ereyga

baraf-durduro

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraf-durduro

DHAN

m.l (juqraafi) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Baraf durduro

DHAFAN

Glaciers

DHAABAN

Baraf durduro

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

CARAB-DUUR

DHAFANDHAAF

(Arab-dur) S Ipomoea garcheana Vatke. Convolvulaceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caraburbur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cadho aad u weyn ka dib, isdejin oo qaboobid. Dh: cadhaburbur

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

parafoudre

DHAFANDHAAF

parafoudre, n.f. - bir dhuuban oo dheer oo guryaha korkooda laga taago si ay danabka ama jacda u jaheeyaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

BARI-GUDUUD

DHAFANDHAAF

(Bari-gudud) N Heteropogon contortus (L) Roem. & Schult. Gramineae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

karti-darro

DHAFANDHAAF

-da: (n) lack of ability; lack of strength; weakness (wiiknes); inability (in a biliti); impotence (impo-tansi)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

magac-cudur

DHAFANDHAAF

m. n. diagnosis

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sharafdarro

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) sharafdhac; sharafjab; muunajab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taraanturro

DHAFANDHAAF

m.dh Tallabooyin horay xoog loogu qaado, si qof soconayoo wax cagta ku dhuftay ama xoog kale gadaal ka soo harbiyay, dhicidda iyo kufidda isaga ilaaliyo; takhantakho. la-mid: turaanturro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

taraanturro

DHAFANDHAAF

m.dh Tallabooyin horay xoog loogu qaado, si qof soconayoo wax cagta ku dhuftay ama xoog kale gadaal ka soo harbiyay, dhicidda iyo kufidda isaga ilaaliyo; takhantakho. la-mid: turaanturro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Baraf irdhow

DHAFANDHAAF

Drift ice

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraf-dhagax

DHAFANDHAAF

m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baraf-dhagax

DHAFANDHAAF

m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

carafududaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg carafudud. la-mid: carafudayd, carafududaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

carafududaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) caradhowaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

sharaf darro

DHAFANDHAAF

-sharaf darrada: (n) indignity (in-dig-niti); disrespect (dis-ris-pekt) ~ xushmo xumo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Baraf barasho

DHAFANDHAAF

Glaciology

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraf-dhalaal

DHAFANDHAAF

m.l (jooloji) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baraf-dhalaal

DHAFANDHAAF

m.l (jool.) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farac-hunguri

DHAFANDHAAF

m.l (daawo) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.

waa la naqliyay ✓