ereyga

baqalyarogad

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqalyarogad

DHAN

-ka: (magic, lab, keli) qaarka hoose sarraysiin oo gacmaha isku istaagid oo isrogrogid. Dh: qaalaabarogad, qaalmarogad, baqayarogad. baqalyarogasho -da: (magic, dhedig, keli) baqalyarogad samayn. Baqalyarogasho badisaye berrina maxaad baran. Dh: baqayarogasho, qaalmarogasho, qaalaamarogasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqalyarogo

DHAFAN

(fal) labada gacmood isku taag lugahana sare u taag oo isrogrog. Dh: baqayarogo, qaalaabarogo, qaalmarogo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qaalmarogad

DHAFANDHAAF

-ka: (n) [gymnastics] somersault (samar-soolt) also somerset tumbleset (samar-set tam-bal-set) ~ qaalma-rogasho, jinaystiko

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baraarugad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg baraarug.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalmorogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) is rogrogid uu qofku sameeyo isaga oo jiifa oo uu kolba dhinac qallinka iskugu ledgo. Jiifka ku dagaallama oo qaalmorogad sameeya ayuu taliyuhu ku yidhi ciidankiisa. Dh: qalaamarogad, qalaamarogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qaalmarrogad

DHAFANDHAAF
1

(Qaalmarrogad-ka)

2

Qaalmarrogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaalmarrogad

DHAFANDHAAF

m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. la-mid: qaalmarrogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qaalmarrogad

DHAFANDHAAF

m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qalaamarogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) kolba dhan isku rogid. Nin weyni qalaamarogad ma karo. Dh: qalaabarogad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaalaamarogad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qaalmarrogasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalabaarogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) madax iye mijo kolba dhinac u rogmad. Dh: qalaamorogad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baalgarab

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) garabka kalluunka baal ka baxa oo ka saacida dabbaasha. Baalgarabka gabo kalluunka. Dh: seeb. Wa: baalgarabyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baallacad

DHAFANDHAAF

m.dh (-ddo, m.l) Nooc warmaha yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baallacad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) walax bir ah oo hub ahaan loo isticmaalo. Bir la afeeyay oo uu soofuhu labada dhinac caddeeyay ama hillaacaysa. Dh: abley, toorri, toorrey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baayacaad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg baayac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ballaarad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: ballaarasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ballaarad

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) kala fidid oo ballaadhasho. Dh: ballaadhad.

2

ballaarad -ka: (magac, lab, keli) sii kala fidid oo wax ballaadhan noqosho. Nabarka ballaaradka ka ilaali. Dh: ballaadhad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqacarar

DHAFANDHAAF
1

baqacarar¹: m.l Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. la-mid: baqacararid.

2

baqacarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cararid baqdin awgeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqacarar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dib u gurasho lagu dagaallamo oo iyadoo la baxsanayo dagaalka la sii wado. Dibigu waa baqacarare yaanu ku jiidhin. Dh: baqacaymad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilmarogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqa ilmaha uurka ku jiri uu sameeyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jaanrogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, kali) baxsad and hayn weyday waxa dhacaya. Dh: baxsad. Li: mitid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maqaarsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: maqaarsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wakalarog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) marrinhabaw cid ku dhaca oo jidka saxda ah ka weecdaan. Wakalorog baa mujaahidiintii ku dhacay. Dh: asqaw.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baalkarrid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la tumay oo baalka laga saaray ama laga riday. Dh: buunshabixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baaltaagid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baaltaag². la-mid: baaltaag¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ballaarsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: ballaarsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ballaarsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fidsasho oo gogol iyo wixii lamid ah ballaadhsasho. Ballaarsadka saanta cidi kuuma diidin. Dh: ballaadhsad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baraarugid

DHAFANDHAAF
1

(Baraarugid-da)

2

Hurdo ka kicid; soojeedid; digtoonaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraarugid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baraarug³. la-mid: baraarug¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baraarugid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ka kicid, ka toosid. Dh: baraarugow.

2

baraarugid-da: (magac, dhedig, keli) soo jeedidda dareenka qofka. Dh: digtooni, feejigni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Biyayarood

DHAFANDHAAF
1

(Biyayarood-ka)

2

Biyuhu ku yar yihiin; aan biyo badnayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biyayarood

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: biyayaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

biyayarood

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] scarcity of water

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biyayarood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo yar oo aan biyo badnayn, dhadhiin ah. Biyayarood buu noqday ceelkii cusbaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

biyayarood

DHAFANDHAAF
1

de: scarcity of water

2

lx: biyayarood

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: biyayarood

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabarrogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cid, adkaad laga adkaaday dartii u cararid. Dabarrogad dulli iyo fulaa lagu yaqaannaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kafaarogud

DHAFANDHAAF

-ka: (n) penance (penansi); an act performed voluntarily to show appreciation to God

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

SAGAAROGAL

DHAFANDHAAF

Dalbergia uarandensis 01

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqacararid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baqacarar². la-mid: baqacarar¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqacararid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) baqacarar samayn oo dagaal socda ku baxsasho. Ciidan jabaa baqacararid ku dagaallama.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

batalaroobi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) daruur weyn oo roobka horsocota oo darroor maaggan. Dh: heego, hogol.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dameerarogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah geedaha dhexaad ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalaabogadi

DHAFANDHAAF
1

(fal) alaab isku dhex daadi oo wada rogrog. Is ku qaalaabogadi alaabta guriga si aan loo arag inta muhiim ka ah. Dh: mulac, qalaabageddi.

2

qaalaabogadi -ga: (magac, lab, keli) arbush alaab la is dhexdhigo oo la kala daadaadiyo. Alaabta qaalaabogadiga ka daa. Dh: mulaaq, qalaabageddi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalaamarrogad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

QALAAMAROGADKA

DHAFANDHAAF

GYMNASTICS

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kabalyeeriyad

DHAFANDHAAF

-da: (n) waitress (weeytras)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalaabogadin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) isku dhexdaadin oo alaab rogrogid.

waa la naqliyay ✓