baraarshishiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarshishiyid
m.f.dh eeg baraarshishi². la-mid: baraarshishi¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarshishiyid
-da: (magac, dhedig, keli) yaraan ku rimid, shinkii rimayga horteed rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarshishi
baraarshishi¹: m.l 1. Sabeen asooshay iyadoo aan gaarin da'dii ay ku rimi lahayd. 2. la-mid: baraarshishiyid.
baraarshishi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Sabeen iyadoo aan gaarin da'dii ay ku rimi lahayd asoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarshishi
-ga: (magac, lab, keli) sabeen da' yar oo iyadoon gaadhin xilligii ay ku curan lahayd curatay. Baraarshishi ka ilaali sabeenaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishiyid
(Shishiyid-da)
1. (idaha) baraar ku rimid.
2. Shishi noqosho, (ama shishibbaraarid, baraarshishiyid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarshirix
-a: (magac, lab, keli) midab ka kooban baro ama dhibco isku wada darsan. Shaadhkaa baraarshirixa leh iga gad. Dh: birdhicyo, birdhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhicid
m.dh eeg barbardhac². la-mid: barbardhac¹, barbarkadhac, barbarkadhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhicid
-da: (magac, dhedig, keli) kala gurasho oo kala badinwaa. Barbardhicid barbaartii noqotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhigid
m.f.dh eeg barbardhig. la-mid: isbarbardhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama noole noole kale la barbardhigo oo la isku qiyaaso. Barbardhigid labada baarqab aan ku samayno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamarshiidid
m.f.dh eeg qamarshiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarkadhicid
m.dh la-mid: barbardhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbarradhicid
(Barbarradhicid-da)
Isku barbar dhicid; kalaggurasho; kala badin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarradhicid
m.dh la-mid: barbardhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarradhicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg barbarradhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adaar-biciid
(Adaar-biciid-ka)
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga; wuxuu lee yahay, miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adaar-biciid
m. n., [compound] thornless medicinal plant with fruit resembling coffee beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujisan
(tilmaame) mid soo jeeda oo aan hurdin.
baraarujisan: (tilmaame) mid wacyi qaba oo aan dagnayn. Dad baraarujisan baad rabtaa inaad sirto. Dh: digtoon, feejigan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg barbardhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroordiiqid
m.f.dh eeg baroordiiq². la-mid: baroordiiq¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroordiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacal loogu ooyo qof dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiishirad
m.l la-mid: bashiishirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si durduro ku jirto u ordid. Dh: durdurin, baabacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwashiirid
m.dh la-mid: daacaqurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmaarriyid
(Marmaarriyid-da)
Si marmaarri ah, wax meel ugu mudid, u gelin, ugu librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmaarriyid
m.f.dh eeg marmaarri². la-mid: marmaarri¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaarriyid
-da: (magac, dhedig, keli) ku cadaadin oo meel cidhiidhi ah ku jujuubid. Marmaarriyidda musbaarku gidaarka way jebisaa. Dh: jujuubid, cadaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsiiyoo
(fal) eeg marmarsiinyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarsarriigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala jiidjiidid iyo xagxgasho aan waxba lagu goosan oo ilkaha ama ciddiyaha la adeegsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) barbarro ka dhigid; kalama'adkaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buruudshiilid
m.f.dh eeg buruudshiil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabakiilid
m.f.dh eeg qaraabakiil². la-mid: qaraabakiil¹, karaabakiil¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabakiilid
-da: (magac, dhedig, keli) tol ahaan cid wax dheeraad ah u siin. Soomaalidu qaraabakiilid ha iska deyso. Dh: qabyaaladayn, qaraabakiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabootiyid
(Waraabootiyid-da)
Waraabooti ama bahalow ku dhicid; bahaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur waraabooti ama bahalow ah qaadid. Dh: bahaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarrootiyid
m.f.dh eeg qarqarrooti². la-mid: qarqarrooti¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si isjejebin ah u socod.