baraanburis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baraanburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburid
-da: (magac, dhedig, keli) tirinta buraanburka. Dh: buraanburid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraanbur
m. n. poem (sung by women)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraanbur
-ka: (n) [ Pl. baraanburo- da] a poetic work written and sung by women buraanbur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanbur
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah gododka suugaanta ee dumarka gaar u ah. Baraanbur tirisaye xaggeed Barniyeey barateen. Dh: buraanbur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraanbur
a: buraanbur
de: poem (sung by women)
lx: baraanbur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baraanbur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanburid
(Buraanburid-da)
Heesta buraanburka tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaris
m.dh la-mid: baraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaris
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqo iyo dhereg. Dh: badhaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanbur
(Buraanbur-ka)
Cayaar hees iyo reeme lagu tumo oo haweenka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraanbur
m. n. poem (Somali poetry sung only by women)
buraanbur v. recite poetry, sing a poem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buraanbur
-ka: (n) [Pl. buraanburo-da] poetry (powetari); composed and sing by women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraanbur
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar aad u da weyn oo u gaar ah haweenka oo leh gabayo iyo geeraarro la iskuna caayo, ammaano, faansho ama la isku guubaabiyo. Qalabka loo qaato ama lagu tumo, waxaa ka mid ah durbaan labada dhinac la iska taago la kala yidhaahdo Jabuu iyo Dallad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugis
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo ka toosid.
baraarugis -ta: (magac, dhedig, keli) soo jeedidista dareenka qofka. Dh: digtooni, feejigni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarujis
m.l la-mid: baraarujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg baraarujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraamburid
m.f.dh eeg buraambur².
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraanbur_1
cf: gabay
de: poem (Somali poetry sung only by women)
hm: 1
lx: buraanbur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buraanbur_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraanbur_2
de: recite poetry, sing a poem
hm: 2
lx: buraanbur
pd: (buraanburay)
ps: v1=
key: buraanbur_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangaris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangiris
m.l la-mid: garangarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAAR-KORIS
(Barar-kuris) N,C Corchorus depressus (L)C.Chr. Tiliaceae.
N Corchorus trilocularis L. Tiliaceae.
May, S, NFD Ficus vasta Forsk. Moraceae.
N Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aaburis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laba'aaburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraabuq
-da: (magac, dheddig, keli) nooc fangaha ka mid ah oo aan la cunin. Dh: baraabuf.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAAJIS
(Barajis) N Hyalocystis popovii Verdc. Convolvulaceae.
N Hyalocystis viscosa Hall.F. Convolvulaceae.
S Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
C Ipomoea garcheana Vatke. Convolvulaceae.
S Ipomoea tenuirostris Choisy. Convolvulaceae.
S Crotalaria pycnostachya Benth. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) barraaqitaan u fadhiisad. Barraaqis foolxumaa ma duq dhacday baa! Dh: barraahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarin
m.f.dh eeg baraari. la-mid: baraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badhaadhayn oo nimcad samayn. Qof walba baraarin naftiisa wuu u ordaa. Dh: badhaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baranbar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg barambaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg barbarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburis
m.l 1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. la-mid: burburin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburis
-ka: (magac, lab, keli) burburin ku samayn sida dhisme ama maamul. Burburiska guryaha shirci darradu ilaa berri bay socon.
burburis-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar la dheelayo, wacdi iyo wax sheeg diini ah ama qasiido nebi ammaan ah ku qiirood. Dh: muxubood, jibbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaaris
m.l la-mid: karaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabis
(Waraabis-ka)
Waraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabis
m.l la-mid: waraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg waraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaris
-ta: (magac, dhedig; keli) eeg xaraarin.
xaraaris-ta: (magac, dhedig, keli) wax caleen ku sumoobay noqosho. Dh: xadhaadhis, xadhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaruji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraaruji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin. m.f.dh, baraarujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraaruji
v. wake up, rouse, awaken someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraaruji
-yey -say: (v) 1. make someone awake; wake up ~ toosi. 2. make someone conscious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaruji
(fal) hurdada ka toosi cid kale. Baraaruji beesha colbaa soo galaye.
baraaruji: (fal) cid kale, digtooni iyo feejigni geli, ruux baraarugsan ka dhig. Ku baraarujiya dadka halista nadaafad darradu leedahay. Dh: wacyigeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraaruji
de: wake up, rouse, awaken s.o.
