barkimodhacaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimodhacaw
-ga: (magac, lab, keli) xanuun qoorta iyo muruqyadeeda laga dareemo ay barkimo xumo keento. Dh: barkimodhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimadhac
-a: (magac, lab, keli) eeg barkadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkindhacow
-ga: (magac, lab, keli) seedaha iyo muruqyada qoorta oo la xanuuna si xun oo loo seexdo awgeed. Dh: barkimodhacow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkindhac
barkindhac¹: m.l la-mid: barkadhac¹.
barkindhac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: barkadhac².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barkindhac
m. n., [compound] stiff neck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barkindhac
-ay / day: (v) neck pain caused by using improper pillow ~ barkadhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkindhac
-a: (magac, lab, keli) muruqyada qoorta oo la xanuuna barkinta oo surka lagala dhaco aawadeed. Dh: barkadhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barkindhac
a: barkadhac
de: stiff neck
lx: barkindhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: barkindhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) barkimada, makhadadda iyo wax la mid ah oo surka lagala dhaco habeenkii. Dh: barkadhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barkadhac_1
a: barkindhac
de: stiff neck
hm: 1
lx: barkadhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: barkadhac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barkadhac_2
de: have a stiff neck (especially after sleeping without a pillow)
hm: 2
lx: barkadhac
pd: (barkadhacay)
ps: v1=cmp
key: barkadhac_2
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CARMODHAGAY
Cissus ellenbeckii 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkindhicid
m.f.dh la-mid: barkadhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkindhicid
-da: (magac, dhedig, keli) habeenkii barkinta ka dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimakadhac
-a: (magac, lab, keli) luqunta xanuun ku dhaca oo ka dhasha ama ka kaca barkimada oo habeenkii ama maalintii kolka la hurdo si xun loogu seexdo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar dharab
Dew point
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baradhacsi
m.l la-mid: baradhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baradhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Si kala daadsanaan ah u fariisasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baradhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Si kala daadsanaan ah u fariisasho (qof). m.f.dh, baradhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhac
barbardhac¹: m.l 1. la-mid: barbartan 1. B. ah: labo qof, koox ka badan oo tartan ku kala badin waayey. 2. la-mid: barbardhicid.
barbardhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Labo qof, koox ama ka badan tartan ku kala badin waayid. la-mid: barbarradhac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbardhac
barbardhac¹: m.l 1. la-mid: barbartan 1. B. ah: labo qof, koox ka badan oo tartan ku kala badin waayey. 2. la-mid: barbardhicid.
barbardhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Labo qof, koox ama ka badan tartan ku kala badin waayid. m.dh, barbardhicid. la-mid: barbarradhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhac
-a: (magac, lab, keli) labo qof iyo ka badan oo tartan ku kala bixi waayey, dhibco is le'eg keenay, garba siman noqday, kala adkaan waaya, kala gurad. Labadan wiil legdintii barbardhac bay noqdeen. Dh: kalamaadkaan, barbarro, garbadhac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarrifdhac
m. n., [compound] devaluation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarrifdhac
de: devaluation
initial: s
lx: sarrifdhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
syn: qiimedhac
key: sarrifdhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraadla'aw
(fal) ahaw qof baraadla'; ahaw qof xiskiisu maqan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkadhicid
(Barkadhicid-da)
Waxbarkasho-xumo darteed, muruqyada surku xanuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadhicid
m.f.dh eeg barkadhac². la-mid: barkindhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) surka oo barkinka ka dhaca. Dh: barkindhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkumataal
(tilmaame) wax aan waxtar lahayn; wax aan faa'iido lahayn. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin bayuuraha, bullashada wirteediyo, baga iyo bagaaleey iyo lihi barkumataal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarkadhaban
m.l (-nno, m.dh) 1. Welwel iyo hiyikac ku dhaca qof, arrin la soo deristay awgeed. 2. Dhibcaha biyaha roobka. 3. Roob tabaryar oo aan dhulka si fiican u qoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkadhaban
-ka: (magac, lab, keli) roob yar oo kolkiiba qaada; shuux.
sarkadhaban -ka: (magac, lab, keli) dhibicda roobku ee markuu da'ayo dusha kaa haysa. Sarkudhabanku beeraha ma soo gaadhin.
sarkadhaban -ka: (magac, lab, keli) dhaxanta roobka ka daba timaadda, Roob saaka da'ay baa sarkadhaban la yimid. Dh: dhaxan, gaydh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf dhagax
Hail
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf-dhagax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf-dhagax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-DHAGAY
(Armo-dagai) C Cissus ellenbeckii Gilg. & Brandt. Vitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkindhurwaa
-ga: (magac, lab, keli) eeg adaahi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Berkad dharab
Dew pond