baras
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baras
(Baras-ka)
Cudur oogada ku dhaca oo dubka ka diira oo xajiin iyo cuncun badan; caddaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baras
m.l Cudur cuncun leh, oogada dadka ku dhaca oo caddeeya. la-mid: barras.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baras
m. n., [collective] psoriasis (skin disease)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baras
-ka: (n) psoriasis (sa-raaya- sis); an inflammatory skin disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baras
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun dubka ku dhaca oo midabka asalka ah beddela oo jidhka caddaan ka dhiga. Ilaahoow baras iyo bugtaan kalaba naga hay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baras
bw: Arabic
de: psoriasis (skin disease)
lx: baras
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: baras
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraas
m.l (-ooyin, m.l) (kiimika) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraas
m.l (-ooyin, m.l) (kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barash
-ka: (magac, lab, keli) geedbiyood xilliga roobku da'o la arko oo leh caleen yaryar oo isku marta duurka iyo burqo ama badhi biya badan oo aasan. Barash innooga qod halkaa. Dh: faramog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasi
(fal) baras u yeel ama calaamadee. Barasi hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barras
m.l la-mid: baras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baas
(Baas-ka)
Dhibaato iyo waxyeello aad u xun leh; hoog; ba'; belo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baas
baas¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iyo wixi lamida. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.
baas²: f.g1 (-say, -stay) Imtixaan gudbid. Tusaale: “Cali, imtixaankii wuu baasay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baas
baas¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iyo wixi lamida. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.
baas²: f.g1 (-say, -stay) Imtixaan gudbid. Tusaale: Cali, imtixaankii wuu baasay. m.f.dh, baasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baas
m. n., [abstract] problem, difficulty, evil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baas
-ka: (n) an evil or wicked force or power shar, balaayo
baas -say/tay: (v) 1. pass (paas); to move past another vehicle. 2. [sports]: transfer a ball or puck to a teammate
baas -ka: (n) automatic gun ~ baban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas
(fal) itixaan ka qudub; itixaanka ka dallac; ka gudub fasal oo mid kale u dallac.
baas -ka: (magac, lab, keli) dhib iyo waxyeello baas badan oo daran; wax aan dheef iyo wanaag lahayn. Balaayoy baydh, baasaw bax, barkhad Allay soo hoyo. Dh: belaayo, ba', balanbal, basanbaas, jab, masiibo, hankaag, hiirtaley, hoog. Li: barkhad, khayr
baas -ka: (magac, lab, keli) qoriga oo darandoorri baash rasaasta u rida.
baas -ka: (magac, lab, keli) tebinta labada ciyaartoy ay kubbadda isku tebiyaan ama isa siiyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baas
bw: Arabic
de: problem, difficulty, evil
lx: baas
pd: (-ka)
ps: n2a-m; n0-m-abs
key: baas
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bara
s.f. - naxash, nacash.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bras
bras, n.m. - Cudud (gacanta inteeda calaacasha ka sarraysa); hub; hubsiin.
moulin à bras - Mishiinka xawaashka lagu riqdo.
bras de mer - marka badu dhulka soo gasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqas
(Baqas-ka)
Hodantooyo; baraare; barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqas
m.l Barwaaqo badan; baraare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqas
m. n., [collective] prosperity, well being
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqas
(fal) wax qiimo ridis. Dh: bakhas.
baqas-ka: (magac, lab, keli) wax tiro badan. Baqas adhiya boqolaalka geel, baarqab iyo goolal.
baqas -ka: (magac, lab, keli) nabad iyo nimcad ku naalood. Baqas baa lagu jiraa badiba reerkiiye. Dh: badhaadhe, baraare, barwaaqo, hodonti. baqasho -da: (magac, dhedig, keli) baxsashada iyo cararka cabsi darteed looga tago goob aad degganayd. Baqashada beesha waxa sababay basaas war beena u keenay. Dh: cararis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqas
de: prosperity, well being
lx: baqas
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: baqas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barad
(Barad-ka)
Qof waxbarasho u cusub guda-galay; arday bilaw ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barad
m.l 1. Qof wax uusan aqoon barashadooda ku jira. 2. la-mid: barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barad
m. n. pupil, apprentice, trainee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barad
-ka: (n) 1. learning to gain knowledge or comprehension. Ex: ilmo af barad ah; a child learning to speak 2. beginner (biginer); trainee (tareey-nii); amateur (ami- jar) barbarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barad
-ka: (magac, lab, keli) qof barasho ku cusub galay. Horay wadidda baabuurka uma aqoone imikaan barad ahay. Dh: arday, bilaw, koowaad.
