bari-guduud
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARI-GUDUUD
(Bari-gudud) N Heteropogon contortus (L) Roem. & Schult. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-GUDUUD
(Armo-gudud) S Limeum praetermissum Jeffery. Aizoaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAMIR-GUDUUD
(Hamir-gudud) S Ximenia americana L. Olicaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraguduud
m.l Dhul midabka ciiddiisu cas tahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carraguduud
m.l Dhul midabka ciiddiisu cas tahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UBAX-GUDUUD
(Ubah-gudud) N Indigofera intricata Boiss. Papilionaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHOORI-GUDUUD
(Sciori-gudud) S Rhizophora mucronata Lam. Rhizophoraceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carro guduud
Terra Rosa
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDDI-GUDUUD
(Idi-gudud) May, S Caesalpinia trothae Harms. Caesalpinaceae.
May, S Caesalpinia erianthera Chiov. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIGIR-GUDUUD
(Dighir-gudud) S, C Vignaunguiculata (L) Walp. Papilionaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAADI-GUDUUDIS
(Kadi-gududis) May Acridocarpus glaucescens Engl. Malpighiaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Afguduud
nickname-m red-lipped
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beyguduud
m.l Midab lo'aad ah, bey guduud ku dhafanyahay. la-mid: beycas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beyguduud
m.l Midab lo'aad ah, bey guduud ku dhafanyahay. la-mid: beycas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirguduud
m.l la-mid: cirgaduud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirguduud
f. n., [compound] time before dawn ~ after sunset, when the sky is red
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirguduud
-da: (n) sunset glow; dusk (das-ki)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirguduud
-da: (magac, dhedig, keli) labada waqti ee waaberiga iyo gabbaldhaca ee dhulku guduudan yahay. Cirguduudda sagal muuqday buu, ku cimro qaataaye. Dh: mood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirguduud
de: time before dawn ~ after sunset, when the sky is red {C & S}
lx: cirguduud
pd: (-da)
ps: n2-f-cmp
key: cirguduud
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Galguduud
pr. n., loc. Galgaduud [region of central Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Galguduud
(n) region of central Somalia; Galgaduud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Galguduud
cf: Dhuusomareeb
de: Galgaduud [region of central Somalia]
lx: Galguduud
pd: (Galgaduud)
ps: n0-loc
key: Galguduud
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayguduud
m. n., [abstract] reddish gray color (of camel)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayguduud
de: reddish gray color (of camel)
lx: mayguduud
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: mayguduud
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeyguduud
m. n., [collective] reddish gray color of cattle ~ livestock
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeyguduud
de: reddish gray color of cattle ~ livestock
lx: beeyguduud
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: beeyguduud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawsguduud
-ka: (magac lab, keli) geed cawsaad laga sameeyo rarada kana baxa buuraleyda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarguduud
m.dh Meel leh xammuuradda maryaha la gasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarguduud
-da: (magac, hedig, keli) leel xammuuradda maryaha la gasho leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-GUDUUD
(Aus-gudud) N Sechima ischaemoides Forsk. Gramineae.
N Sechima nervosum (Rottl)Stapf. Gramineae.
S, N? Bothriochloa insculpta (A. Rich.) A. Camus. Gramineae.
N Cymbopogon schoenanthus (L) Spreg. Gramineae.
May Cymbopogon sp. Gramineae.
S Gisekia pharnaceoides L. Aizoaceae
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GUDUUD
(Ged-gudud) ? Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
S, C Polygala sp. aff. P. erioptera DC. Polygalaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waji-kaduud
-ay day: (v) frown (farown); scowl (iskaawl) frown as an expression of anger or disapproval
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-GUDUUD
(Adad-gudud) C Acacia unispinosa (Fiori) Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FILFIL-GUDUUD
(Filfil-gudud) S Capsicum abyssinicum Rich. Solanaceae.
