bardaqsanaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaqsanaw
(fal) noqo qof aad u buuran. Bardaqsanaw weligaa oo ha dhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardaqsanaan
m.f.dh eeg bardaqsan. la-mid: bardaqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaqsanaan
(magac, dhedig, keli) ahaanta wax xaddhaaf ah u buuran. Bardaqsanaan badan baahi looma qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Bardaq ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bardaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Bardaq ahaansho (qof). m.f.dh, bardaqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaqsan
(tilmaame) si foolxun u buuran; aad iyo aad u cayilsan. Oday bardaqsan ood kama boodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsanaw
(fal) ahaw wax bararsan. Bararsanaw dawadii diidaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadsanaan
m.f.dh eeg bardadsan. la-mid: bardadsanaansho, barkadsanaan, barkadsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsanaw
(fal) mid aan habaysnayn ahaw; mid baahsan ahaw. Baahsanaw adaa baylahdiyo doortay baabba'a e.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax bardaday ahaansho. la-mid: barkadsan, barkagsan, berdedsan, berkegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bardadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax bardaday ahaansho. m.f.dh, bardadsanaan. la-mid: barkadsan, barkagsan, berdedsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadsan
(tilmaame) qof cabsi iyo naxdin la wareersan. Nin bardadsan baa geela naga didiyey. Dh: argagaxsan, sasan, berdedsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsanaw
(fal) eeg madalsamaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaba'sanaw
(fal) wax aan jirin ahaw; noqo wax baabba'ay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugsanaw
(fal) dareenkaaga soo jeedi oo feejignow. Baraarugsanaw qayrkaa wax la qaybso. Dh: digtoonow.
baraarugsanaw: (fal) qof baraarugsan oo soojeeda ahaw; ka kac hurdada oo ha seexan. Baraarugsanaw inta geela la soo lisayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararsanaw
(fal) mid barbararsan ahaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadsanaan
m.dh la-mid: bardadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkagsanaan
m.dh la-mid: bardadsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaansanaw
(fal) marqaan ha ku hayo; wax margaansan ahaw. Laba saacadood margaansanow Dh: mirqaansanaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax balaq ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaqsan
der. [adjective] flabby, limp (skin), out of shape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaqsan
-aa / ayd: (adj) lacking firmness or muscle tone; flaccid (falaaksid); limp; weak ~ bajaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsan
(tilmaame) dabacsan oo hoos u lusha. Ri dhega balaqsan ayaa la iga iibiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaqsan
de: flabby, limp (skin), out of shape
lx: balaqsan
pd: (balaqsanaa)
ps: adj-der
key: balaqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararsan
Barar leh; barartay; kabrarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah). m.f.dh, bararsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararsan
der. [adjective] swollen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsan
(tilmaame) meel barar iyo caabuq leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararsan
de: swollen
lx: bararsan
pd: (bararsanaa)
ps: adj-der
key: bararsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barasaab
m.l (-byo, m.dh) Qof dawlad u wakiilatay in uu gobol xukumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barasaab
m.l (-byo, m.dh) Qof dawlad u wakiilatay in uu gobol xukumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barasaab
m. n. governor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barasaab
-ka/ta: (n) [Pl. barasaabyo- da] governor (gavar ner); regional governor; premier
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barasaab
de: governor
lx: barasaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: barasaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaani
(fal) badeecad iyo wax la mid ah, miisaanka saar oo cabbir culayskiisa. Bardaankaan saaray,oo waa boqol kiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsanaw
(fal) qof dabeecad wanaagsan oo baxsan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqsan
Faraq loo yeelay; bulaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax faraq leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraqsan
der. [adjective] fringed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqsan
(tilmaame) maro ama wax kale oo fadhaqsan.
faraqsan: (tilmaame) meel ku kala filgan; kala baahsan ama kala firidhsan. Dh: filqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraqsan
de: fringed
lx: faraqsan
pd: (faraqsanaa)
ps: adj-der
key: faraqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: marqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarranaw
(fal) wax laga afeeftay oo shardi leh ahaw. Baarranaw intaanad hadal. Dh: afeefnaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax bararsan oo caabuqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: bardadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: bardadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqaw
(fal) barwaaqo noqo; bashbash noqo iyo aaran.
barwaaqaw -ga: (magac, lab, keli) bashbash iyo aaran noqosho; barwaaqo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryaqaad
(Baryaqaad-ka)
Raabsi; calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaqaad
baryaqaad¹: m.l Dib u raamsashada ay sameeyaan xoolaha calanaqsada. la-mid: baryaqaadid.
baryaqaad²: f.g1 (-day, -dday) Dib u raamsasho sameyn (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baryaqaad
baryaqaad¹: m.l Dib u raamsashada ay sameeyaan xoolaha calanaqsada.
baryaqaad²: f.g1 (-day, -dday) Dib u raamsasho sameyn (xoolo). m.f.dh, baryaqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baryaqaad
v. ruminate, to chew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baryaqaad
-ay / day: (v) ruminate (ruumineeyt); chew cud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaqaad
(fal) gawska wax u dhig oo ku burburi ama ku budli. Baarqabka qooqane gacanta bidix buu i baryaqaaday. Dh: calali, raamso, raabso.
