baqoolsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsiin
m.l la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baqooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolsii
(fal) cid kale, rar oo meel dheer u hayaami. Dh: boqooli, baqooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsiis
m.l la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsiin
m.dh la-mid: baqoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) milay kulayle ah, cid kale socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolin
m.f.dh eeg baqooli. la-mid: baqoolis, baqoolsiin, baqoolsiin, boqoolin, boqool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, meel dheer u hayaamin oo u rarid. Hadday abaari jirto baqoolinta xooluhu waa lama huraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsiin
m.f.dh eeg aqoonsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) baridda wax aanu hore u aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baqoolsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsii
(fal) eeg boqooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsiin
m.dh la-mid: baroorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ka oohin. Ka baroorsiinta waalidku ma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsiis
m.l la-mid: boqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqooli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley, duhur socodsiin. la-mid: baqoolsii, boqooli, boqoolsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cabsi gelin, baqdin ku rid. Dh: cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax si dhab ah uga dhaadhacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonsii
v.caus: make someone acknowledge something; cause to recognize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonsii
de: make s.o. acknowledge s.t.; cause to recognize
lx: aqoonsii
pd: (aqoonsiiyey)
ps: v2a=caus
key: aqoonsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakoolin
m.dh Daruuro yaryar oo kala googo'an oo wada socda middood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) daruur yar oo cad; cirku marka uu daruuraha samaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolid
m.f.dh eeg baqool². la-mid: baqool¹, baqoole, boqool¹, boqoole, boqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolid
-da: (magac, dhedig, keli) hayaamid meel dheer loo guuro. Reeruhu jiilaalkii baqoolid bay u hayaamaan. Dh: guurid, hayaamid, dalandoolid.
baqoolid -da: (magac, dhedig, keli) qorraxda oo kulul socdaalid. Baqoolidda maalinkasta hadhimada dabadeed ha iska daayo. Dh: dhalandhoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolis
m.dh la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsiin
m.f.dh eeg boobsii. la-mid: boobsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiin
m.dh la-mid: bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolin
m.dh la-mid: baqoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn oo hayaamin. Dh: boqoolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqbalsiin
m.f.dh eeg aqbalsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ay diiddan tahay yeelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodsiin
m.f.dh eeg awoodsii. la-mid: awoodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax karsiin. Awoodsiintaada ayay ku xidhan tahay dhiirranaanta ilmahaagu. Dh: karsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroomiin
m. n. bromine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroomiin
de: bromine {Eng}
lx: baroomiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baroomiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorsii
(fal) qof kale, ka oohi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsan
(tilmaame) qof qorrax kulayl ah socda. Dh: dhalandhoolsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqalsiin
m.dh la-mid: maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maqashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gayoodsiin
(Gayoodsiin-ta)
Geyoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayoodsiin
m.dh la-mid: geyoodsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) baqoolid waqti cadceeddu kulushahay, socoshada hadhimada dabadeed. Sii boqoolitaan baad tihiin. Dh: dhalandhoolitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biskoodsiin
m.dh eeg biskoodsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoolan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la aqoolay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoolan
der. [adjective] divided (up), distributed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoolan
-aa: (adj) catered (keeyteridh) in good manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolan
(tilmaame) mid kala soocan.
aqoolan: (tilmaame) arrin si wanaagsan u agaasiman.
aqoolan: (tilmaame) mid meel ka dhaqaaqay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoolan
de: divided (up), distributed
lx: aqoolan
pd: (aqoolnaa)
ps: adj-der
key: aqoolan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoolid
(Aqoolid-da)
Wax la wadaago qaybin, kala agaasimid; soorid; qorshayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoolid
m.f.dh eeg aqool³. la-mid: aqool² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolid
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan wax u agaasimid.
aqoolid -da: (magac, dhedig, keli) wax la wadaago qaybin; kala agaasimid. Dh: qorshayn, qaybqaybin, soorid.
aqoolid -da: (magac, dhedig, keli) meel ka tegniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonin
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqooni. aqoonin: (tilmaame) garanin; fahmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsi
m.l 1. Warqadda a.ga: dokumenti rasmi ah oo ay ku yaalliin magac dhan,sawir iyo wixii kale oo caddaynaya qof sugiddiisa. 2. Warqadda citiraafka. 3. la-mid: aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoonsi
m.l 1. Warqadda a.ga: dokumenti rasmi ah oo ay ku yaalliin magac dhan, sawir iyo wixii kale oo caddaynaya qof sugiddiisa. 2. Warqadda citiraafka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonsi
vl. n. knowledge; recognition, identification, identity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoonsi
-ga: (n) 1. identification (aaydentefikeeyshiri); ID; identity (aaydentati) ~ teesare Ex: aqoonsiga kaliya oon haysto waa baasaboor; the only identification that I have is my passport. 2. recognition (ri kag nishin) ~ aqoonsasho
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Aqoonsi
Riconoscimento
Recognition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsi
-ga: ((magac, lab, keli) barashada wax daahnaa.
