bandiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandiiro
m.dh la-mid: bandiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandiiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bandiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banbiiro
(Banbiira-da)
Ramal; Cinjir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banbiiro
f. n. rubber, elastic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banbiiro
-banbiirada: (n) material made from soft plastic bambiiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbiiro
-da: (magac, dhedig, keli) walax ka samaysan laastiig. Tirtiraha qalinqorigu waxa uu ka samaysanyahay banbiiro. Dh: rabadh, rabar, ramal, caag, cinjir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banbiiro
de: rubber, elastic
lx: banbiiro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: cinjir, ramal
key: banbiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bandiirad
(Bandiirad-da)
Calan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandiirad
m.dh (-do, m.l) Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. la-mid: bandiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bandiirad
m.dh (-do, m.l) Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. la-mid: bandiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandiirad
f. n. flag, banner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bandiirad
-da: (n) flag (falaag) calan. Ex: bandiiradda qaranka; the national flag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandiirad
-da: (magac, dhedig, keli) maro astaan u ah waddan. Dh: calan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bandiirad
de: flag, banner
lx: bandiirad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: calan {It}
key: bandiirad
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bandire
v.intr. - ogeysiin rasmi ah; musaafirin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bandito
s.m. burcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basiiro
-da: (magac, dhedig, keli) nafaqadarro iyo busaarad qof ay ka muuqato oo tabaale qaba. Basiiro ninkii ay heshaa baahi kici waayey. Dh: bisaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiir
qandiir¹: m.l Wax kulkoodu yaryahay.
qandiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax in yar kululaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandiir
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax in yar kululaansho. m.f.dh, qandiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandiir
m. n., [abstract] lukewarmness, tepidity
qandiir [inchoative] v. grow lukewarm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandiir
-ka: (magac, lab, keli) wax kulkoodu yaryahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambiiro
m.dh 1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. la-mid: ambiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bambiiro
m.dh 1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. la-mid: ambiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bambiiro
f. n. gum, resin, rubber; soft plastic; balloon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bambiiro
-bambiirada: (n) material made from soft plastic ~ bambiiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambiiro
-da: (magac, dhedig, keli) rabadh cinjir ama caag ah. Dh: banbiiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bambiiro
a: ambiiro
de: gum, resin, rubber; soft plastic; balloon
lx: bambiiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bambiiro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bandiéra
s.f. - calan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn. m.f.dh, qandiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandiiri
v. make lukewarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandiiri
-yey / say: (v) make warm, tepid (tapidh) or lukewarm ~ qandici
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandiiri
(fal) wax in yar kululayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandiiri
de: make lukewarm
lx: qandiiri
pd: (qandiiriyey)
ps: v2a=tr
syn: qandici
key: qandiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjiiro
m.dh Qandhuufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjiiro
f. n. pinch, painful nip
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjiiro
a: qanjiidho
de: pinch, painful nip
lx: qanjiiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qanjiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansiino
m.dh la-mid: baansiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandiir_1
de: lukewarmness, tepidity
hm: 1
lx: qandiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
syn: qandac
key: qandiir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandiir_2
de: grow lukewarm
hm: 2
lx: qandiir
pd: (qandiiray)
ps: v1=inch
key: qandiir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiirid
m.f.dh eeg qandiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiirin
m.f.dh eeg qandiiri.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bando
s.m. - faafin dawladeed oo qoraal ah; naado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biiro
(Biira-da)
Wax ka kooban waxyaalo laysku dardaray oo la biiriyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiro
m.dh Cunto, lacag iyo wixi lamida oo in yarba meel laga keenay si loo siyo cid baahan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biiro
m.dh Cunto, lacag iyo wixi lamida oo in yarba meel laga keenay si loo siyo cid baahan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biiro
f. n. accumulation, collection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiro
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheeri ah.
