baqtidhawritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawritaan
-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii. Dh: baqtidhawritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawritaan
-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Naf kuma hadhine waa bakhtidhawrid. Dh: baqti-dhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaraan iyo boolicunid. Dh: bakhticunitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale badhikintaalid oo taageeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamitaan
-ka: (magac, lab, keli) labo isle'eg ka dhigitaan; badhtamaha gaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) bad marid iyo kalluumaysi. Dh: badmaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) kobcid oo hanaqaadid. Dh: hanaqaaditaan, koritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) saaritaanka miisaanka. Bardaamitaan la soo weynay subaggii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) ku kicidda falka ballanjebinta. Barifuritaan ninkii falay fidmadi haysataa. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dilitaan aad ah oo nabarrogaarsiin ah. Inta madaxiisa bashaaqitaan ku yaalla bal fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalin iyo dhawris hanti la leeyahay. Dh: hantidhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) maddadaalo iyo maaweelo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo raaxo helitaan. Dh: badhaadhid, badhaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) axdijebin iyo ballanfuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Dh: baqtidhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararitaan
-ka: (magac, lab, keli) barbararis iyo buurbuur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tikhraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) qori kala dhex gelitaanka. Tikhraaritaanka ila caawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarbaarritaan
-ka: (magac, lab, keli) samaynta baarbaarridda lafteeda iyo tamashlaynta. Baarbaarritaankii beryahan waan ka baaqsadaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale badhikintaalid oo taageerid. Dh: badhikintaalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhikintaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo meel sare higsanaysa, taageer oo gadaal ka riix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhi'itaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhi'itaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqdhawridla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo qaddarin la'aan aan la is xurmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dabool saarista lafteeda. Aabbudhitaanka ceelka Cumar baa u xilsaaran. Dh: daboolitaan. Li: furitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaqaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaqaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqalgalitaan
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo isguursatay, isku hoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeeditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badbeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti-gowrac
(Baqti-gowrac-a)
Colaadda aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka la gudbo, aan bal dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn. kd.); baqti-wareen; (ama bakhti-gowrac).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti-gowrac
v. commit atrocities out of hatred
baqti-gowrac vl. n. carnage, slaughter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiggowrac
baqtiggowrac¹: m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac¹.
baqtiggowrac²: f.mg1 (-cay, -cday; -rici) Baqtigowrac ku kicid. la-mid: bakhtiggowrac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqtiggowrac
m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahitaan
-ka: (magac, lab, keli) si qaab daran u fadhiisi. Barraahitaanka ka kac oo faraska kooraha saar. Dh: barraaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si barraaqid ah oo foolxun u fadhiisasho. Barniyeey barraaqitaanka kac rag baa soo socde. Dh: barraahitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriijitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax meel maraya barriijintiisa. Barriijitaan ka dhab oo baallaha ka mara boholaha ka leexsha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiiyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof hantidiisa mooyee ta kale aanay damqin ama bakhiil ah.
bartiiyaqaan -ka: (magac, lab, keli) qof ama neef meesha uu ku koray aan hadiyo jeer ka tegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayhoofitaan
-ka: (magac, lab, keli) bayhoofid iyo baylahi hayso. Bayhoofitaan iyo baylahda ka muuqata reerka boohinta ceshan kari maysid. Dh: basanbaasitaan, jaahwareeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhigitaan
-ka: (magac, lab, keli) «u wax ku soo weeraray u birdhista. Birdhigitaan maleh ninmuu cadowgu baalleeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) cashuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg makhoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaarta qammaarka ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarradhitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala dillaacitaan. Dh: diilaacitaan, jeexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisqaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) hanaqaaditaanka, horumaritaanka qofka mustaqbalkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixraacitaan
-ka: (magac, lab, keli) daba gelitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) geela mes baad iyo biyo leh u kaxeyen. Dh: xabaadhitaan.
xabbaaritaan -ka: (magac, lab, keli) xoolo ad lahayn xoog ku kaxaysasho. Dh: xabaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka ku qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydhariyaad
-da: (magac, dhedig, keli) caad khafiif ah oo hawada qariya. Dh: xayrariyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaalmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaddaahitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg adaddaahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) turub is dhexgashan oo isku dhafan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaqbaaqis ku suubbin beer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawracid
-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawracis
-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baradhamacaan
-ta: (magac, dhedig, keli) baradho dhadhan macaan leh oo laga miiro dheecaanka sonkorta laga sameeyo. Dh: baytaraaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiishitaan
-ka: (magac, lab, klei) wax fashilmay ahaan ama si foolxun u dhacay noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdhigitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhiirranaan iyo u jilibdhigitaan hawl aday oo ku soo foodsaartay. Beerdhigitaan ninaan baqin iyo geesi baa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhigitaan
-ka: (magac, lab, keli) roobka oo aad intuu u da'o dhulka biyo fadhiisiya. Biyadhigitaanku kolba intay le'egyahay buu dooggu soo baxaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarcaaritaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg caarcaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) canshuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ixtiraamitaan
-ka: (magac, lab, keli) tixgelin iyo xushmad siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabayrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhmadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madhmadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhiidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) qadhiidhidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqammacitaan
-ka: (magac, lab, keli) indhaha ka hanjabitaan oo haddana ka hanjabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhticunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti-gowricid
(Baqti-gowricid-da)
Baqti-gowrac ku kicid; (ama bakhti-gowricid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqamaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) maalitaanka barqinkii xoolaha la maalo. Barqamaalitaan meel baadiyo biya leh, halkay beeshu ku badhaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haaditaan
-ka: (magac, lab, keli) leellitaan, duulduulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaanhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) calaacalitaan oo cataabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanqaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) ballanqaadis ah wax la fuliyo lagu heshiiyey. Ballanqaaditaan waa la sameeyey laakiin cid fulin Alle ayaa og. Dh: ballangelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhigitaan
-ka: (magac, lab, keli) barbardhig ku samayn labo shay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardooddamitaan
-ka: (magac, lab, keli) samaynta falka bardoodanka. Bardoodamitaan badaan ma dibibaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhitaan
-ka: (magac, lab, keli) leexleexasho iyo luuqluuqmar. Baydhbaydhitaan badan malaha laakiin wuu barjeeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhacitaan
-ka: (magac, lab, keli) hantaaticitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguuritaan
-ka: (magac, lab, keli) xaalufid oo wax abaaroobay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhikintaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) badhikintaalid ku fuushii meel sare ruux. Badhikintaalitaan baa lagu saaray sallaanka. Dh: barikintaalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufitaan
-ka: (magac, lab, keli) 'Awood Rabbi' noole dhimasho in yar u gaadhay, badbaadintii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareemitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof nafi ku jirin ama dhintay, meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Laatin Ameerikaan
m. n., [compound] Latin American, Latino, American of Hispanic origin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Laatin_Ameerikaan
de: Latin American, Latino, American of Hispanic origin {Eng}
lx: Laatin Ameerikaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: Laatin_Ameerikaan