barari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid. m.f.dh, bararin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barari
(fal) wax bararsan ka dhig; xanuuni oo barar u yeel. Shawdh ku barari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid baraare siin (Eebbe).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAARI
(Barari) S Cissus aphylla Chiov. Vitaceae.
S Cissus quinquagularis Chiov. Vitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraari
-ga: (magac, lab, keli) qaadka soo baxaaya ee cusub, ee curdanka ah. Baraari weeye qaadku. Dh: fiil. Li: gahayr, garraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararid
m.f.dh eeg barar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yeelasho oo soo buurnaansho cudur ama nabar awgii. Bararidda waxa ugu wacan nabarkan cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararin
m.f.dh eeg barari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararin
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun ama nabar wax barariya. Bararinta maxaa keenaya?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararis
m.l Ciir in caano dhay ah lagu daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbari
(fal) dadka tuugtuug; hadba qof bari oo isu mar in badan. Barbari dadka bal inay wax ku siiyaan.
barbari: (fal) (is ~) is barbari, dhinac isu badi. Isbarbari yaan lagu jiidhine.
barbari -da: (magac, dhedig, keli) geedgaab kulul, khudradda ka mid ah, lagu geedeeyo cuntada, leh iniinyo yaryar oo afka ku guba. Barbare ninkii beerta bay gubtaa. Dh: qaji, basbaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryari
-da: (magac, dhedig, keli) qurjad xumi. Dh: sinyari, lafyari, jidhyari, saryari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arari
f.g2 (-iyay, -iday, -isay) Xoolo cabbay oo la rabo in la rakaadiyo caws geyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arari
f.g2 (-iyay, -iday, -isay) Xoolo cabbay oo la rabo in la rakaadiyo caws geyn. m.f.dh, ararin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baari
(Baari-ga)
1. Riixidda xooggeeda iyo saamayskeeda; ka goosashada iyo xoogga ka yimaada; qof, wax ku adkayn, inuu yeelo; culays saarid.
2. Wax tartan lagu iibsana hayo, hadba qofka naadadu ku dhacayso, ku dhawaaqidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baari
baari¹: m.l 1. Culays, culaab. 2. la-mid: baariyid.
baari²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baari
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin. m.f.dh, baariyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baari
m. n. pressure, force, stress; bid at an auction
baari v. pressure, put force on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baari
-ga: (n) [Physics] pressure (pareesher) caddaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baari
(fal) noqo wax baarixi ah ama baryood ah: noqo wax waqtigii la cuni lahaa ama la iibsan lahaa dhaafay
baari: (fal) madal naado wax lagu gadanayo, qiimo fican oo la gaadhay ku ka sii sarreeya ku eri; sicir barar ku rid. Ninka baayacii danbaa lagu baaryey ee qiimo fiican buu gaadhay.
baari -ga: (magac, lab, keli) saamaynta riixidda xooggeedu leeyahay; miisaanka culayska ee riixideed. Riixidda baarigeedu ma fufuda.
baari -ga: (magac, lab, keli) wax lagu tartamayo iibsigiisa, kolba qofka naadadu ku dhacayso sida xaraashka. Baqashanu waa baariye yaa gadan.
baari: (tilmaame) wax xilligiisii dhaafay. Dh: baarixi, baryood. Li: daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barar
(Barar-ka)
Oogada, oo cudur ama nabar ku dhacay darteed la buurata; kabrar; fuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barar
barar¹: m.l Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
barar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barar
barar¹: m.l Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
barar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho. m.f.dh, bararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barar
v. swell (up)
barar: vl. n. swelling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barar
-ka: (n) the condition of being swollen; swell (isweel); bulge (boolji); distension (dis-teen-shin)
barar: -ay/tay: (v) become sv ollen (iswoolen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barar
(fal) meel jidhka ah, soo kuusan nabar ama xanuun awgii. Boogtii way barartay.
barar -ka: (magac, lab, keli) jidhka noolaha oo xanuun ama nabar soo gaadhay dartiis la soo fooca, la soo kuusma, dhiigga oo guntama, meel isugu taga. Barar ciyil maha.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
barar
ورم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barri
-ga: (magac, lab, keli) dhulka qaybta aan biyaha ahayn. Barri iyo badba u maray baadidoonkaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacari
-da: (magac, dhedig, keli) laxda uu hilibkeedu gu' iyo jiilaalba buuxo, hadday irmaantahay iyo hadday gudhan tahayba. Dh: ibso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barare
v.intr. - dhagrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasi
(fal) baras u yeel ama calaamadee. Barasi hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basari
basari¹: m.dh Baali; areebo; arraajo.
basari²: f.g2 (-iyay, -isay) Qof si tab iyo xeelad leh u qancin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basari
basari¹: m.dh Baali; areebo; arraajo.
basari²: f.g2 (-iyay, -isay) Qof si tab iyo xeelad leh u qancin. m.f.dh, basarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basari
v. cleverly work something out
basari [feminine] n. bad wife, slovenly woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
basari
-yey -say: (v) handle in a responsible way
basari: -da: (n) slattern (islaatarn); an untidy and dirty woman ~ areebo, baali, goonbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basari
-da: (magac, dhedig, keli) naagta aan nadaafadda lahayn ee nidaamka daran. Nimay biyo dhufteen oo yaxaas beerka kala gooyey, waxaa iiga daran basari buul la hurudkeeda. Dh: arreebo, baali, goonbaar. Li: dhabeel, gaari.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Batari
Battery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
batari
-ga: (n) [Pl. batariyaal- batariyaasha] battery (baa-tari)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: cararee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin. m.f.dh, dararin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darari
v. cause (an animal) to produce more milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darari
(fal) neef irmaan, caano badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darari
de: cause (an animal) to produce more milk (by grazing it well)
lx: darari
pd: (darariyey)
ps: v2a=tr
key: darari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majin
1. (Majin-ka)
a) Xanuun qanjirrada qumanka barariya. b) Xiddig naafaha ku jirta oo u dhexaysa afqaysta iyo koxdinta.