barad -ka: (magac, lab, keli) barashada wax cusub. qof layli ah oo imika farsamabarasho ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barad
de: pupil, apprentice, trainee
lx: barad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
xe: It is apparent that he is a trainee.
xv: Barad inuu yahay waa laga gartaa.
key: barad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraf
(Baraf-ka)
Biyo, qabow darti la guntama, oo sida dhalada u iftiima oo u dhalaala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Ice
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Snow, Ice
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraf
m. n., (mass n.): ice, snow, sleet, hail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraf
-ka: (n) 1. ice (aays) Ex: warshadda barafka; ice factory. 2. snow (isnoow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraf
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabaw dartii la fadhiistay oo dhagaxoobay. Waan surmiyey biyaha baraf iigu rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraf
de: ice, snow, sleet, hail
lx: baraf
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: baraf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baraf
جَمَدَ، جَلِيدٍ، ثَلْجِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baran
Bar maqan yahay; aan buuxin; kala baran; nus ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baran
baran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax weel ku jira, bar noqosho.
baran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax weel ku jira, bar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baran
der. [adjective] partial, incomplete; halved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baran
(adj) partial or incomplete; half (haaf); halved ~ badhan. Ex: koob baran; half cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baran
(tilmaame) laba u kala qaybsan oo badh ah. Joonyaddu way kala baran tahay. Dh: badhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baran
de: partial, incomplete; halved
lx: baran
ps: adj-der
key: baran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraq
m.l Duub ulo jilicsan ah oo dhigaha aqal-Soomaaliga lagu xoojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo iftiinka hillaaca. Hillaac baa baraqda haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barar
(Barar-ka)
Oogada, oo cudur ama nabar ku dhacay darteed la buurata; kabrar; fuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barar
barar¹: m.l Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
barar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barar
barar¹: m.l Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
barar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho. m.f.dh, bararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barar
v. swell (up)
barar: vl. n. swelling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barar
-ka: (n) the condition of being swollen; swell (isweel); bulge (boolji); distension (dis-teen-shin)
barar: -ay/tay: (v) become sv ollen (iswoolen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barar
(fal) meel jidhka ah, soo kuusan nabar ama xanuun awgii. Boogtii way barartay.
barar -ka: (magac, lab, keli) jidhka noolaha oo xanuun ama nabar soo gaadhay dartiis la soo fooca, la soo kuusma, dhiigga oo guntama, meel isugu taga. Barar ciyil maha.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
barar
ورم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barax
(Barax-a)
Caano iyo biyo laysku daray; xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barax
barax¹: m.l 1. B. ah: caano biyo ka yar lagu daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan xooluhu.
barax²: f.g1 (-rxay, -raxday; -rxi) 1. Caano biyo ka yar ku darid. 2. Xoolo, bardooddan samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barax
barax¹: m.l 1. B. ah: caano biyo ka yar lagu daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan xooluhu.
barax²: f.g1 (-rxay, -raxday; -rxi) 1. Caano biyo ka yar ku darid. 2. Xoolo, bardooddan samayn. m.f.dh, barxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barax
m. n. mixture of milk and water
barax: v. dilute something with water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barax
-a: (n) dilution (daay luushin); adulteration (a-dal-tareey-shin); mixture (miksi-jar) of water and milk
barax: -ayday: (v) dilute (daay-luut); water down; add water; adulterate (a-dal-tareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barax
(fal) caano biyo ku dar, isku laaq biyo iyo caano oo wax mid ah ka dhig. Barax bay na siiyeen kuwii boqolka soo maalay. Dh: badhax, xariir.
barax: (fal) 'baraar' kolba dhan cidla' ah u orod, markuu ababka yahay ee ay hurdo la tagto ama ka reebto maqasha. Dh: baydad, fako, bibbo.
barax-a: (magac, lab, keli) isku jir labo dareere siiba biyo iyo caano la isku daray, caano iyo biyo la isku daray oo noqday badhax. Barax bilaash laguma helo. Dh: badhax, xariir, bera.
barax -a: (magac, lab, keli) bibbadka baraarka, siiba markuu abab yahay ee ay hurdo la tagto ama ka reebto maqasha. Baraxa ka ilaali naylaha yaryar. Dh: baydad, fakad, badhax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baris
m.dh la-mid: barid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baris
vl. n. teaching; study
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baris
-ta: (n) the act of teaching or instructing ~ barid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baris
-ta: (magac, dhedig, keli) macallinimada ama wax dhigista. Baris iyo barbaarin buu barahani u diyaar yahay.
