baraaraysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaraysnaan
m.f.dh eeg baraaraysan. la-mid: baraaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nimco iyo nabad ku jiritaan. Dh: badhaadhaysanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqaysnaan
m.f.dh eeg barwaaqaysan. la-mid: barwaaqaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqo ahaan.
barwaaqaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) badhaadhe qabitaan. Barwaaqaysnaan aan ku jirnee, Allaw bala naga xijaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax baraare ku jira ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraaraysan
der. [adjective] prosperous; content, happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaraysan
(tilmaame) nimcaysan oo nabad iyo caano ku jira. Annagoo baraaraysan ayay dagaalladii sokeeye dhaceen. Dh: badhaadhaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraaraysan
de: prosperous; content, happy
lx: baraaraysan
pd: (baraaraysnaa)
ps: adj-der
key: baraaraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysnaan
m.f.dh eeg abaaraysan. la-mid: abaaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) roobl'aan iyo nabaadguur qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakaysnaan
m.f.dh eeg barakaysan. la-mid: barakaysnaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barakaysnaan
-ta: (n) holiness (holinis) ~ karaamaysnaan barakaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax khayr iyo wanaag leh oo barakaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararaysnaan
m.f.dh eeg cararaysan. la-mid: cararaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamaysnaan
m.f.dh eeg karaamaysan. la-mid: karaamaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof karaamo leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaraysnaansho
m.l/dh la-mid: baraaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaraysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg baraaraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugsanaan
(Baraarugsanaan-ta)
Qof baraarugsan ahaan; digtoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugsanaan
m.f.dh eeg baraarugsan. la-mid: baraarugsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraarugsanaan
f. n. alertness, awakening, realization
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraarugsanaan
-ta: (n) awareness (a weer nes); alert (aleert); conscience (kon shans)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) indha kala hayn; soo jeeditaan.
baraarugsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) foojignaan iyo taxaddarqabid. Baraarugsanaan ayaa loo baahanyahay. Dh: digtoonaansho, feejignaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraarugsanaan
de: alertness, awakening, realization
lx: baraarugsanaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: baraarugsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarujsanaan
m.dh (taar.) Fikrado kasta, afkaar, dareen, rajooyin, ujeeddooyin, xusuus uu qofka ama dadka u leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraarujsanaan
m.dh (taar.) Fikrado kasta, afkaar, dareen, rajooyin, ujeeddooyin, xusuus uu qofka ama dadka u leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) barbarar ku leh meelo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraamaysnaan
m.f.dh xaaraamaysan. la-mid: xaaraamaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan ahaan; mamnuuc ahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barakaysnaa
/ barakaysnayd: (adj) holy (hooli); sacred (seey karidh); blessed (baleesidh) ~ karaamaysan, muqaddas. Ex: magaalada barakaysan ee Makka; the holy city of Mecca
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysnaan
m.f.dh eeg raaxaysan. la-mid: raaxaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid loo raaxeeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaraysnaan
m.f.dh eeg dacaraysan. la-mid: dacaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dacar la mariyay ahaan. Carruurtu waxay naaska kaga go'aan dacaraysnaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakaysnaan
m.f.dh eeg xarakaysan. la-mid: xarakaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xarako loo yeelay ahaan..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysnaan
m.dh la-mid: calaamadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax calaamadaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaraysnaan
m.f.dh eeg faddaraysan. la-mid: faddaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid uskag iyo dhusuq badan ahaan. Dh: uskagaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaysnaan
m.f.dh eeg farsamaysan. la-mid: farsamaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si wanaagsan loo qabtay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u gaajood oo hamuun qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaayaysnaan
m.f.dh eeg amaayaysan. la-mid: gamaayaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataanaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mataano ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarraysnaan
m.f.dh eeg nabarraysan. la-mid: nabarraysnaansho, nabaraysnaan, nabaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid nabarraysan oo dhaawac qaba ahaan. Dh: nabarraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasaysnaan
m.dh la-mid: nijaasaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadarraysnaan
