ereyga

baqti-gowricid

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowricid

DHAN
1

(Baqti-gowricid-da)

2

Baqti-gowrac ku kicid; (ama bakhti-gowricid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowracid

DHAFAN

m.f.dh eeg baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowrac

DHAFANDHAAF
1

(Baqti-gowrac-a)

2

Colaadda aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka la gudbo, aan bal dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn. kd.); baqti-wareen; (ama bakhti-gowrac).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

baqti-gowrac

DHAFANDHAAF
1

v. commit atrocities out of hatred

2

baqti-gowrac vl. n. carnage, slaughter

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiggowracid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: baqtiggowracid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigowrac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) fal aan fiicnayn oo meydka lagula kaco xilliyada dagaalka sida jarjarid, harag ka siibid iyo wixii la mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowrac

DHAFANDHAAF
1

baqtiggowrac¹: m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac¹.

2

baqtiggowrac²: f.mg1 (-cay, -cday; -rici) Baqtigowrac ku kicid. la-mid: bakhtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baqtiggowrac

DHAFANDHAAF

m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawrac

DHAFANDHAAF

(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtidhawrid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Naf kuma hadhine waa bakhtidhawrid. Dh: baqti-dhawrid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtijiidid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baqtijiid². la-mid: bakhtijiidid, bakhtijiidis, baqtijiidis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtidhawris

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiggowrac

DHAFANDHAAF
1

bakhtiggowrac¹: m.l la-mid: baqtiggowrac¹.

2

bakhtiggowrac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqti-afuufid

DHAFANDHAAF

m.dh eeg baqti-afuuf². la-mid: bakhtiafuufid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) colaadi dad ay idinka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtidhawritaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii. Dh: baqtidhawritaan.

waa la naqliyay ✓