bandharqoole
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BANDHARQOOLE
(Bandargole) C Psilotrichum amplum Suesseng Amaranthaceae.
Kickxia heterophylla (Schousboe) Dandy. Scrophulariaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baldhoole
(Baldhoola-ha)
Jaad cawska ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baldhoole
m.l.u Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baldhoole
m.l.u Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baldhoole
m. n., [collective] grass species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BALDHOOLE
Tetrapogon tenellus 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALDHOOLE
(Baldole) S Afrotrichloris hyaloptera Clayton. Gramineae.
N Brachiaria ovalis Stapf. Gramineae.
N Chloris roxburghiana Schult. Gramineae.
N Digitaria pennata (Hochst.)T.Cooke. Gramineae.
N Echinochloa colona (L) Linke. Gramineae.
N Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Leptochloa obtusiflora Hochst. Gramineae.
N Brachiaria obtusiflora (A.Rich.)Stapf. Gramineae.
S Aristida adscensions L. Gramineae.
N Enneapogon scaber Lehm. Gramineae.
C Aristida sieberiana Trin. Gramineae.
C,S Panicum coloratum L. Gramineae.
N Panicum maximum Jacq. Gramineae.
N Rhynchelytrum repens (Willd)C.E. Hubb. Gramineae.
C Tetrapogon tenellus (Roxb) Chiov. Gramineae.
N Tricholaena teneriffae (L.F.)Link. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baldhoole
-ha: (magac, lab, keli) geed cawsaad ka baxa bannaanada iyo dooxada hareeraheeda. Wuxuu leeyahay alool dhaadheer oo agabka guryaha laga sameeyo. Caleentiisu marka ay soo baxayso way isku duuban tahay marka danbana caws ahaan bay u kala dillaacdaa. Hawd iyo bannaanoo, maadhiyo baldhooluhu, baarka isku sooheen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baldhoole
cf: caws
de: grass sp.
lx: baldhoole
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: baldhoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhoole
-ha: (magac, lab, keli) neef candhada dhibaato ka gaadhay oo candhabeelay ama hawlgabtay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barbaroole
Parallelogram
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarroole
-ha: (magac, lab, keli) afargeesle labadiisa dhinac ee iska soo horjeediba ay isle'g yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bankaqooq
-a: (magac, lab, keli) awr cidlo ka qooqa isagoon geel arag. Awr bankaqooq ah oo baadiya ayaa bartan lagu sheegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bankaroor
-ka: (magac, lab, keli) cabsi badan dareemid oo baydadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhable
m.l Gun, sal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhable
-ha: (magac, lab, keli) noolaha naasleyda ah.
candhable-ha: (magac, lab, keli) inta ay candhadu ku fadhido ama xubnaha caanaha la xidhiidha ee naasleyda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandhagle
-ha: (magac, lab, keli) si ciyaayir ah oo inta fardhexada iyo suulka si xoog leh loo gano qof kale sanka carjawdiisa lagaga dhufto.
sandhagle-ha: (magac, lab, keli) laxda toojada ah ee aan istaagin marka la maalayo ul yar oo sanka lagala dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqooble
-ha: (magac, lab, keli) magac guud oo ay gammaanku leeyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalhoose
m.l.u la-mid: bahalhoosaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalhoose
-ha: (magac, lab, keli) eeg bahalhoosaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bankaroori
(fal) cabsi badan cid kale, ku abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bankarroor
bankarroor¹: m.l.kh 1. B. ah: qof fulannimo dheeraad ah ku sifoobay. 2. B. ah: cabsi badan oo cidi dareento.
bankarroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi badan dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bankarroor
m.l.kh 1. B. ah: qof fulannimo dheeraad ah ku sifoobay. 2. B. ah: cabsi badan oo cidi dareento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqaale
-ha: (magac, lab, keli) aalasonkorku inta aanu bislaan ee biyuhu ku badan yihiin dhadhankiisa. Waxaad soo guratay bashaqaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhaaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Si candhaaq ah u fadhiisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhaaqso
v. sit and do nothing; sit on the ground in an unseemly manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaaqso
(fal) fadhi xun fariiso. Dh: barraaqso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candhaaqso
de: sit and do nothing; sit on the ground in an unseemly manner
lx: candhaaqso
pd: (candhaaqsaday)
ps: v3a=intr
key: candhaaqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibadaboole
m.dh (-layaal, m.l/dh) Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. la-mid: ibadaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadaboole
-ha: (magac, lab, keli) cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. Dh: ibadaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) khasaka wax la isku dirqiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqle
-ha: (magac, lab, keli) cidda shanqadha badhadhaq sameysa ama ka soo baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bankarroori
f.g2 (-iyay, -isay) Cabsi badan cid ku abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhowtoole
(falkaabe) milay dhow oo soo socda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandaraasle
-qandaraaslaha: (n) contractor (kon-tarak-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddeertoole
(falkaabe) eeg haddeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandharaareede
-ha: (magac, lab, keli) wax aan madmadaw iyo qarqarini ku jirin oo cid walba og tahay. Waa bandharaareede xoolahaaga dhacso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhuurqoofal
-ka: (magac, lab, keli) geed godax qarqaroofsan leh oo marka la agmarayo wax qabsada. Qandhuurqoofal ayaa go'ii iga qabsaday.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-FARQOOLE
(Os-fagole) S Dactyloctenium aristatum Link. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafirqooni
m.dh la-mid: indhafirqoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandharaariye
-ha: (magac, lab, keli) eeg mandharaari.
mandharaariye -ha: (magac, lab, keli) qof wax kala tashiila ama yaryareeya. Li: musrif, matashiile.