baqticunis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bakhticunis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo xaaraan ah ama booli cunid. Dh: bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticun
-ka: (magac, lab, keli) xaaraan iyo booli cunid. Dh: bakhticun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiis
m.l la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiis
-ka: (magac, lab, keli) noole, wax bakhtiyay ka dhigiddiis. Bakhtiiska ayuu dalxawgu ku ba'as yahay. Li: noolayn.
baqtiis-ka: (magac, lab, keli) wax shidan demintiis. Nalka baqtiiska badan ka daa. Li: daaris, shidis. Dh: demin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiijis
m.dh la-mid: baqtiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiqufid
m.f.dh eeg baqtiquf². la-mid: bakhtiqufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqtilumis
m.l 1. Waqtiga oo aan laga faa'iidaysan. 2. Waxyaabo laysku maaweeliyo oo waqtiga laysku dhaafiyo, sida shax, turub iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqtilumis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waqtilumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaraan iyo boolicunid. Dh: bakhticunitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtijiidis
m.dh la-mid: bakhtijiidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsiis
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) cabsi gelin, baqdin ku ridid. Dh: cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqtiin
(Baqtiin-ta)
Baqti ka dhigid; dilid; (ama bakhtiin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiin
m.f.dh eeg baqtii. la-mid: bakhtiijiin, bakhtiin, baqtiijiin, baqtiijis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqtiin
vl. n. killing; extinguishing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax bakhtiyay.
baqtiin -ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax demay. Bakhtiista badan ka ilaaliya tiriigga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqtiin
de: killing; extinguishing
lx: baqtiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: baqtiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulis
-ta: (magac, dhedig, kuli) ecg baatu.id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiiji
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baqtii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiiso
(fal) 'dugaag' noole, gaar ahaan neef xoola ah dilo. Sidii haramcad lax bakhtiistoo xuuxda kugu haya. Dh: bakhtiiso.
baqtiiso: (fal) dab, tiriig ama nal shidan ama baxaya denso ama madoobayso. Bakhtiiso nalka oo barbarka midig u seexo. Dh: bakhtiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiquf
baqtiquf¹: m.l B. ah: qof aan ka xishoon in uu sheego waxyaabaha xun. la-mid: bakhtiquf¹.
baqtiquf²: f.g1 (-fay, -ftay) Qof waxyaabo xun oo laga xishoodo sheegid. la-mid: bakhtiquf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqtiquf
m.l B. ah: qof aan ka xishoon in uu sheego waxyaabaha xun. la-mid: bakhtiquf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqtiyid
(Baqtiyid-da)
(xoolo) iyadoo aan la birayn dhimasho; geeryoomid; (ama bakhtiyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiyid
m.f.dh eeg baqti². la-mid: bakhtiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) neef isaga oon la biraynin dhinta oo cadkiisu noqdo xaaraan. Baqtiyidda ka ilaali laxda bugta. Dh: bakhtiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqkicis
-ka: (magac, lab, keli) eeg naqkicin. naqli: (fal) eeg naqil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticun
-ka: (magac, lab, keli) cunitaan aan waxba ka xaaraan ahayn. Bakhticun beerka xaydha leh bartay bilaasha laguma karo. Dh: boolicun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtifuul
m.l Duqsi waaweyn, leh midab qurxoon oo buluug ama cagaar ah oo laga helo meelaha waxa qurmay yaaliin. la-mid: bakhtifuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtihiig
-ga: (magac, lab, keli) ilmo hooyadii oo dhimatay oo meyd ah naaskeeda jaqa. Dh: baqti-hiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiijin
m.dh la-mid: baqtiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtijiid
baqtijiid¹: m.l Qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. la-mid: bakhtijiid¹.
baqtijiid²: f.g1 (-day, -dday) Qof si dhaqanka iyo anshaxa ka baxsan u dilid. la-mid: bakhtijiid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqtijiid
m.l Qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. la-mid: bakhtijiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhifuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiimis
m.l la-mid: naqtiimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuris
-ta: (magac, dhedig, keli) ballanfuris iyo axdijebin. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticune
-ha: (magac, lab, keli) qofka xaaraan iyo xalaal kala jeclayn; qofka aan waxba u aabboyeelin. Dh: xaraancune, booliquute.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolicunid
-da: (magac, dhedig, keli) booli cunid. xaaraan cunid. Boolicunid waa lagu cadaab galaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuricunid
-da: (magac, dhedig, keli) buuriga oo canka la dhigto. Buuricuniddu caafimaadkay u darantahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlicelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caqlicelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqtilumin
-ta: (magac, dhedig, keli) waqtiga oo la isku dhaafiyo wax aan manaafacaad lahayn. Dh: waqtilumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
batroolcunis
vl. n., [compound] gasoline ~ petrol consumption
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
batroolcunis
-ta: (n) gasoline consumption
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
batroolcunis
de: gasoline ~ petrol consumption
lx: batroolcunis
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: batroolcunis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan noolayn ahaan.
baqtiisnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah oo aan shidnayn ahaan. Dh: densanaan. Li: daarnaan, shidnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtijiidid
m.f.dh eeg baqtijiid². la-mid: bakhtijiidid, bakhtijiidis, baqtijiidis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
particulars
/partikulars/ (n) faahfaahinta (tafaasiisha).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
particulier
particulier, adj. - wax qof u gaar ah.
en particulier - siiba; gaar ahaanba.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
waqti lumin
to waste time
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuufid
(Baqti'afuufid-da)
Wax dhimasho ku dhowaadey naf ku soo celin; (ama bakhti'afuufid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Eebbe', qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuufid
m.dh eeg baqti-afuuf². la-mid: bakhtiafuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawracis
-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.