barigoyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barigoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) buullayn oo neef iyo wax ka badan u qalid. Barigoyntu waa xeer hore oo Soomaalidu isku ogayd. Dh: badhigoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggoyn
m.f.dh eeg bariggoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barigooyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo loo qalo qof la buullaynayo ama nabar la gaadhsiiyay. Dh: badhigooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barigoo
(fal) buullo qal oo cid ku daawee. Ninka u barigoo. Dh: badhigoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargoyn
m.f.dh eeg gargoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) garnaqid oo dad kala dhexdhexaadin. Dh: xeerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoyn
m.f.dh eeg sargoo. la-mid: sargoys.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sargoyn
Calibration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) «kuku jaangoyn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf goyn
Nivation
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bari go'an
Karingaabad, radeeb go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggo'an
m.l Daruur weyn, biyo lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggooyo
m.dh B. ah: 1. Neef ida ah oo qof dhaawac ah in lagu baaniyo loo qalo. 2. Hanti la siiyo qof la dhaawacay qaansimidda ka hor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimayn
m.f.dh eeg bacrimee. la-mid: bacrimays, bacrimin, bacrimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bacrin ku samayn oo meel si fiican wax uga baxaan ka dhigid. Dh: nafaqayn, bacrimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariweyne
m.l (-nayaal, m.l/dh) Bayd faal, oo manjaha, iyo tan ka sarraysa min laba ka ah, madaxa iyo tan ka hoosaysana min hal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqageyn
(magac, dhedig, keli) daajinta xoolaha ee barqadii. Barqageynta adhiga ha barina.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub dhigid wax nooc ahaan ka duwan waxa badka yaalla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartireyn
m.f.dh eeg bartiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribgoyn
m.f.dh eeg ciribgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabargoyn
(Dabargoyn-ta)
Ciribtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargoyn
m.f.dh eeg dabargoo. la-mid: dabargoys (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jirey baabi'intii. Dabargoynta lagu sameeyey geedihii waad yaabi markaad aragto kaymaha. Dh: dabarjarid, tirtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garigo'an
(tilmaame) meel aan biyo iyo baad midna lahayn. Garigo'an gabbal kuugu dhac. Dh: gerigo'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariggoys
m.l (-syo, m.dh) Dowligoys; sirsir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barijugleyn
m.f.dh eeg barijuglee. la-mid: barijugle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barijugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) badhijig u dhicid oo dabada dhulka ku jiidid. Barijugleynta carruurtu waxba kuma noqoto. Dh: badhijigleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariin
(Bariin-ta)
Nabadgelyo ku bari siin; samatabbixin; badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariin
m.f.dh eeg barii. la-mid: bariisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariin
f. n. safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof socota ah, jiif iyo cunto la siiyo. Dh: martigelin.
bariin -ta: (magac, lab, keli) xoolo, ka ilaalin waxii dhib u keenaya oo dhan gaar ahaan habeenkii ilaa waagu baryayo. Tuug bariin ma leh berri buu ku xadi. Dh: magangalin, nabadgelin, samatabixin, badbaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariin
de: safety
lx: bariin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: bariin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigayn
m.f.dh eeg bigee. la-mid: bigays (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bislayn shaah; shaah karin. Bigaynta shaaha adaa igu dhaama.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jargon
/jargan/ (n) hadal xirfad ama cilmi gaar ah loo isticmaalo (erey-bixin cilmiyeed). e.g. They use a lot of professional jargon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigayn
m.f.dh eeg rigee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anigoon
pron.,+ [conjunction], neg. while I ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anigoon
de: while I ... not = aniga + oo + aan
lx: anigoon
ps: pro + conj + neg
key: anigoon
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bargain
/baargin/bargains, bargaining, bargained; (n) 1. baayactan; gorgortan. e.g. Let us make a bargain, what could you offer?(n) 2. qiima jaban. e.g. At this low price, the suit is a bargain.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bargain
/baargin/ (n) 1. gorgortyng (hellis). 2. raghiis. (v) 3. helliyow goony haang maddi wal ly shal gathythaw.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bargain
n., baayacad, -di; a bargain is a bargain, baayacaadba baayacaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baritan
m.l la-mid: barid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritan
-ka: (magac, lab, keli) tartan orod oo labo ama wax ka badan dhexmara. Baritanka 21km ayaa Jabuuti lagu qabtaa. Dh: boroton, baratan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjayn
