bariinsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariinsi
-ga: (magac, lab, keli) wax joogtaysi ah. Bariinsiga bukaan waa laga baxaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriinsi
-ga: (magac, lab, keli) wax joogtaysi. Dh: joogtaysi; caadaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisi
(fal) xerada xoolaha ku raaji subaxii, barqada ku dibdhig. Bariisi adhiga inta yaxnigu ka kici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriinso
(fal) hawl ama wax kale si isdabajoog ah u fal ama u samee. Dh: joogtayso, caadayso, laasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariin
(Bariin-ta)
Nabadgelyo ku bari siin; samatabbixin; badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariin
m.f.dh eeg barii. la-mid: bariisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariin
f. n. safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof socota ah, jiif iyo cunto la siiyo. Dh: martigelin.
bariin -ta: (magac, lab, keli) xoolo, ka ilaalin waxii dhib u keenaya oo dhan gaar ahaan habeenkii ilaa waagu baryayo. Tuug bariin ma leh berri buu ku xadi. Dh: magangalin, nabadgelin, samatabixin, badbaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariin
de: safety
lx: bariin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: bariin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariis
(Bariis-ka)
Bariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariis
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARIIS
(Baris) All.Som. Oriza sativa L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariis
-ka: (n) rice (raays) ~ bariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariis
a: bariid; staple of northern Somalia
de: rice
lx: bariis
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bariis
أرز
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrinsi
m.l la-mid: arrinsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrinsi
vl. n. consultation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrinsi
-ga: (n) counseling; the act of giving or taking of advice; consultation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrinsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg arrinsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrinsi
de: consultation
lx: arrinsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: arrinsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariidi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariidi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid. m.f.dh, bariidin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariidi
v. greet someone in the morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariidi
-yey say; (v) salute in friendly way in the morning; greet (giriit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariidi
(fal) tooyo xaalka deriska ama dadka aad kulantaan waxay ku baryeen xalay. Soo bariidi bahdu waxay xalay ku baryeen. Dh: salaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariidi
de: greet s.o. in the morning
lx: bariidi
pd: (bariidiyey)
ps: v2a=
key: bariidi
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bariise
name-m greeting, salutation. Syn: Bariido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bariise
magac loo baxsho wiil dhashay arooryada hore ee la bariisanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariiso
(Bariisa-da)
Wax dadka ku soo waabberiista ama waabberigii dhaca (roob, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariiso
bariiso¹: m.dh 1. Waqtiga u dhexeeya qoraxsoobaxa ilaa ay qoraxdu diirimaad dhaxanta kiciya ka yeelato. 2. Roob da'a arooryada hore.
bariiso²: f.mg3 (-stay, -satay) Meel lagu hoyaday ilaa diirimaadka qorraxdu dhaxanta kiciyo ku sugnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariiso
bariiso¹: m.dh 1. Waqtiga u dhexeeya qorax-soobaxa ilaa ay qoraxdu diirimaad dhaxanta kiciya ka yeelato. 2. Roob da'a arooryada hore.
bariiso²: f.mg3 (-stay, -satay) Meel lagu hoyaday ilaa diirimaadka qorraxdu dhaxanta kiciyo ku sugnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariiso
f. n. any event happening at dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bariiso
magac loo baxsho gabadh dhalatay xilli subax ah oo la bariisanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariiso
(fal) inta ay qorraxdu dheeraanayso sug. Xooluhu xilliga barwaaqada way bariistaan.
bariiso -da: (magac, dhedig, keli) aroorta hore inta ayna cadceeddu kululaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariiso
de: any event happening at dawn
lx: bariiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bariiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax salka dhul u dhigid. 2. Cid fadhi ku soo dhaweyn. 3. Ka f.: cid shaqo ka joojin. 4. Caano iyo wixi lamida garoorin. la-mid: fadhiisi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariisi
v. seat, sit someone down; cause to sit down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisi
-yey / say: (v) cause or help someone to sit down; seat (siit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisi
(fal) cid kale, salka u dhig; fadhiisi.