2. (Majin-ta) Addimmada xoolaha kd., xubinta ugu hoosaysa oo qoobabka ka koraysa; (ama mujin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunbay
(Sunbay-ga)
Gooryaan gaar ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarro
m.dh Cudur qanjirrada geela barariya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bu'
bu'¹: m.dh (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.
bu'²: m.dh 1. (baayoloji) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiimika) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buro
buro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo.
buro²: m.dh (daawo) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda.
bųro: m.dh (-ooyin, m.l) Haan yar; aagaan. la-mid: buray².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caal
caal¹: m.l Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
caal²: m.dh (-lyo, m.l) Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.
caal³: f.mg1 (-aalay, -aashay) Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolweynad
m.l Cudur kaneecada laga qaado oo beeryarada barariya; bu'; weled. la-mid: uurweynaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunabbarar
m.l Jirro ku dhacda dhuunta oo bararisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guux
guux¹: m.l 1. Cod weyn oo cunaha awr, goray iyo wixi lamida ka soo baxa. 2. Codka matoorrada. 3. Cudur geela cunaha ka barariya. 4. la-mid: guuxid.
guux²: f.mg1 (-xay, -xday) 1. Cod weyn sameyn (awr, goray iyo wixi lamida). 2. Matoor cod samayn. 3. U g.: wax u riyaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayo
m.dh Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilfajaas
m.l (daawo) Cudur indhaha barariya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacle
m.l 1. (botani) Geed-gaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daawo) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majin
majin¹: m.l Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. la-mid: majinow, majimow.
majin²: m.dh (-jamo/-jo/-anjo, m.l) 1. Xubin ka mid ah addimada xoolaha oo u dhexeysa jilibka iyo qoobka. 2. Xirmooyin yaryar oo loo qeybshay marduuf qaad ah middood. 3. Xiddig naafaha ka mid ah oo u dhexeysa afqaysta iyo koxdinta. la-mid: mijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroodiyow
m.l (daawo) Cudur xun, luga barariya oo dadka iyo xoolaha ku dhaca; abeesow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarin
m.f.dh eeg baraari. la-mid: baraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badhaadhayn oo nimcad samayn. Qof walba baraarin naftiisa wuu u ordaa. Dh: badhaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaris
m.dh la-mid: baraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaris
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqo iyo dhereg. Dh: badhaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barariso
(Bararisa-da)
Cudur faraha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barariso
m.dh Cudur ku dhaca meel jirka ka mid ah oo barariya oo aan af lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barariso
m.dh Cudur ku dhaca meel jirka ka mid ah oo barariya oo aan af lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barariso
f. n. disease that causes the fingers to swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barariso
-da: (magac, dhedig, keli) cudur faraha ku dhaca siiba xilliyada qaboobaha oo caabuq, barar iyo gaarac daran leh. Barariso nimay faraha naafaysay ooy bidix midigtu gaadhaynin!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barariso
de: disease that causes the fingers to swell
lx: barariso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: barariso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barbaar ka dhigid. 2. Jir, garaad, anshax iyo wixi lamida ee ubad, dhisid; korin; tababbarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbaari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barbaar ka dhigid. 2. Jir, garaad, anshax iyo wixi lamida ee ubad, dhisid; korin; tababbarid. m.f.dh, barbaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbaari
v. rear, raise, bring up; tame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbaari
-yey/ say: (v) raise (reeyz); bring up; rear (ri-yer); foster (foos- ter). Ex: aabbahay baa isoo barbaariyey; my father has raised me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaari
(fal) barbaar ka dhig. Si wanaagsan u babaari carruurta. Dh: kori.
barbaari: (fal) «ku ~» dhaqan ku soo kori, ku tababbar. Diinta islaamka ku babaari carruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbaari
de: rear, raise, bring up; tame
lx: barbaari
pd: (barbaariyey)
ps: v2a=
key: barbaari
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barbaric
/barbaarik/ (adj) naariis ing lahaayny.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarid
m.dh la-mid: dardarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac marin; barbar u leexin.
barbarin -ta: (magac, dhedig, keli) «is» dhinac isu badin. Isbarbarin ku qaad foosta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg barbarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baribari
-da: (magac, dhedig, keli) geed la beerto oo dhala midho aad u kulkulul oo cuntada lagu darsado kolka la ridqana noqda budo cas oo kulul. Baribari ninkii beertay gubtaa. Dh: barbari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadari
m.l (-iyaal, m.l/dh) (dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. la-mid: baaderi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadari
m.l (-iyaal, m.l/dh) (dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. la-mid: baaderi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadari
-ga: (n) priest (piriist); Christian priest~ wadaad masiixi ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bacranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaari
(fal) eeg balaadhi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BANAARI
(Banari) S Gloriosa superba L. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjari
(fal) shaag, kubbad iyo waxii la mid ah neefta ka saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banmari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef markaa dhalay banmar ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banmari
v. contaminate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banmari
(fal) neef gacan aan nadiif ahayn ku lis oo sababtaa ha u caanayareeyo. Dh: balmari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banmari
de: contaminate
lx: banmari
pd: (banmariyey)
ps: v2a=tr
see: banmar
key: banmari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraare
m.l Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. la-mid: baraaro.