baryaqaad -ka: (magac, lab, keli) wax gawska loo dhigo oo lagu budliyo ama lagu jilciyo. Dh: raabsi, raamsi, calalis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baryaqaad
de: ruminate, to chew
lx: baryaqaad
pd: (baryaqaaday)
ps: v1=
key: baryaqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydadsan
(tilmaame) wax didsan. Awr baydadsan kaaga laguma xiriiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarsan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Isku d.: qof gabow, naxdiin iyo wixi lamida awgood, wax la garan waayey noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dardarsan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Isku d.: qof gabow, naxdiin iyo wixi lamida awgood, wax la garan waayey noqosho. m.f.dh, dardarsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarsan
-ka: (magac, lab, keli) (isku ~) qof gabow, naxdiin iwm awgood, wax la garan waayey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsaar
m.l Miskaha geela korkooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraqsaar
m. n., [compound] part of a camel's back just behind the hump where the udder string is placed during milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraqsaar
-ka: (magac, lab, keli) geela halkiisa sare ee kuriska ka dambaysa ee marka la lisayo maraqa la saaro. Awrka maraqsaarka fadhiiso co kuriska ku dheg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraqsaar
de: part of a camel's back just behind the hump where the udder string is placed during milking
lx: maraqsaar
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: maraqsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Dhul wax la qardeeyey ahaansho. 2. Qof faras iyo wixi lamida oo uu fuulay ku murqo go'ay ahaansho. lf qardaysasho, qardaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysan
tilmaame) qardo ah; aan la qodin oo qardo noqotay ah. Dhul toban sano qardaysan ayuu doonayaa inuu maanta gefeeyo.
qardaysan: (tilmaame) mid deyn qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsanaw
(fal) ayidsanaw oo maamul ama nidaam jira taageersanaw. Xisbigaad doonto raacsanaw laakiin nidaamka dalka ilaali.
raacsanaw: (fal) ka tirsanaw oo qayb ka ahaw Weligaa Shaaficiyada raacsanaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqaqabow
m.l Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqaqabow
m.l Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrisanaw
(fal) ahaw wax habaysan, noqo wax basrisan. Dh: basrisanow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxsanow
inch. v. become happy; be pleased
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxsanow
de: remain happy; be pleased
lx: faraxsanow
pd: (faraxsanaaday)
ps: v3a=inch
key: faraxsanow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsamaw
(fal) maadal fiican lahaw. Meeshaan degaay madalsamaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Qof cid ballan la galay noqosho. la-mid: madashanow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madalsanow
inch. v. be fixed, get arranged (as a meeting ~ appointment)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madalsanow
de: be fixed, get arranged (as a meeting ~ appointment)
lx: madalsanow
pd: (madalsanaaday)
ps: v3a=inch
key: madalsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsanaan
m.f.dh eeg balaqsan. la-mid: balaqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax balaqsan oo hoos u dabacsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraadla'aw
(fal) ahaw qof baraadla'; ahaw qof xiskiisu maqan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararsanaan
(Bararsanaan-ta)
Wax bararsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararsanaan
m.f.dh eeg bararsan. la-mid: bararsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararsanaan
f. n. swelling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bararsanaan
-ta: (n) sw lenness (iswoolannes); swelling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bararsan oo aad u soo foocsan cudur ama nabar kale awgii ahaan. Barsaanta aan dhammaanaynin ka yaabnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararsanaan
de: swelling
lx: bararsanaan
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: bararsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqsanaan
m.f.dh eeg faraqsan. la-mid: faraqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsanaan
m.dh la-mid: marqanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsanaw
(fal) weligaa wax qalloocan oo maroora ahaw. Dabcixumoow in lagu yidhaa haddaad doonayso maroorsanow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waafaqsanow
v. be in agreement; comply with
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waafaqsanow
de: be in agreement; comply with
initial: w
lx: waafaqsanow
pd: (waafaqsanaaday)
ps: v3a=
key: waafaqsanow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqaysnaw
(fal) ahaw meel ama qof iyo waxii la mid ah oo barwaaqaysan. Barwaaqaysnaw oo badhaadhe ku waar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsanaan
m.f.dh eeg garwaaqsan. la-mid: garwaaqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore xusuusnaan.
garwaaqsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) gef aad lahayd, aqoonsanaan oo oggolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaba'sanaad
-ka: (magac, lab, keli) noqoshada wax aan jirin; wax raq iyo ruux midna ka joogin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaba'sanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin ahaan. Dh: baaba'sanaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha qof baaluqsan. Baaluqsanaani kama muuqato codkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhaysnaw
(fal) ahaw wax baandhaysan oo is ku dhafan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballansanaan
m.f.dh eeg ballansan. la-mid: ballansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qabsashada ballan lagu kulmo ama wax lagu qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaag iyo wax la mid ah oo banjarsan ahaan. Banjarsanaan baa shaagga ku ogaaye dabaday baa la buuxiyey.
banjarsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta qof ama dad lugo'ay oo danseegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaqsasho
m.dh la-mid: barraahsasho.