baqti'afuufid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuufid
(Baqti'afuufid-da)
Wax dhimasho ku dhowaadey naf ku soo celin; (ama bakhti'afuufid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Eebbe', qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuufid
m.dh eeg baqti-afuuf². la-mid: bakhtiafuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Rabbi' ku badbaadinta abuur dhimasho qarka u gaadhay. Bakhati'afuufid uun buu ku baxay neefku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuuf
(Baqti'afuuf-ka)
Soo noolaan iyadoo dhimasho lagu dhowaadey; (ama bakhti'afuuf).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti'afuuf
v. resuscitate, bring back to life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuuf
(fal) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolee. Dh: bakhti'afuuf.
baqti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqti'afuuf
de: resuscitate, bring back to life
lx: baqti'afuuf
pd: (baqti'afuufay)
ps: v1=
key: baqti'afuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noolayn
(Noolayn-ta)
1. Naf ama nolol ku soo celin.
2. Waxtarid; dhaqaalayn.
3. (soo noolayn) kol labaad noolayn; baqti-afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bakhti'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuufid
m.dh la-mid: baqti-afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhtiafuuf¹.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. la-mid: bakhti-afuuf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhti-afuuf.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. m.f.dh, baqti-afuufid. la-mid: bakhti-afuuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufan
(tilmaame) noole laga samray oo dib u soo noolaaday ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiqufid
m.f.dh eeg baqtiquf². la-mid: bakhtiqufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuuf
(fal) 'Awood Rabbi' noole naftu ka bixi gaadhay soo badbaadi, dib ugu soo celi noloshii iyo tamartii.
bakhti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) noole dhimasho inyar u gaadhay oo badbaaday.
bakhti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) diqsi weyn oo leh midabyada buluug iyo madow isku jira. Waa jaad aad loo dhibsado oo cuna bakhtiga iyo wixii kale oo dhinta ba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanti'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) noole dhimasho qarka loo gaadhay, Awoodda Rabbi ku badbaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo xaaraan ah ama booli cunid. Dh: bakhticunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuuf
bakhti-afuuf¹: m.l la-mid: baqti-afuuf¹.
bakhti-afuuf²: f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: baqtiafuuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawracid
-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiwareemid
m.f.dh eeg baqtiwareen². la-mid: bakhtiwareemid, baqtiwareen¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiwareemid
-da: (magac, dhedig, keli) baqtigawrac samayn oo wax nool iyo wax dhintayba birta saarid. Ciidanka baqtiwareemid looma oggola. Dh: baqtigawricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurid
m.dh la-mid: hanti-abuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadixafid
-ka: (magac, lab, keli) ilaalinta xoolo aanad lahayn oo baadi kugu soo galay; ammaano xajinteed. Nin baadixafid badan baadidii ma baylahdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifurid
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta falka ballanjebinta iyo weydaarashada wax la isku ogaa. Badhifuridda iga daa, anba been ma sheegee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bakhticunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naar'afuuf
(Naar'afuuf-ka)
1. Qofka dadka isku dira; diraddiraale.
2. Amuurka qaarki; xayraxade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naar'afuuf
-ka: (magac, lab, keli) bog ku socotada nooc ka mid ah oo mulaca ay isku bah yihiin. Dh: xaydhacade, qul.
naar'afuuf-ka: (magac, lab, keli) qof dadka u kala warrama oo isku dira. Naarafuuf waa namiime ha u nixin. Dh: diradiraale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtijiidid
m.f.dh eeg baqtijiid². la-mid: bakhtijiidid, bakhtijiidis, baqtijiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardafuulid
m.f.dh eeg fardafuul². la-mid: fardafuulis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax curin oo wax cusub keenid. Dh: hal'abuuris, curin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxaluufid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran u qorid: kolba qor iyo kolba qolof ka falliidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Naf kuma hadhine waa bakhtidhawrid. Dh: baqti-dhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama hadal aan jirin abuuris. Dh: masabid, hafarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaraarufid
m.f.dh eeg maqaraaruf². la-mid: maqaraaruf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajikaduudid
-da: (magac, dhedig, keli) haruuf iyo nacaybsho muujinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawracis
-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantafaruurid
m.dh la-mid: docfaruurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurad
m.l Aruursashada hanti ah. la-mid: hanti-abuursasho.