ereyga

barijugley

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barijugley

DHAN

m.dh.u Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barijugleyn

DHAFAN

m.f.dh eeg barijuglee. la-mid: barijugle.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barijugleyn

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) badhijig u dhicid oo dabada dhulka ku jiidid. Barijugleynta carruurtu waxba kuma noqoto. Dh: badhijigleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Barijugle

DHAFAN
1

(Barijugla-ha)

2

Saljugle u dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barijugle

DHAFAN

m.l Dhicidda qof barida si xoog leh dhulka ugu dhufto. la-mid: barijugleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

barijugle

DHAFAN

m. n., [compound] falling on one's rump

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barijugle

DHAFAN

-ha: (magac, lab, keli) eeg badhijugle.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

barijugle

DHAFAN
1

de: falling on one's rump

2

lx: barijugle

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m-cmp

5

syn: saljugle

6

key: barijugle

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barijuglee

DHAFAN

f.mg2 (-leeyay, -leysay) Barida si xoog leh dhulka ugu dhufasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barijuglee

DHAFAN

(fal) dabada dhulka ku jiid; badhijig u dhac. Barijuglee had xanuunkeeda aragtide. Dh: badhijiglee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cagajugleyn

DHAFANDHAAF
1

(Cagajugleyn-ta)

2

Cagaha dhulka la dhicid, si qof cabsi lagu geliyo; cabsiin; bajin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagajugleyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg cagajuglee. la-mid: cagajugle (2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cagajugleyn

DHAFANDHAAF

-ta: (n) the act of frightening; harassment (haares-ment)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajugleyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagajug- layn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajugleys

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hanjabaad ay diriri ku dheehan tahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ariiley

DHAFANDHAAF

-da: (magacwadareed) reeraha isla deggan ee adhiga oo keliya dhaqda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraley

DHAFANDHAAF

m.dh Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraaley

DHAFANDHAAF

m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro leh (dheddig).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baraaley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) tigaad barbar leh oo meelaha daadmareennada ah ka baxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Barafley

DHAFANDHAAF

Permafrost

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Barixume

DHAFANDHAAF
1

(Barixuma-ha)

2

Baraxume.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barixume

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: baraxume.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

barixume

DHAFANDHAAF

m. n. shark species

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barixume

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) eeg baraxume.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

barixume

DHAFANDHAAF
1

a: baraxume

2

de: shark sp.

3

lx: barixume

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m, n6-m

6

key: barixume

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Saljugle

DHAFANDHAAF
1

(Saljugla-ha)

2

Kufid salka dhulka loogu hormaro; barijugle.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

saljugle

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Salka oo loo dhaco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

saljugle

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] falling on one's rump

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saljugle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) kufid salka loo dhaco; barijugle; badhijugle.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

saljugle

DHAFANDHAAF
1

de: falling on one's rump

2

initial: s

3

lx: saljugle

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m-cmp

6

syn: barijugle

7

key: saljugle

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Baarinley

DHAFANDHAAF

Baanad dhuun ah oo leh madax ama lammaan lix-xaglood ah iyo tikraar dhexroor sugan ah oo gacanqabsi loogu dhaqmo kaasoo marna siddo ahaan u habsamaysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barkadley

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: kabarray.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagajugle

DHAFANDHAAF

m.l 1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. la-mid: cagajugleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cagajugle

DHAFANDHAAF

m.l Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajuglay

DHAFANDHAAF

(fal) «u ~» u hanjab. Dh: baji, cabsii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagajuglee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -leysay) U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cagajuglee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -leysay) U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin. m.f.dh, cagajugleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cagajuglee

DHAFANDHAAF

v. threaten, intimidate

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cagajuglee

DHAFANDHAAF

-yey / cagajugleysay: (v)frighten (faraay-ten); scare (iskeer); harass (haaras) ~baji, cabsii. —Syn: alarm, terrify, terrorize, startle, panic

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajuglee

DHAFANDHAAF

(fal)) u hanjab; handed; cagajuglay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cagajuglee

DHAFANDHAAF
1

de: threaten, intimidate

2

lx: cagajuglee

3

pd: (cagajugleeyey)

4

ps: v2b=

5

key: cagajuglee

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

halunugley

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) Noole hal unug ka kooban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

halunugley

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) (baay.) Noole hal unug ka kooban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraqnugeyl

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: baraqnuglaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baraqnugeyl

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof qalbi jilicsan oo fulay ah. Baraqnugeylka baashaa nagala mar. Dh: beernugayl, beerjileec, qalbinugeyl.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraqnuglow

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-laaday, -laatay) Baraqnugul noqosho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baraqnuglow

DHAFANDHAAF

(fal) qof habnugul oo xishood badan ahaw. Intaad yar tahay baraqnuglow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajuglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad ay diriri ku dheehan tahay. Dh: bajin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fartaagleey

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan, dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hal'unugley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) abuurta sida bakteeriyada ee ka samaysan unugga qudha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jiririgleyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) aad wax u xidhid illaa uu codkaa sameeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

masalugaley

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: masacagaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

masalugaley

DHAFANDHAAF

f. n. monitor lizard

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

masalugaley

DHAFANDHAAF

-da: (n) lizard (lizerd) ~ abeesolugaley, masacagaley

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

masalugaley

DHAFANDHAAF

-da: (magac,dhedig, keli) eeg maansacagaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

masalugaley

DHAFANDHAAF
1

a: masalugooley

2

de: monitor lizard

3

lx: masalugaley

4

pd: (-da)

5

ps: n-f

6

see: masacagaley

7

key: masalugaley

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Miririgleyn

DHAFANDHAAF
1

(Miririgleyn-ta)

2

Si miririg ah u dhaqdhaqaaqid, u socsocosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miririgleyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg miririglee. la-mid: mililigleyn.

waa la naqliyay ✓