ballan dhigo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballan dhigo
-ballan dhigtay/ballan dhigatay: (v) make an appointment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof ballan la dhigasho, la yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballandhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof ballan la dhigasho, la yeelasho. m.f.dh, ballandhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballandhigo
v., [compound] make an appointment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandhigo
(fal) ballan aad ku xisaabtanto samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballandhigo
de: make an appointment
lx: ballandhigo
pd: (ballandhigtay)
ps: v3b=cmp
key: ballandhigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandhigad
m.l la-mid: ballandhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandhigad
-ka: (magac, lab, keli) heshiis wada gelid; ballan ku heshiin. Dh: ballandhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandhigasho
m.f.dh eeg ballandhigo. la-mid: ballandhigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ballandhigad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaadhi
v. widen, broaden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaadhi
yey / say: (v) expand (ikispaandh); widen (waaydhen); make wide ballaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhi
(fal) ka yeel wax fidsan. Innoo ballaadhi gogosha. Dh: fidi, ballaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaadhi
a: ballaari
de: widen, broaden
lx: ballaadhi
pd: (ballaadhiyey)
ps: v2a=
key: ballaadhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax ballaadhan oo kala baxsan. Ballaadhin baa lagu sameeyey waddada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhis
-ka: (magac, lab, keli) wax kala baxsan ka dhigid. Dh: ballaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballandarro
(Ballandarra-da)
Ballan fulin la'aan; axdi-darro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandarro
m.dh la-mid: ballandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballandarro
f. n. failure to fulfill a promise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballandarro
-ballandarrada: (n) unreliability (an·ri·laayabiliti); untrustworthiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandarro
-da: (magac, dhedig, keli) ballan fulin la'aan; oofin la'aan heshiis. Dh: axdifur, ballanjebin. Li: ballanfulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballandarro
de: failure to fulfill a promise
lx: ballandarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ballandarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babacdhig
babacdhig¹: m.l la-mid: babacdhigid.
babacdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: cid, wax dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babacdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: cid, wax dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid. m.f.dh, babacdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babacdhig
(fal) «u» iska caabbi; u jilibdhig. U babacdhig dhib kaste oo ku soo mara. Dh: difaac jilibdhig, horjoogso.
babacdhig -ga: (magac, lab, keli) «u iska caabbinta iyo u jilibdhigga col ama hawl adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala fidin oo wax ballaadhan ka dhigid. Dh: ballaadhin, fidin. Li: laalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagadhigo
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iyo wixi lamida dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagadhigo
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iyo wixi lamida dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid. m.f.dh, cagadhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagadhigo
(fal) is deji; miyir u soco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadho
-ha: (magacwadareed) 'xisaab' urur baro ah oo ka kooban bar xariiq ku taalla iyo dhaamaanba bara dhinac ka xiga oo ku yaalla xariiqda.
fallaadho-ha: (magacwadareed) fallaadho birtu qalloocin karin oo dhex mara walxaha ilaysku ka gudbi karin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaba dhig
(expression) suppose (sapoows) ~ kasoo qaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala-dhig
-ay / tay: (v) take apart; dismantle (dis-maantel); disassemble (dis sambal)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaadhan
der. [adjective] wide, broad, spacious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaadhan
(adj) wide (waay dh); broad (baroodh) ~ ballaaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhan
(tilmaame) wax kala fidsan; wax kala durugsan oo ballac leh. Dhul ballaadhan ayaa la dejiyey qoxootigii. Li: dhuuban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaadhan
a: ballaaran {N}
de: wide, broad, spacious
lx: ballaadhan
ps: adj-der
key: ballaadhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) firkisashada wax duubnaa ama koobnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ballansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afaaf bannaan ka dhigasho oo haawanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaysimo
m.dh la-mid: ballayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaysimo
f. n. first person to see ~ visit a newborn baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysimo
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo afartanbaxay gardaadintiisa. Ballaysimo baahideed barbaaar looma nago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaysimo
a: ballaysin (ka)
de: first person to see ~ visit a newborn baby (it is believed that the baby will have a character like the first person who visits)
lx: ballaysimo
pd: (/da)
ps: n-f
key: ballaysimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran oo kiciddu ku adagtahay u fadhiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahardaad u fadhiisi. Balwaadhis baad u fadhidaa sarakacoo kaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhig
f.lg1 (-gay, -gtay) Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iyo wixi lamida isu eegid. la-mid: isbarbardhig².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbardhig
f.lg1 (-gay, -gtay) Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iyo wixi lamida isu eegid. m.f.dh, barbardhigid. la-mid: isbarbardhig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbardhig
v., [compound] put side by side, compare (one thing to another)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbardhig
-ay / tay: (n) 1. place or put aside ~ dhinacdhig. 2. compare (kom-peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhig
-ga: (magac, lab, keli) «is ~ kolka laba walxood ama laba noole la is garab dhigo, si loo ogaado waxa ay is dheeryihiin. Barbardhigga labada buug sax ma ahayn.
