ereyga

baqtigowrac

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigowrac

DHAN

-a: (magac, lab, keli) fal aan fiicnayn oo meydka lagula kaco xilliyada dagaalka sida jarjarid, harag ka siibid iyo wixii la mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowrac

DHAFAN
1

(Baqti-gowrac-a)

2

Colaadda aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka la gudbo, aan bal dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn. kd.); baqti-wareen; (ama bakhti-gowrac).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

baqti-gowrac

DHAFAN
1

v. commit atrocities out of hatred

2

baqti-gowrac vl. n. carnage, slaughter

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowrac

DHAFAN
1

baqtiggowrac¹: m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac¹.

2

baqtiggowrac²: f.mg1 (-cay, -cday; -rici) Baqtigowrac ku kicid. la-mid: bakhtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baqtiggowrac

DHAFAN

m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawrac

DHAFAN

(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiwareen

DHAABAN
1

baqtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareeid.

2

baqtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) Baqtigowracid. la-mid: bakhtiwareen².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowracid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiggowrac

DHAFANDHAAF
1

bakhtiggowrac¹: m.l la-mid: baqtiggowrac¹.

2

bakhtiggowrac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawrac

DHAFANDHAAF

(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowricid

DHAFANDHAAF
1

(Baqti-gowricid-da)

2

Baqti-gowrac ku kicid; (ama bakhti-gowricid).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) colaadi dad ay idinka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtidhawrid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Naf kuma hadhine waa bakhtidhawrid. Dh: baqti-dhawrid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtidhawris

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

saqiirragawrac

DHAFANDHAAF

m.l Colaad xun oo labo qolo dhax marta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baktiyow

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhtiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bartiray

DHAFANDHAAF

(fal) dhig wax ka duwan waxa badka yaalla, dhig waxa aan la nooc ahayn inta kale oo ka duwan turub. Bartireeyey turubkii haddaad baabsan garanaysid. Dh: bartee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtiisad

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) noole, wax bakhtiyay ka dhigasho. Baqtiisadka guduudanaha waad ka gaadhi lahayd haddaad ordi lahayd. Dh: bakhtiisad.

2

baqtiisad -ka: (magac, lab, keli) dab, tiriig ama nal shidan ama baxaya damid. Dh: densad, baqtiisad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtiisan

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) wax aan noolayn; wax dhintay.

2

baqtiisan: (tilmaame) dab ama wax la mid ah oo aan shidnayn; dab iyo wax la mid oo densan ahaan. Dh: densan. Li: daaran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

waqtigaan

DHAFANDHAAF

n. phr., time: this time, currently, now

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

waqtigaan

DHAFANDHAAF
1

de: this time, currently, now

2

initial: w

3

lx: waqtigaan

4

ps: np-time

5

key: waqtigaan

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtidhawr

DHAFANDHAAF
1

(fal) si xil, dhaxal iyo wixii la mid ah looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.

2

baqtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jaangawrac

DHAFANDHAAF
1

(fal) baadigefi oo jaho iyo raad seeji. Dh: habaabi, gefi.

2

jaangawrac-a: (magac, lab, kali) qof aan la afgaran karin oo lala dhib muto. Jaangawrac jaho loo raaco ma leh. Dh: jikaar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtiisnaan

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan noolayn ahaan.

2

baqtiisnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah oo aan shidnayn ahaan. Dh: densanaan. Li: daarnaan, shidnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

hantigoosad

DHAFANDHAAF

-ka: (n) capitalism (kapataliisim) ~ hantigoosi-ga

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hantigoosad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hannaan dhaqaale oo cid gaar ahi leedahay warshadaha iyo ilaha dhaqaalaha, dawladuna dusha uun ka ilaaliso oo aanay faragelin ku lahayn.

waa la naqliyay ✓