S Capsicum annum L. Solanaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUKOY-GUDUUD
(Mucoi-gudud) S Ficus sycomorus L. Moraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XIBNO-GUDUUD
(Hibno-gudud) May Indigofera tinctoria L. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
basbaas guduud
-ka: (n) paprika (paaprika); red peppers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargudad
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) aano hore laguugu geystay oo aad mar danbe ka goosato ciddii galabsatay. Dh: aarasho. Li: cafis, saamaxaad, saamaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aargudid
(Aargudid-da)
Aarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargudid
m.f.dh eeg aargud. la-mid: aargudasho, aargudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargudid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) ciddaada oo aano loo geystay, ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargudub
(Gargudub-ka)
Labada dhinac oo wax lee yihiin, isaga gudbid, ka mudbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudub
gargudub¹: m.l la-mid: gargudbid.
gargudub²: f.mg1 (-dbay, -dubtay, -dbi) Webi, haro, war iyo wixi lamida labadeeda dacal isaga gudbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargudub
v., [compound] cross over, traverse, be on both sides
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gargudub
-ay/tay: (v) river crossing by swimming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargudub
-ka: (magac, lab, keli) labada dhinac oo wax lee yihiin, isaga gudbid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargudub
de: cross over, traverse, be on both sides (e.g., a bridge)
lx: gargudub
pd: (gargudbay)
ps: v1=cmp
key: gargudub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraacuud
m.l Baro badan oo isugu jira midabbo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barashuud
m.l Dallaayad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barashuud
m.l Dallaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barashuud
-ka: (magac, lab, keli) dallad diyaaradaha lagaga boodo iyada oo cirka duulaysa. Bayloodkii barashuud ayuu ku booday. Dh: baarashuud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifurid
-da: (magac, dhedig, keli) ka baxid ballan ama wacad cid aad wada dhigateen. Barifurid bahdayda hawga baqin. Dh: badhifurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carafudud
f.mg4 (-daa, -dayd) Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carafudud
f.mg4 (-daa, -dayd) Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho. m.f.dh, carafududaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carafudud
der. [adjective] short tempered; be easily angered; be irascible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carafudud
-aa / ayd: (adj) hot blood, hot temper, temper on a short rein ~ caradhow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carafudud
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan dulqaad lahayn, oo degdeg u cadhooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carafudud
de: short tempered; be easily angered; be irascible
lx: carafudud
pd: (carafududaa)
ps: adj-der
syn: caradhow
key: carafudud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirgaduud
m.l Labada waqti ee ay qorraxdu marna soo baxayso marna dhaceyso middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirgaduud
m.l Labada waqti ee ay qorraxdu marna soo baxayso marna dhaceyso middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbid
m.f.dh eeg gargudub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargudbid
-da: (magac, dhedig, keli) labada dhinac webi iyo wax la mid ah, u kala tallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudguduud
m.l 1. Midab, midab guduud ahi meela dhowra kaga jiro. 2. Waabberi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudguduud
m. n., pl. redness of the sky at dawn; red objects ~ things
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudguduud
de: redness of the sky at dawn; red objects ~ things Sg: guduud
lx: gudguduud
pd: (-ka)
ps: n8-m-pl
key: gudguduud
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUR-GUDEEY
(Bur-gudei) May Tylosema argentea (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajikaduud
-ka: (magac, lab, keli) eeg wajicabuus.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob guduud
Blood rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaalliguduud
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig cas oo la baasaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf-durduro
m.l (juqraafi) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf-durduro
m.l (juqraafi) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CADAAD GUDUUD
Acacia oliveri 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobo-guduud
m.dh (jooloji) Nooc tuullimaad oo daboola meelaha hooseeya iyo moolka gunta bad weynta, meelahaas oo gundhererkoodu 4.000 oo mitir uu ka badanyahay; dhoobo guduudaasi waxay sida badan ka kooban tahay walaxaan orgaanig ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xummad-guduud
m.dh (daawo) Cudur si aad ah la isu qaadsiiyo sida badan ku dhaca carruurta, waxaana keena baktiiriyada “streptococcus”. Waxaana laga qaadaa qof qaba ama qof jeermigu jirkiisa ku jiro oo aan bukin - waxaana la isugu gudbiya qufac ama caano jeermigu gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xummad-guduud
m.dh (daaw.) Cudur si aad ah la isu qaadsiiyo sida badan ku dhaca carruurta, waxaana keena baktiiriyada 'streptococcus'. Waxaana laga qaadaa qof qaba ama qof jeermigu jirkiisa ku jiro oo an bukin -waxaana la isugu gudbiya qufac ama caano jeermigu gaaray.