barbuto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barbuto
agg. - garweyne.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Thripias namaquus
(I) Picchio barbuto;
(E) Bearded Woodpecker;
(S) Dau-dau-LEI (S. s. Dau'daulch)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bruto
agg. - bahaleed.
s.m. waxash.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
baratto
s.m. - badeeco lays dhaafsado.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bàrbaro
agg. - badow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
farabutto
s.m. - dhagarrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrumo
-da: (magac, dhedig, keli) labo baal oo leebka xaggiisa danbe lagaga xidho si xawaaraha uu u dheereeyo. Dh: baalal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
babbuino
s.m. - daayeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbarro
(Barbarra-da)
Barbarkadhac; kalaggurad; garbadhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarro
m.dh Barbarkadhac; barbardhac; kalagurad; garbadhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barbarro
Parellel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbarro
f. n., pl. side; parallel line ~ lines
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbarro
-ah: (adj) parallel (paaralel) isbarbaryaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarro
-da: (magacwadareed) laba xarriiq oo toosan, oon barkulan lahayn isna garabqaadaya. Barbarro malaha meel ay ku kulmaan. Loolku waa xarriiqyo barbarro ah.
barbarro -da: (magac, dhedig, keli) darifyada walaxi leedahay, dhinacayada kugu wareegsan. Barbarrada ka gala cadowga oo buuraha ka rida. Dh: dhinacyo, hareero, tartarro.
barbarro -da: (magac, dhedig, keli) tartan la kala badin waayo oo isku heer la noqdo. Dh: barbardhac, kalaggurad, garbadhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbarro
de: side; parallel line ~ lines
lx: barbarro
pd: (/da ~ /ha)
ps: n2-f-pl; n6-m
key: barbarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburow
-ga: (magac, lab, keli) eeg burburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. la-mid: bururso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburso
v. break something in small pieces in order to eat it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburso
(fal) wax adke ah oo afka kuugu jira ilkaha ku ridiq. Burburso nacnaca oo kaalay seexo. Dh: jajabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburso
a: bururso
de: break s.t. in small pieces in order to eat it
lx: burburso
pd: (burbursaday)
ps: v3a=tr
key: burburso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuuno
f.g3 (-ntay, -natay) Badeeco carbuun ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuuno
f.g3 (-ntay, -natay) Badeeco carbuun ka bixin. m.f.dh, carbuunasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuuno
v. reserve for oneself; put a deposit on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuuno
carbuuntay I carbuunatay: (v) put aside for yourself; reserve for yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuuno
(fal) wax lagu heshiiyey kala iibsigooda, sii curaaro oo qiimihiisa badh sii bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbuuno
de: reserve for oneself; put a deposit on
lx: carbuuno
pd: (carbuuntay)
ps: v3b=
xe: Can I reserve four places?
xv: Afar meelood ma carbuunan karaa?
key: carbuuno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karbuuno
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: kaarbuuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karbuuno
f. n. flashlight, torch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karbuuno
-karbuunada: (n) flashlight (falaash-laay); torch (toorj) ~ toosh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karbuuno
-da: (magac, dhedig, keli) qalab yar o dhawr beteri qaada oo afka hore guluub bidhaama ku leh oo gacanqabsi ama madaxa lagu xirto co wax lagu ifsado. Dh: tooj, toosh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karbuuno
de: flashlight, torch Alt sp: kaarbuuno
lx: karbuuno
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: bitijor {C & S < It}
key: karbuuno
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sgarbato
agg. - asluubxun.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
starnuto
s.m. - hindhiso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carburetor
/kaarbureytar/ (n) kaarburatoory (wala sabybaw bansiingky baaburky gubyshoodis isla markiina hoojiyaw baabuurky dereershey).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arto
s.m. addin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
auto
/ooto/autos; (n) baabuur (gaari). e.g. Canadian auto industry.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
auto
pref. - horkabe tilmaama wax keligii wax sameeya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àuto
s.f. - gaari, baabuur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
auto
auto, pref. - iswada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baro
(Bara-da)
1. Kobta la deggan yahay oo la bartay iyo iyada iyo nafleyda isasaamayskooda.
2. Aqal; hooy; guri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baro
baro¹: m.dh 1. Degaan lagu dhasho ama lagu dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro ciyaarta xayaadka.
baro²: f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tusaale: “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baro
baro¹: m.dh 1. Degaan lagu dhasho ama lagu dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro ciyaarta xayaadka.
baro²: f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tusaale: Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay. m.f.dh, barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baro
v. learn; study
baro: [feminine] n. familiar environment, home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baro
-bartay / baratay: (v) gain knowledge or skill through experience or study (ista li); learn (leen)
-u baro: (v) get used to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baro
(fal) wax dhigo; aqoon dhigo. Wax baro oo wax dhaqo haddaad waano laba dhaadday. Dh: dhigo.
baro-da: (magac, dhedig, keli) meel la dego. Allahayoow badhaadhaha, ha ka dhigin baroor dumar iyo barada meyd yaal. Dh: hoy, guri.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brut
brut, adj. - aan bislayn; gaydhin, akhlaag daran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buto
(Buta-da)
Geed yar oo buruq leh oo iski u baxa: wuxuu u eg yahay bataatada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buto
m.dh Geed-nagaar faalala leh laamo jiljilicsan, caleemo yar oo macaan oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buto
m.dh Geed-nagaar faalala leh laamo jiljilicsan, caleemo yar oo macaan oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buto
f. n. small plant with edible roots
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buto
name-f small plant with edible roots; lit: she who was born with too much baby fat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buto
magac loo baxsho gabadh soo dhalatay iyada oo qiyaastii la yaqaannay ka buuran.