fariisi: (fal) caano, biyo iyo wixii la mid ah, dareere ahaanta ka bi'i oo gadhoodhi. Dh: fadhiisi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fariisi
a: fadhiisi
de: seat, sit s.o. down; cause to sit down
lx: fariisi
pd: (fariisiyey)
ps: v2a=tr
key: fariisi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiinsi
m.l la-mid: ąammiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: barii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisii
(fal) sug illaa dhulku diirayo oo barqada la gaadhayo. Xoolaha ha kallihine bariisii. Dh: bariisi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareeritaanka xoolaha oo dib loo dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniinsi
-ga: (magac, lab, keli) wax aanad dhammaantii wada arki karayn qayb ka arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsi
m.l la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cariigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsi
(Cariiqsi-ga)
Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan la sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo; (ama cariigsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. 2. la-mid: cariiqsasho. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsi
vl. n. provoking, 'bugging' someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cariiqsi
-ga: (n) the act of challenging or provoking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsi
-ga: (magac, lab, keli) carigsi; canaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsi
de: provoking, 'bugging' s.o.
lx: cariiqsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cariiqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinsi
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maciinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaqiinsi
(Yaqiinsi-ga)
Rumaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqiinsi
m.l la-mid: yaqiinsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaqiinsi
vl. n. certainty, feeling sure, realization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqiinsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yaqiinsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaqiinsi
de: certainty, feeling sure, realization
initial: y
lx: yaqiinsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: yaqiinsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriinsad
-ka: (magac, lab, keli) u baradka hawl ama wax kale oo si isdabajooga ah loo falo. Barriinsadka barqin seexashaduu bartay. Dh: caadaysad, laasimid, joogtaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarriinsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: jarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammiinsi
-ga: (magac, lab, keli) Allabari la ducaynayay, 'aamiin' dhihis. Dh: ducaysi.
aammiinsi-ga: (magac, lab, keli) inta culimo iyo dad masaakiin ah la ururiyo, ka ducaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisiin
m.f.dh la-mid: bariin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bariisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barimarsi
m.l Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barimarsi
m.l Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barimarsi
Hinterland
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carriigsi
-ga: (magac, lab, keli) «ku~ wax la yeeli lahaa, qof dartii ama xumayntii, u diidid ama wax aan la sameeyeen oo qof ku xumayntii loo sameeyo. Dh: cariigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galliinsi
-ga: (magac, lab, keli) Allabari iyo duco Ilaahay wax la waydiisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniinsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Nafley afka wax u gelin si uu u qaniino. 2. Cid isku dirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniinsii
v.caus: cause to bite, make bite
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaniinsii
de: cause to bite, make bite
lx: qaniinsii
pd: (qaniinsiiyey)
ps: v2a=caus
key: qaniinsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibsi
-ga: (magac, lab, keli) qunyarsiga; aayarsi. Tartiibsade qodaxi ma muddo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ainsi
ainsi, adv. - Sidaas oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Habeen meel ku nabad gelin (nafley). la-mid: bariisii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Habeen meel ku nabad gelin (nafley). m.f.dh, bariin. la-mid: bariisii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barii
(fal) marti kuu timid wax sii. Martidaada barii. Dh: soor.
barii: (fal) subaxa gaadhsii; waaberiga la sug. Xaajada waaga u barii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baris
m.dh la-mid: barid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baris
vl. n. teaching; study
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baris
-ta: (n) the act of teaching or instructing ~ barid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baris
-ta: (magac, dhedig, keli) macallinimada ama wax dhigista. Baris iyo barbaarin buu barahani u diyaar yahay.
baris -ta: (magac, dhedig, keli) u dhigista cashir. Baris cashir waa lagala quustay.
baris -ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» dad aan is aqoon isbaris. Isbaris agaasimuhu buu shirka ku furay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baris
a: barid
de: teaching; study
lx: baris
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: baris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barni
(Barni-da)
Jaadadka timirta mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barni
m.dh Nooc ka mid ah jaadadka timirta, midab bunni ah leh oo faradda u eg kase waaweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Barni
pr. n., [feminine] Barnee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barni
f. n. date species (fruit)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barni
name-f date sp. (fruit) considered the best species; lit: very light-skinned. Cf: Suuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barni
magac loo baxdo gabadh midabka timirta leh oo casaan dhalaalaya u dhalatay. Ereyada saluuggoo dhan, Barni sumalxadkeedaa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barni
-da: (magac, dhedig, keli) timirta nooca ugu wanaagsan oo halweyn ah; jaad ka mid ah timirta oo aad u cad. Barni iyo bariis iyo xalwiyo budo la iidaamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansi
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg baansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasi
(fal) baras u yeel ama calaamadee. Barasi hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariid
(Bariid-ka)
Geed yar oo la beero iyo iniino uu dhalo oo budo leh oo la cuno (ama bariis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariid
m.l la-mid: bariis.