m.f.dh eeg sadarraysan. la-mid: sadarraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadaysnaan
m.f.dh eeg sargadaysan. la-mid: sargadaysnaansho, sergedeysan, sergedeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sargad lala dhacay; wax sargadaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalaysnaan
m.f.dh eeg tabaalaysan. la-mid: tabaalaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaalo qaba; dhibaataysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysnaan
m.f.dh eeg xarragaysan. la-mid: xarragaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaab qurux badan loo diyaariyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumaysnaan
m.f.dh eeg barafuumaysan. la-mid: barafuumaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) udgoonaan oo barafuun lahaan. Dh: cadaraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busaaradeysnaan
m.f.dh eeg busaradeysan. la-mid: busaaradeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cawlnaan oo wax bisaarad iyo baahi qaba ahaan. Shaqa la'aanta ayaa dhallinyarada busaaradeysnaanta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxaysnaan
m.f.dh eeg dharbaaxaysan. la-mid: dharbaaxaysnaansho, dhirbaaxaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiraysnaan
m.f.dh eeg nayaayiraysan. la-mid: nayaayirsanaan, nayaayirsanaansho, nayaayiraysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarraysnaan
m.f.dh eeg dacdarraysan. la-mid: dacdarraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) bisaaradaysnaan; wax aan waxba haysan oo baahiyi ka muuqaato ahaan. Dh: basaasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarraysnaan
m.f.dh eeg dandarraysan. la-mid: dandarraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid caydhoobay oo hayndarro haysato ahaan. Dh: ayaandarraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalaysnaan
m.f.dh eeg dhaqaalaysan. la-mid: dhaqaalaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryeysnaan
m.f.dh eeg qarqaryeysan. la-mid: qarqaryeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayaysnaan
m.f.dh eeg waabaayaysan. la-mid: waabaayaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax waabay leh ahaan; waabay iyo sun qabitaan. waabaayaysnaansho -ha: (magac, lab, keli) sumaysnaansho oo waabaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warshadaysnaan
m.f.dh eeg warshadaysan. la-mid: warshadaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warshadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la warshadeeyay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ibtilo iyo aafo qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho. Tusaale: Meeshaasi waa dhul abaaraysan. m.f.dh, abaaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysan
(tilmaame) deegaan roob waayay oo oomane noqday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax afeef leh oo shardi ku xidhan yahay. Baarranaanta hadalkiyo baylahdeenna ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakaysan
Barako leh; karaamaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barako leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barako leh ahaansho. m.f.dh, barakaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakaysan
der. [adjective] blessed, sacred
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaysan
(tilmaame) mid barako iyo khayr leh. Cumar waa wiil barkaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakaysan
de: blessed, sacred
lx: barakaysan
pd: (barakaysanaa)
ps: adj-der
key: barakaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarnaan
m.dh la-mid: dardarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax barbar socda ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasnaan
m.f.dh eeg basaasan. la-mid: basaasnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax basaasay oo aan madaxiisa dufan marin ahaan. Nin caydh ah basaasnaantaa lagu gartaa.
basaasnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid la basaasay oo sirtiisii la helay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Weel wax la carariyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysnaan
m.f.dh eeg caraysan. la-mid: caraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan; cadhaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraysnaan
m.f.dh eeg haraysan. la-mid: haraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracnaan
m.dh la-mid: raaracsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysnaan
m.f.dh eeg rasaysan. la-mid: rasaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugsan
1. Aan hurdeysneyn; hurdo ka kacay oo ay ka ba'day.
2. Soo jeeda oo aan la dagi karin; digtoon; feeyig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax baraarugay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraarugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax baraarugay ahaansho. m.f.dh, baraarugsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraarugsan
der. [adjective] awake, alert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraarugsan
-aa/ ayd: (adj) not in a state of sleep; awake (a weeyk); aware (aweer) -Syn: cognizant, conscious, sensible, alert, watchful, vigilant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugsan
(tilmaame) qof aan hurdin oo indhaha kala haya ama soo jeeda. Odayga oo baraarugsan buu waraabuhu soo dhacay.
baraarugsan: (tilmaame) qof wacyi qaba oo wax kala og, dunida la socda. Bulsho baraarugsan cadowgeed ma jebiyo. Dh: digtoon, feejigan.