barbardhig: (fal) labo walxood is garabdhig, labada dhinac isu saar. Barbardhig dhiilka haanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbardhig
de: put side by side, compare (one thing to another)
lx: barbardhig
pd: (barbardhigay)
ps: v1=cmp
key: barbardhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calladhiye
-ha: (magac, lab, keli) geed nagaadheed udgoon oo meelaha barrimada ka baxa xooluhuna daaqaan, dumarku na u adeegsadaan isbilidda iyo udgoonaynta subagga la shiilayo. Dh: callaydhshe, geedxamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawadhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Daawayeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawadhigo
v., [compound] get a prescription ~ medical treatment
daawadhigo v., [compound] reach an agreement, make a peace treaty with
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawadhigo
(fal) wax quruxbadan aad u daawo oo isha la raac. Daa'uusku daawadhigo oo aragtidiisa ka bogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afeef dhigo
v., [compound] make an excuse, justify
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ballac liid
Band Width
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan ballan lahayn ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballandaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan ballan lahayn ahaansho (qof). m.f.dh, ballandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballandaran
der. [adjective] unreliable, not keeping one's word ~ promise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballandaran
(adj) unreliable (an ri-laayabal); untrustworthy; dishonest; breaking a promise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballandaran
de: unreliable, not keeping one's word ~ promise
lx: ballandaran
pd: (ballandarnaa)
ps: adj-der
key: ballandaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandarri
m.dh la-mid: ballandarnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballandarri
m.dh eeg ballandaran. la-mid: ballandarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandarri
-da: (magac, dhedig, keli) axdiga oo la jebiyo ama laga baaqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanfulin
-ta: (magac, dhedig, keli) ballan oofin oo sidii ay ahayd uga soo bixid. Mu'minka ballanfulin ayaa lagu yaqaan. Dh: ballanoofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanfurid
(Ballanfurid-da)
Ballan la dhigtay ka bixid; ballanbaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanfurid
m.f.dh eeg ballanfur². la-mid: ballanfur¹, ballabfuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanfuryo
(Ballanfurya-da)
Ballanfur; ballan ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanfuryo
m.dh la-mid: ballanfurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballanfuryo
vl. n., [compound] breach of promise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballanfuryo
-ballanfuryada: (n) an act or instance of breaking or failing to fulfill a duty, obligation, or promise; breach (biriij) wacadfuryo; ka bixidballan. -Syn: infraction, violation, transgression, trespass, infringement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanfuryo
-da: (magac, dhedig, keli) ballan la dhigtay ka bixid. Dh: ballanfur, ballanjebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballanfuryo
de: breach of promise
lx: ballanfuryo
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: ballanfuryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballangelid
m.f.dh la-mid: ballanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid axdi la gelid oo wax kula ballamid. Dad isku kalsoon ayay ballangeliddu ku fiican tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ballan-baajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ballan la dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaydhiye
-ha: (magac, lab, keli) geednagaadh bixiya caleemo yaryar oo aad u caraf badan oo dhulka kulaylaha ah ka baxa.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Kala dhigan
Kala dhigma. Xubin-xubin u kala furma, kala wada furmi kara. Aan isku sugnayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala dhigid
Distribution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanfuliye
-ha: (magac, lab, keli) qofka ballanta uu galo siday ahayd uga soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaandhilo
m.l Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo'da iyo wixi lamida korkooda ku yaal oo yaryar.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ball-handling
hanashada kubbadda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaqnaansho
m.l/dh la-mid: ballaqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqnaansho
-ha: (magac, lab, keli) ahaanta wax af bannaan oo haawanaya oo aan xidhnayn. Ballaqnaanshaha daqaadaha ka dhaafa oo xira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabka u dhigo
v. take responsibility of someone ~ for something