadhiisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruuris
m.dh la-mid: aruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askumid
m.f.dh eeg askun². la-mid: askun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askumid
-da: (magac, dhedig, keli) bilaabitaanka shey hor leh; wax cusub soo saarid. Dh: alkumid, unkid, billaabid, curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaquli
(Baaquli-ga)
Weel godan oo dhoobo ama siin ama wax kale laga sameeyey oo cunnada lagu gurto; qaafiri; madiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaquli
m.l (-iyo, m.dh) Weel maacuunta ka mid ah, dabool leh sidde lahayn oo wax lagu shubto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaquli
m.l (-iyo, m.dh) Weel maacuunta ka mid ah, dabool leh sidde lahayn oo wax lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaquli
m. n. bowl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaquli
-ga: (n) bowl (bool) maddiibad, xeero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaquli
-ga: (magac, lab, keli) weel godan oo lagu rito cuntada. Dh: maddeebad, maddiibad, qaafiri, xeedho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaquli
cf: maddiibad, qaafiri {S & C}
de: bowl
lx: baaquli
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: baaquli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararis
m.l Ciir in caano dhay ah lagu daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barismi
(magac, lab, keli) wakhti duunyada iyo dadkuba nolol fiican ku jiraan. Barismi waa badnaa nololaa se ka badatay. Dh: berisamaad, samalaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkimo
(Barkima-da)
Gal maro ama wax kale ah, oo inta cudbi ama baal ama wax kaloo jilicsan laga buuxsho, kolka la seexana hayo, madaxa hoostiisa la dhigto; (ama barkin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkimo
m.dh la-mid: barkin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barkimo
f. n. cushion, pillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimo
-da: (magac, dhedig, keli) gal, maro ama wax kale oo inta cudbi ama baal digaag ama wax kaloo jilicsan laga buuxiyo. Marka la seexanayo ayaa madaxa hoostiisa la dhigtaa si ay kor ugu soo qaado ama madaxu kuu qululin. Dh: makhadad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barkimo
de: cushion, pillow
lx: barkimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: barkimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayluli
-da: (magac, dhedig, keli) gogol ka samaysan cawda oo darmada ka yara weyn. Bayluli ninkii loo goglaa saw caato goosan maayo. Dh: darfooley, salli.