baqabeenlayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baqabbeenle iyo carar been ah samayn. Baqabeenlaynta lama baacsadee beerkaa dhulka loo dhigaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqabbeenlayn
(Baqabbeenlayn-ta)
Baqabbeenle samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqabbeenlayn
m.f.dh baqabbeenlee. la-mid: baqabeen, baqabeenle, baqabbeeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlay
(fal) wax baqaya oo cararaya iska dhig. Baqabeenlay oo cadawga jebi. Dh: baqabbeenlee, dhabarjebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlays
-ka: (magic, lab, keli) baqabeenlayn iyo baxsi been ah. Baqabeenlays colku col daba orod oo la dubay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlee
(fal) wax baqanaya oo dib u gurasho samaynaya iska dhig. Adoo xeelad dagaal u jeeda bagabeenlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeeno
-da: (magac, dhedig, keli) xeelad dagaal oo inta wax dib u guranaya la iska dhigo haddana lasoo laba kacleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqabbeenle
(Baqabbeenla-ha)
Baqasho aan run ahayn; tab tabaha dagaalka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqabbeenle
m.l Baqe xeeldagaal ah oo cadow lagu dago. la-mid: baqabbeenlayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqabbeenle
m. n., [compound] tactical retreat, feigned retreat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqabbeenle
-baqabbeenlaha: (n) a planned withdrawal or retreat; false or tactical retreat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabbeenle
-ha: (magic, lab, keli) baqasho been ah oo tab dagaal ah; sidii iyada oo la baqday loo cararo, dabadeed cadawga si xeeladaysan loola dagallaamo ama looga faa'iidaysto, dibugurasho xeeleed. Dh: dhabarjebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqabbeenle
de: tactical retreat, feigned retreat
lx: baqabbeenle
pd: (/ha)
ps: n6-m-cmp
key: baqabbeenle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqabbeenlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Baqabbeenle sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqabbeenlee
v. fake a retreat in combat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqabbeenlee
de: fake a retreat in combat
lx: baqabbeenlee
pd: (baqabbeenleeyey)
ps: v2b=
key: baqabbeenlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la islaha xumayn; cid kale aflegaadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacadlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq bannaan ah wax ku iibin. Hooyaday bacadlayn bay shaqada ka soo billawday. Dh: wadhataysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa laga maagayo oo dadka hortii la falo si inta kale ay ugu dhiirrato. Dh: balaalaxayn, biimayn. balaambal -ka: (magac, lab, keli) carcaraaf iyo saxaariir dhib badan. Dh: balanbal, balambal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaslayn
m.f.dh eeg balaslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod kadlayn ah oo joogsi la'aan ah socosho. Nin balaayo waddo balaslayn ma daayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalayn
m.f.dh eeg balbalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barafle noqosho; baraf gadid. Baraflaynta dad badan baa ka faa'iiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyayn
m.f.dh eeg laqanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laqanyo ku ridid; liidaanyayn; ladaadyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qabac' samayn oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waran ku dagaallamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababa'layn
-ta: (magac, dhedig, keli) si qardajeex ah oo hubsiimo lahayn u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbacayn
(Baabbacayn-ta)
(geel) orod cagaha dhulka lala dhaco; durdurin; ku tumasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbacayn
m.f.dh eeg baabbacee. la-mid: baabbacays, baabbaco (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, dhereg aawadii la ordid oo cagaha dhulka la dhicid. Baabbacayn geel baa ku jaba. Dh: durdurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan gudihiisa wax ba ku jirin ama madhay ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laxda oo codka 'bacaac' ku celcelisa. Bacaaclaynta laxda meel fog baa laga maqlayaa. Dh: macaaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacbaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadha 'bacbac' soo celcelin. Waa sangadh ka yeedha wax la isku gaaracayo ama la isku dhufanayo sida sacabbada. Bacbaclaynta sacabkiyo, qosolkiinnu badanaa, birqaankiinnu muu jabin?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahbahlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan faa'iido lahayn la imasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka ay sameeyaan qaraxyo isdabajoog ahi. Bambamlaynta boobaha Allow na baal mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqabbeeno
m.dh la-mid: baqabbeenlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqabbeeno
f. n. fake retreat, feigned withdrawal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqabbeeno
de: fake retreat, feigned withdrawal
lx: baqabbeeno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: baqabbeeno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbaslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) balasbalaslayn oo kolba dhinac u roorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soo buqashada dareere ka soo burqanaya meel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabqablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab iyo wax la mid ah qabqabta hayn oo iska dabadhicid. Gaadhiga faaruqnimada ayaa qabqablaynta ugu wacan.
qabqablayn -ta: (magac, dhedig, keli) qabqable iska dhigid oo jiidhjiidh iyo arbush wadid. Qabqablayn wax laguma helee qun yar soco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniinlayn
vl. n. disinfecting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaniinlayn
de: disinfecting
lx: qaniinlayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qaniinlayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuun ku maydhid. Dh: saabuunays.
saabuunayn -ta: (magac, dhedig, keli) Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh. saabuunays -ka: (magac, lab, keli) saabuunayn. saabuunayti -da: (magac, dhedig, keli) noocyada miinada mid ka mid ah oo saabuunta adagee dharka u eg. Saabuunti bay ahayd wixii saaka baabuurka ku qarxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mar qudha wada dhaqaaqid; kol keli ah wada ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalaxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere shubnaya shanqarta ka baxda oo soo noqnoqda. Balalaxlaynta biyaha waxaraha oomman yaanay ku qamaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadha sidii wax baadad leh oo kolba dhinac u duulaya samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si xidhiidh ah biyo lugaha ula dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batataqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan, soo daadanaya sida shuurada shanqadha uu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeelsan
(tilmaame) dheri u baahan in biyo lagu daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacanlayn
(Labacanlayn-ta)
Si labacanle ah wax u cunid, u boobid; xagga iyo xaggaba ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanlayn
m.f.dh eeg labacanlee. la-mid: labacanlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacanlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labada can ba wax ku cunid oo aad u boobid oo dhinac walba ku calalin. Dh: labacanlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin xadhigga iyo waxa uu ku xidhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxyeellayn
(Waxyeellayn-ta)
Waxyeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeellayn
m.f.dh eeg waxyeellee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyeellayn
-ta: (n) damage (dhaa-mij); impairment (im-peer-ment); injury (in-jari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeellayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibaato u geysasho. Jaarkaaga waxyeellaynta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhbadhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhadhaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashbashlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bashbashta kurbashada iyo kadaalinta ka dhalata. Bashbashlayn iyo baqdin badanaa fule.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta shanqadha socodka bagafbagafta ah. Bagafbagaflaynta haysaye, berri baynnu eegnaa, keennii ka soo baxa, baylahdii la noo diray!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqbalaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha dareeruhu sameeyo marka uu si googo'a uga daadanayo weelkii uu ku jirey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasbalaslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof si balasbalas ah u socda ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqabbeelitaan
-ka: (magac, lad, keli) eeg haqabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasabbaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, been ku maaweelin; waxaan jirin ku meermeerin. Baasabbaasaynta hadalkiyo, been baad ku waasheen, bilistiyo carruurtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo meel si ciriiri ah uga soo baxaya shanqadha uu sameeyo oo is dabajoog ah. Badhadhaqlayn badanaa ma danbar geel buu dhamay! Dh: badhbadhlayn, baqbaqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaseegtayn
(Sarmaseegtayn-ta)
Si sarmaseegto leh wax u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegtayn
m.f.dh eeg sarmaseegtee. la-mid: surmaseegtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseegtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si sarmaseegto leh u goyn.