baris -ta: (magac, dhedig, keli) u dhigista cashir. Baris cashir waa lagala quustay.
baris -ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» dad aan is aqoon isbaris. Isbaris agaasimuhu buu shirka ku furay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baris
a: barid
de: teaching; study
lx: baris
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: baris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daras
m.l Qof boorane ku kacsanyahay oo aan weli laga tumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daras
m. n. lesson
daras v. study; learn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daras
-ka: (magac, lab, keli) qof boorane ku kacsan yahay oo aan weli laga tumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faras
(Faras-ka)
Neef lab oo gammaanka kamid ah; wuxuu lee yahay afar addin oo xoogag badan oo qoobab ku dhammaada, guud iyo qanaan dheer: waa la fuulaa, waa la rartaa ama lagu xoojiyaa, beerahaa lagu fashaa...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faras
m.l (-rdo/-rso, m.l) 1. (cilmiga naflayda) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faras
m.l (-rdo/-rso, m.l) 1. (cilmiga naflayda) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab. m.l.w, fardo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
faras
horse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faras
m. n. horse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faras
-ka: (n) horse (hoors), stallion (istaalyon)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faras
(I) Cavallo, generico;
(E) Horse, generic
(S) FARAS (S. g.: Faràs)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faras
-ka: (magac, lab, keli) noole gammaanka ka mid ah oo leh afar addin oo xoog badan oo ku dhammaada qoobab. Waxa kale oo uu leeyahay guud iyo qanaan dheer. Inta la fuulo ayaa lagu dagaallamaa, la rartaa ama lagu xoogsadaa, beerahana waa lagu fashaa. Dh: sange.
faras -ka: (magac, lab, keli) cabbir lagu garto tamarta mooteerrada. Waxa saaran mishiin toban faras ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faras
bw: Arabic
de: horse
lx: faras
pd: (-ka Pl: fardo (/ha))
ps: n2a-m, n8-m
key: faras
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faras
فرس، حِصان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garas
(Garas-ka)
Geed-abaareed weyn oo aan qodax lahayn; wuxuu lee yahay hoos wanaagsan iyo miro la cuno iyo qoryo wanaagsan oo alaab laga samaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garas
m.l Geed weyn oo ka mid ah geedmadowga ama geed-abaareedka oo leh miro la cuno iyo hoos wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garas
m.l Geed weyn oo ka mid ah geedmadowga ama geed-abaareedka oo leh miro la cuno iyo hoos wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garas
m. n., [collective] shade-tree species, with edible fruit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GARAS
(Garas) All. Som. Dobera glabra (Forsk.) Poir. Salvadoraceae.
S Dobera loranthifolia (Warb.) Harms. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garas
name-m a shade-tree sp., with edible fruit; lit: he who was born under that shade-tree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garas
-ka: (n) bush tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garas
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo midhihiisa la muudsado, cunto ahaanna loo karsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garas
cf: dhuugaal, dhuwan
de: shade-tree sp., with edible fruit
lx: garas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: garas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaras
-ka: (magac, lab, keli) aalad yar oo u samaysan siyaabo kala gaar ah oo la isku baraarujiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maras
-ta: (magac wadareed) eeg maato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaras
(Qaras-ta)
Qush; dacar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaras
m.dh 1. Wasakh midab cagaaran leh oo ku raagta caloosha oo ka dhalata cuntada qofka cuno. 2. Hadal badan oo xun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaras
m.dh 1. Wasakh midab cagaaran leh oo ku raagta caloosha oo ka dhalata cuntada qofka cuno. 2. Hadal badan oo xun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaras
f. n., (mass n.): bile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaras
-ka: (n) constipation (ken 'isti-peey-shin).
is qaras fal -ay / fashay: (v) use laxative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaras
-ka: (magac, lab, keli) qush badan oo shuban ama hunqaaco ah. Ninkii caanageel ayuu dhamoo wuu qaras baxay. Dh: dacar.
qaras -ta: (magac, dhedig, keli) dhadhan qadhaadh. Waxan cabbay qaras. Dh: qadhaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaras
de: bile
lx: qaras
pd: (-ta)
ps: n-f-mass
key: qaras
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WARAS
Asepalum sp. = Kuchar 15426 01