buto-da: (magac, dhedig, keli) geed magacii. Buto waran baraajistey, balalo qaaddaaye.
buto-da: (magac dhedig, keli) koox ama dad fara badan. Reer bariisanaya, buto ruux geliya, ma badbaadiyo xeerkuye, bulsho xeerka u yaalla, weligaa ha ka baydhin. Dh: hurin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buto
de: small plant with edible roots
lx: buto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: buto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àbito
s.m. labbis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abuso
s.m. - awood sheegasho(da), ku takri-falid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
acuto
agg. - dhuuban; xagal 90° ka yar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aiuto
s.m. - kaalmo, gargaar, taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbo
f.mg3 (-baday, -batay) Wax dabayl xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbo
v. flutter in the wind
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
babbo
s.m. - aabbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbo
de: flutter in the wind
lx: babbo
pd: (babbaday)
ps: v3a=
key: babbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bafto
(Bafta-da)
Jaad dharka la qaato ka mid ah oo cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bafto
m.dh (-ooyin, m.l) Dhar cudbi ka samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo go'yo shaarar iyo wixi lamida laga tosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bafto
m.dh (-ooyin, m.l) Dhar cudbi ka samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo go'yo shaarar iyo wixi lamida laga tosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bafto
f. n., [collective] white cloth, calico
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bafto
-baftada: (n) a plain white sheet of cotton cloth; calico (kaali ko)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bafto
-da: (magac, dhedig, keli) maro cad oo cutub ah oo laga tolan jirey dhar qurxoon; go' cad oo dhulka Soomaalida lagu qaadan jiray. Bilcooshaan xariiriyo baftiyo, khayli baro weyn leh. Dh: bafta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bafto
cf: maxamuudi
de: white cloth, calico
lx: bafto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bafto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambo
m.dh la-mid: bambaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bambo
f. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bambo
-bambada: (n) bomb (baam); grenade (gere neeydh) bam, bambaano, miino
bambo: -bambada: (n) [Pl. bambooyin-ka] pump (pamp); water pump.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambo
-da: (magac, dhedig, keli) mid qalabka qarxa ee lagu dagaallamo ka mid ah. Dh: bambaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bambo
a: bumbo {It}
de: bomb
lx: bambo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bambo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barba
s.f. - gar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barbe
barbe, n.f. - Gadh; timaha ka soo baxa gadhka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardo
-da: (magac, dhedig, keli) ul baldhaban oo madaxa ka xooodan oo gaar u ah kaxaynta geela. Bardo geel baa lagu kaxeeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barjo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjo
-da: (magac, dhedig, keli) cudhka hore ee jilicsan ee koofiyadda u ah guska ragga. Dh: kobor, dhalfo, burjo, kobor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barko
f.g3 (-kaday, -katay) Wax barkin ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barko
f.g3 (-kaday, -katay) Wax barkin ka dhigasho. m.dh, barkasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barko
v. put a pillow under one's head; use something as a pillow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barko
barkaday / barkatay: (v) rest on [your head], or as if on, a pillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barko
(fal) madaxa ku soo tiiri kiish laga buuxiyey cutub iyo waxii la mid ah, jirka intiisa kale ka sarreysiiya, dhigo barkin, saaro madaxa wax dhulka kaa celiya. Barkinta barbarkaaga taalla barko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barko
de: put a pillow under one's head; use s.t. as a pillow
lx: barko
pd: (barkaday)
ps: v3a=
key: barko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroo
(tilmaame) wax jidiid ah ama aan baali ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barqo
(Barqa-da)
Maalinta gelinkeeda hore oo labo loo qaybshey, qaybta hore; barqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqo
m.dh Waqtiga u dhaxeeya subaxda iyo harka. la-mid: barqimo, barqin¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqo
m.dh Waqtiga u dhaxeeya subaxda iyo harka. la-mid: barqimo, barqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barqo
f. n. late morning
barqo: v. lie down (in the late morning)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barqo
-barqada: (n) late morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqo
-da: (magac, dhedig, keli) xilliga ka horreeya hadhka iyo hadhimada. Sow goor barwaaqo ah, bishu ay siddeed tahay, aniga iyo Beerlula, isku maannu soo bixin. Dh: barqin, aroor. Li: galab, casar.
barqo-da: (magac, dhedig, keli) dareerinta xoolaha aroorta hore inta aan la maalin, kaddib la soo rogo oo la soo barqajiifiyo. Lo'dii weli barqadii bay ku maqantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barso
m.dh la-mid: bersed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxo
f.g3 (-xaday, -xatay) Caano, barax ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barxo
f.g3 (-xaday, -xatay) Caano, barax ka dhigasho. m.f.dh, barxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barxo
v. mix milk with water (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxo
(fal) biyo caano ku darso. Barxo caanaha oonku ha kaa baxee. Dh: xariiro, badhxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barxo
de: mix milk with water (for oneself)
lx: barxo
pd: (barxaday)
ps: v3a=
key: barxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryo
(Barya-da)
Hadal cid wax lagaga doona hayo; tuugmo.