barkimawaraabe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimawaraabe
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah likaha; abuur sida waarigta dhulka ka soo foodhaca, inta dhulku rayska yahay sii ba meelaha dundumooyinka agtooda oo aan la cunin. Dh: waarigdhuleed, barkinwaraabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkiwaraabe
(Barkiwaraaba-ha)
Likaha jaadadkiisa jaad ka mid ah oo la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkiwaraabe
-ha: (magac, lab, keli) eeg barkima-waraabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkinwaraabe
m.l Nooc jaadadka likaha ka mid ah oo la cuno. la-mid: barshinwaraabe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barkinwaraabe
m. n., [compound] edible mushroom species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barkinwaraabe
-barkinwaraabaha: (n) mushroom (mash ruum) ~ boqoshaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkinwaraabe
-ha: (magac, lab, keli) jaad likaha ka mid ah oodallad u eg. Dh: barkimowaraabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barkinwaraabe
cf: like
de: edible mushroom sp.
lx: barkinwaraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: barkinwaraabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barshinwaraabe
m.l la-mid: barkinwaraabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barshinwaraabe
-ha: (magac, lab, keli) qadhaab dhulka ka soo baxa oo inta uu darayga yahay la cuno kolkuu dillaacana dhadhan xumaada. Waxan soo guranay loke iyo barshinwaraabe. Dh: barki-waraabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabaraale
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo lab oo baro leh oo aan ahayn geela. Dibi barabaraale ah ayaan qalannay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimakadhac
-a: (magac, lab, keli) luqunta xanuun ku dhaca oo ka dhasha ama ka kaca barkimada oo habeenkii ama maalintii kolka la hurdo si xun loogu seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaarhaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakhaarhaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhaarhaye
m. n. storekeeper, shop attendant, warehouseman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhaarhaye
-bakhaarhayaha: (n) storekeeper (istoor kiiper); warehouser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhaarhaye
-ha: (magac, lab, keli) qofka bakhaar furihiisa iyo qufulkiisa haya; qofka haya bakhaar shaqadiisa ee waxa yaalla maamula.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhaarhaye
de: storekeeper, shop attendant, warehouseman
lx: bakhaarhaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: bakhaarhaye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkimadhac
-a: (magac, lab, keli) eeg barkadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkumataal
(tilmaame) wax aan waxtar lahayn; wax aan faa'iido lahayn. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin bayuuraha, bullashada wirteediyo, baga iyo bagaaleey iyo lihi barkumataal.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAG-WARAABE
(Agwarabe) N Aizoon canariense L. Aizoaceae.
N Corbichonia decumbens (Forsk) Exell. Aizoaceae.
N Trianthema triquetra Willd. Aizoaceae.
N Trianthema salsoloides Oliv. Aizoaceae.
N Zygophyllumdecumbens Del. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harwaraable
m.l Waqtiga kulul meelaha aan geedaha lahayn isgelinta iduhu ay madaxa isgeliyaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIR-WARAABE
(Dir-uarabe) S Macrotyloma uniflorum (Lam.)Verdv. Papilionaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARFO-WARAAB
(Harf-warap) N Tetrapogon cenchriformis (A.Rich) Clayton. Gramineae.
N Tetrapogon tenellus (Roxb) Chiov. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-WARAABO
(Armo-warabo) N Cissus cactiformis Gilg. Vitaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-WARAABE
(Daar-warabe) May Drimia altissima (L.F.) Ker-Gawl. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacayrwaraabe
-ha: (magac, lab, keli) geedgaab yar oo u eg ubataysta. Gacayrwaraabaha xooluhu ma cunaan. Dh: gawracato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goollawaraabe
(Goollawaraaba-ha)
Bahal-higlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goollawaraabe
m.l Bahalhiglo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goollawaraabe
m. n. wild dog species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goollawaraabe
-ha: (magac, lab, keli) dugaag yeyda u eg dacawadana ka yara weyn oo kooxkoox isku raaca. Dh: bahalhiglo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goollawaraabe
de: wild dog sp.
lx: goollawaraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: goollawaraabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ra'iisalwasaare
m.l (-rayaal, m.l/dh) (siyaasad) Qof madaxa u ah golaha wasiirrada ee dawladeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ra'iisalwasaare
m.l (-rayaal, m.l/dh) (siyaa.) Qof madaxa u ah golaha wasiirrada ee dawladeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ra'iisalwasaare
-ha: (magac, lab, keli) qofka ugu sarreeya golaha wasiirrada; wasiirka kowaad.