baraanburitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan, ka kicitaan. Baraarugitaan ka hor lama kicin karo waa nin hurda weyn.
baraarugitaan -ka: (magac, lab, keli) baraarugid oo wax kasta ogaal u yeelasho. Dh: digtoonaad, feejignaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale hurdo ka toosin. Dh: baraarujin.
baraarujitaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale digtooni gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraandegitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaraandegidda lafteeda iyo hoos u eegitaanka badan ee hawl la qabanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburid
-da: (magac, dhedig, keli) tirinta buraanburka. Dh: buraanburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baraanburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala jajabitaan ku dhacay, kala daadasho sida dhisme ama maamul. Burburitaan shirka ka dhawra.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaanufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg anaanuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) kobcid oo hanaqaadid. Dh: hanaqaaditaan, koritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) ku kicidda falka ballanjebinta. Barifuritaan ninkii falay fidmadi haysataa. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararitaan
-ka: (magac, lab, keli) barbararis iyo buurbuur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambaaburitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hambaaburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguuritaan
-ka: (magac, lab, keli) xaalufid oo wax abaaroobay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si kuddo iyo fiirsi la'aan ah u boodid oo wax u sii dhex jibaaxitaan. Dh: jibaaxitaan, majiiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tirtirmitaanka wax jirey oo raadkiisa la waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaangaadh noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulitaan
-ka: (magac, lah, keli) baytimaalin iyo daadaadin siyaado ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) ka shaqaysashada badaha iyo maaxiddeeda. Dh: badmarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabaadiino qabid. Dh: badqabid, badqabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg banbaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaritaan
-ka: (magac, lab, keli) banjarid ku dhacday, taayir naqaskii ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareeritaan
-ka: (magac, lab, keli) qarsoodi iyo gabbasho li'i wax u samayn. Dh: badheedhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraxitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax qarsoonaa, muujin ama wax xanniban sii dayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg basaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) u yeelitaanka meel wax laga bilaabo. Dh: curitaan, unkitaan, ambaqaaditaan, dhaqaajitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanburid
(Buraanburid-da)
Heesta buraanburka tirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuditaan
-ka: (magac, lab, keli.) eeg caabudid. caabuq': (fal) nabur hoosta ka buka noqo. caabuq-a: (magac, lab, keli) meel jidhka ka mid ah oo bugta oo nabarkii ku yiil hunbululuqay ama malaxaystay; nabar hoosta ka bukooda. Dh: millil, hurgun, hurgumo, arami, caabaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano la lulayo, burcad bixin; cagaar soo noqosho; cagaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusitaan
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubitaan; mid jactadsan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dheelitaan; ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dahaadh u samayn. Alaabtani dahaaritaan ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo joogay ama socday, dhinac u jeexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ganaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib, qof kale, Eebbe uga baryitaan. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax marmarya ahaan. Marmaritaankaaga waan la socdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala dillaacitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale meel ka gudbid; tilaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaamuditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaamudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) asaruuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujisan
(tilmaame) mid soo jeeda oo aan hurdin.
baraarujisan: (tilmaame) mid wacyi qaba oo aan dagnayn. Dad baraarujisan baad rabtaa inaad sirto. Dh: digtoon, feejigan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakicitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaxooti ahaan u guurid; cabsi ama gaajo u qayaaditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnuglaan
m.f.dh eeg baraqnugul. la-mid: baraqnugeyl, baraqnuglaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) saaritaanka miisaanka. Bardaamitaan la soo weynay subaggii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahitaan
-ka: (magac, lab, keli) si qaab daran u fadhiisi. Barraahitaanka ka kac oo faraska kooraha saar. Dh: barraaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si barraaqid ah oo foolxun u fadhiisasho. Barniyeey barraaqitaanka kac rag baa soo socde. Dh: barraahitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faanbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalguditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaalgudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaalmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) axdijebin iyo ballanfuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalugitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax sidii uu ahaa ka doorin; badhxitaan; ladhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaafulitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, beddelitaan oo sixrid. Dh: qataarid, sixrid, sixritaan, falitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraanturrayn
m.f.dh eeg taraanturree. la-mid: taraanturyayn, turaanturyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraanturyayn
m.dh la-mid: taraanturrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarango'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tafiir go'itaanka; itaalbeelitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarbaarritaan
-ka: (magac, lab, keli) samaynta baarbaarridda lafteeda iyo tamashlaynta. Baarbaarritaankii beryahan waan ka baaqsadaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqamaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) maalitaanka barqinkii xoolaha la maalo. Barqamaalitaan meel baadiyo biya leh, halkay beeshu ku badhaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaanhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) calaacalitaan oo cataabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaaddegitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baaxaaddegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanqaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) ballanqaadis ah wax la fuliyo lagu heshiiyey. Ballanqaaditaan waa la sameeyey laakiin cid fulin Alle ayaa og. Dh: ballangelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhigitaan
-ka: (magac, lab, keli) barbardhig ku samayn labo shay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aan jirin la imasho. Beenabuuritaanka iyo belada aad waddo jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaalaab-bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraanhirsanaan
m.l la-mid: hiraahirsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabburnaan
m.f.dh eeg laba'aabburan. la-mid: laba'aabburnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir. aakhiro m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aakhir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aarbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarguditaan
-ka: (magac, lab, keli) «u» aano la geystay, ciddii lahayd ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulnaan
m.f.dh eeg abaabulan. la-mid: abaabulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qorshe la habeeyay oo abaabulan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arbushitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg arbushid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaanxumaan
m.f.dh eeg ayaanxun. la-mid: ayaanxumaansho, ayaanxumi, ayaanxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaanxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nasiibxumi iyo ayaandarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamitaan
-ka: (magac, lab, keli) ballan dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wada furitaanta meel ama weel xidhnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax baraare ku jira ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraaraysan
der. [adjective] prosperous; content, happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaraysan
(tilmaame) nimcaysan oo nabad iyo caano ku jira. Annagoo baraaraysan ayay dagaalladii sokeeye dhaceen. Dh: badhaadhaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraaraysan
de: prosperous; content, happy
lx: baraaraysan
pd: (baraaraysnaa)
ps: adj-der
key: baraaraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugsan
1. Aan hurdeysneyn; hurdo ka kacay oo ay ka ba'day.
2. Soo jeeda oo aan la dagi karin; digtoon; feeyig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax baraarugay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraarugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax baraarugay ahaansho. m.f.dh, baraarugsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraarugsan
der. [adjective] awake, alert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraarugsan
-aa/ ayd: (adj) not in a state of sleep; awake (a weeyk); aware (aweer) -Syn: cognizant, conscious, sensible, alert, watchful, vigilant