biiro -da: (magac, dhedig, keli) xoolo dad kala duwan laga soo guray si cid baahi gaar ah qabta loogu caawiyo. Reerka baradii ka gubatay biiro ha loo guro. Dh: qaaraan, baaho, xirsi, qaraamaad, dhawrto, qaadhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biiro
de: accumulation, collection
lx: biiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: biiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiro
dįiro: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qobka ka fuqsasho, Tusaale: Mooskii baan diirtay. m.f.dh, dįirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiro
v. skin, peel, strip something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiro
(fal) diirka ka qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiro
de: skin, peel, strip s.t. for oneself
lx: diiro
pd: (diirtay)
ps: v3a=tr
key: diiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badiil
m.l (-llo, m.dh) Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. la-mid: badeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badiil
m.l (-llo, m.dh) Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. la-mid: badeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badiil
m. n. shovel; spade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badiil
-ka: (n) shovel (sha-val); spade (ispeeydh)~ majarafad, manjarafad, badeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badiil
-ka: (magac, lab, keli) wax la tuurayo ama laga maarmayo waxa meeshiisa gala ee beddelkiisa la qaato. Dh: beddel.
badiil -ka: (magac, lab, keli) eeg badeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badiil
a: badeel {It}
de: shovel; spade
lx: badiil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: badiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badxir
(Badxir-ka)
Xilliga baddu kacsan tahay oo waxa shiraaca ku dhoofa ay ka xiran tahay; (ama badxiran).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badxir
m.l Xilliga baddu kacsantahay oo ayan dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. la-mid: badxidhan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badxir
m.l Xilliga baddu kacsantahay oo ayan dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. la-mid: badxidhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badxir
m. n., [compound] dam
badxir m. n. season of the southeast monsoon when the sea is very rough and not favorable for sail boat navigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badxir
-ka: (magac, lab, keli) xilli ay baddu kacsan tahay oo doonyaha iyo huudhiyada yaryari aanay mari karin. Xilliga badxirka maraakiibtaa la raacaa. Dh: badxidh. Li: badfuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandar
m.l la-mid: bender.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandar
m. n. coastal city, port town
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bandar
-ka: (n) port city; port (port); harbor (haar ber) ~ furdo, dekad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandar
-ka: (magac, lab, keli) magaalo ama meel aan miyi ahayn. Dh: magaalo. Li: baadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bandar
bw: Arabic
de: coastal city, port town
lx: bandar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: bender
key: bandar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bander
bander, v. - lagu duubo faashad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bandit
/baandhit/bandits; (n) burcad hubaysan (dadka xoog wax ku dhaca)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bandit
/baandit/ (n) shufty, tuug.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bandit
bandit, n.m. - Budhcad dadka xoog wax ku dhaca; qof ka mid ah dad budhcad ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bandit
n., (highwayman) daalin, -ki, daalin bilad, -ki, saruq, -i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandoo
m.l la-mid: bandow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandoo
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad amnixumo ba awgeed, dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka la joojiyo saacado go'an. Dh: xayiraad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bannir
bannir, v. - Masaafurin; Dal dibadda looga saaro;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariir
m.dh la-mid: biriir.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bariir
name-m faithful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariir
-ka: (magac, lab, keli) calaamo ama bar cad oo neefka wejiga kaga taal; galaal neefka wejigiisa ku taal.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bondir
bondir, V. - Boodis: Boodid; ka dul boodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiir
(Gadiir-ka)
Kalluunka badda mid kamid ah (ama gediir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiir
m.l Nooc ka mid ah kalluunka badda. la-mid: gediir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiir
m. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiir
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Gadiir iyo galaaciif ba maanta waan soo buuxsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadiir
a: gediir
de: fish sp.
lx: gadiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gadiir
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nadiir
Nadir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nadiir
name-m consecrated to God, rare, precious and unique
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WANIIR
(Wanir) N Corchorus depressus (L)C.Chr. Tiliaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xadiir
présent.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambiiro
m.dh la-mid: bambiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ambiiro
f. n. rubber; soft plastic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambiiro
-da: (magac, dhedig, keli) walax cinjir ka samaysan oo isticmaallo kala duwan gasha. Dh: bambiiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ambiiro
de: rubber; soft plastic
lx: ambiiro
pd: (/da)
ps: n6-f
see: bambiiro
key: ambiiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadino
(tilmaame) bad deggan; bad fadhida oo aan kacsanayn. Baadino ayay ahayd baddu maanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badyaro
(Badyara-da)
Bad yar oo badweynta ka dillaacda; bad aan weyneyn oo dhul ku wareegsan yahay; gacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badyaro
m.dh (-ooyin, m.l) Bad yar oo badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida; gacan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badyaro
m.dh (-ooyin, m.l) Bad yar oo badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida; gacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badyaro
f. n., [compound] lake; gulf