aqoonsi-ga: (magac, lab, keli) ictiraafka iyo aqoonsiga cid kula darajo ah. Aqoonsiga dawladaha, waxa sal u ah qaramada midawday.
aqoonsi-ga: (magac, lab, keli) wargad ay ku qoran yihiin magaca iyo meesha uu qof ku dhashay. Keen warqaddii aqoonsiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonsi
a: aqoonsasho (/da) [vn-f]
de: knowledge; recognition, identification, identity
lx: aqoonsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m, vn7-m
key: aqoonsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoosan
(tilmaame) mid wax maskaxda ku haya oo garansan. Dh: yaqiinsan, og. Li: mooggan.
aqoosan: (tilmaame) cid kale ama dawlad kale ictiraafsan. Muslin aqoonsan Israa'iil ma jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosin
m.f.dh eeg aroosi. la-mid: aqalgelin, aroosgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasiin
m.l la-mid: baansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasiin
m. n., (mass n.): gas, petrol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasiin
-ka: (n) gasoline (gaa soliin); gas (gaas) bansiin, baansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasiin
-ka: (magac, lab, keli) shidaal fudud oo degdeg u daarma, haddii la laydhiyana dhakhso u baabi'i og. Gaadhiga baasiin ku shub. Dh: bensiin, bansiin, betrool, baadrool, batrool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasiin
de: gas, petrol
lx: baasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
see: bansiin {Eng}
key: baasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacsiin
m.f.dh eeg bacsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bansiin
m.l la-mid: baansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bansiin
m. n., (mass n.): gas, gasoline, petrol; benzine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bansiin
-ka: (n) gasoline (gaaseliin); petrol (petrool); benzine (baan-ziin) baansiin, baasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bansiin
-ka: (magac, lab, keli) gaas wax lagu shito. Kabriid iyo bansiin la isma tuso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bansiin
a: baansiin ~ bensiin
de: gas, gasoline, petrol; benzine
lx: bansiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: betrool, shidaal {Eng}
key: bansiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqniin
-ka: (magac, lab, keli) cabsi qabid. Baqniin baa ka muuqda ciidan soo baxsaday.
baqniin-ka: (magac, lab, keli) baqitaanka caanaha. Baqniin caanageel loogama cabsi qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoole
m.l Socodka duhurkii la socdo. la-mid: baqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsiis
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) cabsi gelin, baqdin ku ridid. Dh: cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqtiin
(Baqtiin-ta)
Baqti ka dhigid; dilid; (ama bakhtiin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiin
m.f.dh eeg baqtii. la-mid: bakhtiijiin, bakhtiin, baqtiijiin, baqtiijis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqtiin
vl. n. killing; extinguishing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax bakhtiyay.
baqtiin -ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax demay. Bakhtiista badan ka ilaaliya tiriigga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqtiin
de: killing; extinguishing
lx: baqtiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: baqtiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsiin
m.dh la-mid: bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baxsaday oo fakaday ka dhigid. Dh: baxsisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsiin
m.f.dh eeg boogsii. la-mid: bogsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsiin
vl. n. healing, curing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid bugta daawayn. Dawooyinku way kala bogsiin og yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsiin
cf: bukaan
de: healing, curing
lx: bogsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: bogsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Hawl si degdeg leh u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boobsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Hawl si degdeg leh u qabasho. m.f.dh, boobsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boobsii
v. rush, do something quickly ~ in a hurry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobsii
(fal) dedeji oo horay horay wax u samee. Shaqada boobsii oo intaan laguu iman ka faraxalo. boobsiin -ta: (magac, dhedig, keli) dedejin oo horay horay wax u dhammayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boobsii
de: rush, do s.t. quickly ~ in a hurry
lx: boobsii
pd: (boobsiiyey)
ps: v2a=tr
key: boobsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: booti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booliis
m. n. police man; police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booliis
ka: (n) 1. police officer (poliis o-fiser); cop (kaap); constable. 2. police office ~ saldhig booliis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booliis
de: police
lx: booliis
pd: (-ka)
ps: n-m-col
xe: police force
xv: boliis ~ boolis
key: booliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqooli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: baqooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqooli
(fal) xilli aan caadi ahayn socod u ambabixi. Ubadka meesha ka boqooli.