lx: baraaruji
pd: (baraarujiyey)
ps: v2a=tr
key: baraaruji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baranbaro
(Baranbara-da)
Cayayaan madow ama guduud-madow ah oo leh baalal jiidan, lugo dheerdheer iyo geeso aad u miiqan; waxay ku badan tahay jikada, kortagga iyo meelaha aan nadiifka ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baranbaro
f. n. cockroach
baranbaro: n. turkey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baranbaro
baranbarada: (n) [ Pl. baranbarooyin-ka] roach (roowj); cockroach (kako roowj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baranbaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg barambaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baranbaro
de: cockroach
lx: baranbaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: baranbaro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baranbaro
صُرْصُورٍ، جُدْجُد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaaris
m.dh la-mid: barbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaad noqod. Dh: hanaqaadis, koris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhifuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraambur
buraambur¹: m.l (-rro, m.dh) Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.
buraambur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Buraambur tirin. 2. Buraambur ciyaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buraambur
buraambur¹: m.l (-rro, m.dh) Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.
buraambur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Buraambur tirin. 2. Buraambur ciyaarid. m.f.dh, buraamburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraambur
-ka: (magac, lab, keli) god godadka suugaanta ka mid ah oo dumarku caan ku yihiin. Haddaan buraanburi lahaa waxan odhan lahaa: wax la bartoon bisin lahayn barako yeelan waa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaanbus
-ka: (magac, lab, keli) wax aad loo jecelyahay oo heliddooda ama gaadhid-dooda la sugi karin, u fikasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaankur
m.dh 1. Badar, budo iyo jariir u kala saarid. 2. Badar qashin ka saarid. 3. la-mid: kuraankur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaankur
-ta: (magac, dhedig, keli) badar, budo iyo jariir u kala saarid.
karaankur-ta: (magac, dhedig, keli) badar qashin ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg balanbalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaanadis
m.l la-mid: banaanadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaanadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg banaanadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugid
(Baraarugid-da)
Hurdo ka kicid; soojeedid; digtoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugid
m.f.dh eeg baraarug³. la-mid: baraarug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ka kicid, ka toosid. Dh: baraarugow.
baraarugid-da: (magac, dhedig, keli) soo jeedidda dareenka qofka. Dh: digtooni, feejigni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarujin
(Baraarujin-ta)
Hurdo ka kicin; wax xusuusin; qof digtoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarujin
m.f.dh eeg baraaruji. la-mid: baraarujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax soo jeeda ka dhigid. Baraarujin bay beelaha ka dhex wadaan. Dh: wacyigelin.
baraarujin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale digtooni gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararis
-ta: (magac, dhedig, keli) barbararitaan yeelasho. Barbararista boogta biyahaa ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanberi
(Calaanberi-ga)
Bahal jirac weyn oo guduudan u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaanberi
m. n. insect species, similar to an ant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaanberi
-ga: (n) ant (aant) ~ quraanjo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaanberi
-ga: (magac, lab, keli) bahal jinaca u eg oo midab guduudan leh. Dh: calaan. calaanbullay: (fal) si aan haboonayn u arrimi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaanberi
a: calaamereg ~ calaanmereg
de: insect sp., similar to an ant
lx: calaanberi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: calaanberi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaangari
v. make something roll
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaangari
cf: garangar
de: make s.t. roll
lx: garaangari
pd: (garaangariyey)
ps: v2a=tr
key: garaangari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangaris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafuris
m.l la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafuris
-ka: (magac, lab, keli) tarxiil qof safar aanu u diyaar ahayn lagu qasbo oo xoog lagu safriyo. Masaafurisku waa xal dhib badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarantaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg tarantarinta. tarantarree: (fal) xoog ku socodsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanfurid
(Ballanfurid-da)
Ballan la dhigtay ka bixid; ballanbaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanfurid
m.f.dh eeg ballanfur². la-mid: ballanfur¹, ballabfuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraashirix
(Baraashirix-a)
Midab baro ama dhibco badan oo isku darsan leh; birdhicyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraashirix
m.l Midab ka kooban baro yaryar badan, midabbo kala duwan ah oo riyuhu yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraashirix
m.l Midab ka kooban baro yaryar badan, midabbo kala duwan ah oo riyuhu yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraashirix
m. n. glittering, opalescent object; speckled ~ spotted color pattern
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraashirix
-a: (magac, lab, keli) caarcaar dhibco ama baro badan oo isku darsan ah. Sac baraashirix ah ayaa lo'da la socda. Dh: caartiif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraashirix
cf: caar
de: glittering, opalescent object; speckled ~ spotted color pattern
lx: baraashirix
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: baraashirix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratansiis
m.l la-mid: bedertamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaanbusid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg busaanbus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangarid
m.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangarin
m.dh la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangirid
m.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangirin
m.dh la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangiris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraanhirid
m.dh la-mid: hiraahirid.