m.f.dh eeg barjee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunitaan qaadka; barjo cunid. Dh: qayilaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgoyn
m.f.dh eeg cadgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jug ama nabar gaarsiin; hilibgoyn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgoyn
screening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale surka ka goyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paragon
/paaragan/ (n) tusaale habboon ah (qof ama wax ku dayasho mudan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoyn
m.f.dh eeg qasgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoyn
m.f.dh eeg qurgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dil oo qudha ka goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoys
m.l la-mid: sargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgoyn
m.f.dh eeg surgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargeyn
m.f.dh eeg wargee. la-mid: wargeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) war qaadid oo cid kale u tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafayn
m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafayn
Freezing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax aad u qabaw oo dhagax oo kale ah. Barafaynta biyaha ka daa. Dh: qaboojin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggoo
f.mg2 (-ooyay, -oysay) U b.: qof dhaawac ah neef ida ah oo lagu baaniyo u qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariidin
(Bariidin-ta)
Weyddiin in nabad lagu baryey; aroor nabdaaddiyid; waabberigii salaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariidin
m.f.dh eeg bariidi. la-mid: bariidis, bariido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariidin
m.f.dh eeg bariidi. la-mid: bariido (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariidin
-ta: (magac, dhedig, keli) tooyashada waxay ku baryeen ama ogaanshaha xaalkooda. Bariidin idiin ku imid baryo uma socon. Dh: salaan, nabaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareeritaanka xoolaha oo dib loo dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaan
-ka: (magac, lab, keli) waxbaritaan, u dhigitaanka cashir. Baritaanka Soomaaliga berri baa la bilaabi.
baritaan -ka: (magac, lab, keli) (is ~) isbaritaanka dad aan is aqoonin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u eryesho oo daalin; orod ku daalin. Nafleydu waa adoo kale ee cagagoynta ka ilaali oo mar mar nasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deligoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qofka lagu qasbaayo inuu qabto hawl tamartiisa ka badan. Dh: dhabarjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragoys
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah shinbiraha ugaadhsada. Dh: dafo, yili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimayn
m.f.dh eeg harimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qado cunid. Dh: qadayn, hadhimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaangoyn
(Jaangoyn-ta)
Wax la dhisa hayo ama la tola hayo, qaab u yeelid; habayn; hannaanin; sargoyn; qorshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaangoyn
m.f.dh eeg jaangoo. la-mid: jaangooyo (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaangoyn
v., [compound] plan, design
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalagoyn
vl. n. cutting apart; subtraction {mathematics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab wax loo xisaabiyo oo lidka ku ah iskugeynta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalagoyn
cf: isdhimid
de: cutting apart; subtraction {mathematics}
lx: kalagoyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kalagoyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) geed laamaha la goyn si waddada loo banneeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaal ka bixid oo dadka iyo waaqica la qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhigooyo
-da: (magac, dhedig, keli) buullada lagu xannaaneeyo qof nabar iyo dhaawac loo geystay. Inta wan ama laxda la qalo ayaa badhida oo la shiilay la kebbiyaa ruuxa dhaawacan. Taasi na waxay fure iyo caddayn u noqotaa in ciddii nabarka lahayd ay xilkeegii qaadatay. Badhigooyo buullo ka badh maaha.
badhigooyo -da: (magac, dhedig, keli) wanka u horreeya ee loo qalo qofka dhaawaca loo geystay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraggoyn
m.f.dh eeg carraggoo. la-mid: carraggoys (3).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabargooyn
-ta: (n) eradication (iraadi-keey-shin) ~ ciribtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhajisgoyn
m.dh Daaweynta cudurka dhejiska.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garbo goyn
Headward erosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirridgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo baabi'in wax jiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirgoyn
m.f.dh eeg tafiirgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dadki dhaxli lahaa, dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aankagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan iskii isu taagin oo mid kale ku xidhan ama raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadidoon
vl. n., [compound] search for something lost; investigation, study
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadidoon
-ka: (n) look for lost; search for lost, especially for animals baadigoob, baafin