ereyga

baktiyow

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baktiyow

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhtiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abtiyow

DHAFANDHAAF
1

abtiyow¹: m.l Soo bixidda gabar qaangaartay naasku u soo baxo. Tusaale: “Naas abtiyow ayaa u soo baxay”.

2

abtiyow²: f.mg1 (-obay, -owday) Gabar qaangaartay naas ka soo bixid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abtiyow

DHAFANDHAAF
1

(fal) abti noqo.

2

abtiyow: (fal) naaska gabadh yar, soo bax oo muuqo.

3

abtiyow-ga: (magac, lab, keli) soo bixista naaska gabadh yar oo koraysa, welina aan qaangaadhin.

4

abtiyow-ga: (magac, lab, keli) gabadh qaangaadhay oo naaska u soo baxa. Leyla abtiyow ayaa u soo baxay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baadiyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Baadi noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baadiyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Baadi noqosho. m.f.dh, baadiyoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baadiyow

DHAFANDHAAF
1

(fal) 'xoolo' noqo haadi uo cid kale raac. Baraarkii labaa baadiyoobay Dh: lun, hallaw

2

baadiyow: (fal) baadiye noqo, reer miyi noco.

3

baadiyow: (fal) dawga hanuunka ka leexo; xaqa iyo caddaaladda ka leexo; dhaqanka iyo usluubta hallee. Dh: lun, hallaw. habaw

4

baadiyow -ga: (mogac, lab, keli) baadiye noqosho reer miyi iska dhigid ama ahaansho.

5

baadiyow -ga: (magac, lab, keli) xoolo la ilaalinayay on luna.

6

baadiyow -ga: (magac, lab, keli) iilashada qof ka baydha xaqa iyo caddaaladca: qof dhaqanka iyo asluubtu ka lumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baaliyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Baali noqosho (naag).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bąaliyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax duug ah noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baaliyow

DHAFANDHAAF

bąaliyow: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax duug ah noqosho. m.f.dh, bąaliyoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baaliyow

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) noqoshada wax baali ah. Baaliyowga ka dhawro dharkaaga.

2

baaliyow: (fal) noqo wax gaboobay. Haddaad baaliyowda na, birtaney kuma daayo. Dh: duugow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hantiyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) U h.: wax uu qof leeyahay noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hantiyow

DHAFANDHAAF

inch. v. become an asset ~ possession; become the property (of someone)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hantiyow

DHAFANDHAAF
1

a: hantiyoob

2

de: become an asset ~ possession; become the property (of s.o.) (with preposition u)

3

lx: hantiyow

4

nt: hantiyoobid (da) [vn-f], hantiyow (ga) [vn-m]

5

pd: (hantiyoobay)

6

ps: v1=inch

7

key: hantiyow

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiyid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: baqtiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiyid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) noole gaar ahaan xoolaha naftu ka baxdo isaga oo aan la biraynin. Dh: dhimasho, baqtiyid.

2

bakhtiyid -da: (magac, dhedig, keli) demidda dab iyo wax la mid ah oo shidan. Nalka bakhtiyidda ka ilaali. Dh: demid, baqtiyid. Li: hurid, shidmid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakow

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) bir la tumay oo af wax gooya ama turqa leh oo samay la qabsado leh. Bakowyada intay looshadaan, beri ma doontaane. Dh: waran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biyow

DHAFANDHAAF
1

biyow¹: m.l la-mid: biyoobid.

2

biyow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax biyuhu ka bateen noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

biyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax biyuhu ka bateen noqosho. m.f.dh, biyoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biyow

DHAFANDHAAF
1

(fal) sida biyaha oo kale nogo. Barafki wuu biyoobay Dh: milmo, milan.

2

biyow-ga: (magac, lab, keli) dhawaaq uu ku dheeraysan jirey biyoolaha, isagoo ugu baaqaya dadka biyaha inay iibsadaan u baahan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

bakhtiy

DHAFANDHAAF

v. die

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bartiro

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax is ku nooc ama hal jinsi ah, wax ka duwan oo ku soo biira.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

battito

DHAFANDHAAF

s.m. - garaacid (wadnaha).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Caliyow

DHAFANDHAAF

name-m exalted, high, lofty. Cf: Cali

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aakhirow

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg aakhir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakaarow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Badar, wax duug ah noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqtiyid

DHAFANDHAAF
1

(Baqtiyid-da)

2

(xoolo) iyadoo aan la birayn dhimasho; geeryoomid; (ama bakhtiyid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baqti². la-mid: bakhtiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) neef isaga oon la biraynin dhinta oo cadkiisu noqdo xaaraan. Baqtiyidda ka ilaali laxda bugta. Dh: bakhtiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

basiirow

DHAFANDHAAF

(fal) qof basiiro hayso noqo, nafaqadarro iyo tabaale ha kaa muuqdaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caasiyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caasiyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho. m.f.dh, caasiyoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caasiyow

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof amardiid ah noqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaatirow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaatir noqosho. la-mid: gaaturow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gaatirow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaatir noqosho. m.f.dh, gaatiroobid. la-mid: gaaturow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaatirow

DHAFANDHAAF
1

(fal) meel adag oo qallafsan nogo.

2

gaatirow-ga: (magac, lab, keli) wax markii hore jilicsanaa oo adayg noqda. Dh: gaatiroobid, qallafid, adkaasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaaliyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qaali noqosho. la-mid: qaalow. eeg qaalmarrogo. la-mid: qaalaamarrogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qaaliyow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qaali noqosho. m.f.dh, qaaliyoobid. la-mid: qaalow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaaliyow

DHAFANDHAAF

(fal) eeg qaaliyaw

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

raadiyow

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: raadiye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

raadiyow

DHAFANDHAAF

m. n. radio

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

raadiyow

DHAFANDHAAF

-ga: (n) radio (reed-yoo) ~ raadye

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

raadiyow

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg raadiye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

raadiyow

DHAFANDHAAF
1

de: radio Alt sp: raadiyo (/ha), raadyo (/ha) {N < Eng}

2

lx: raadiyow

3

pd: (-ga)

4

ps: n2a-m

5

key: raadiyow

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

bakteeriyo

DHAFANDHAAF

-bakteeriyada: (n) bacteria (baak teeriya); plural of bacterium ~ bagteeriya

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakteeriyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ilimaqabatay ku dhex nool hawada oo ku tarma meelaha qoyan iyo nadaafad la'aanta oo dhib iyo dheef ba leh. Bakhitaga bakteeriyaa gashay. Dh: bakhtitire.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bartiikhow

DHAFANDHAAF

(fal) sida bartiikha u ekow. Inankii intuu buurtay buu bartiikhoobay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biyabbiyow

DHAFANDHAAF
1

biyabbiyow¹: m.l Ku daridda badar lagu daro biya ka bateen noqosho. la-mid: biyabbiyoobid.

2

biyabbiyow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax biyo ka bateen noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

biyabbiyow

DHAFANDHAAF
1

biyabbiyow¹: m.l Ku daridda badar lagu daro biya ka bateen noqosho.

2

biyabbiyow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax biyo ka bateen noqosho. m.f.dh, biyabbiyoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baarrimow

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qofka afmaalka ah ee hadalka yagaan. Samatar waa nin baarrimow ah

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baatulnow

DHAFANDHAAF

(fal) wax baatulan; nogo wax aan la tashilin. Li: tashilnow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhticun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cunitaan aan waxba ka xaaraan ahayn. Bakhticun beerka xaydha leh bartay bilaasha laguma karo. Dh: boolicun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiiji

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: baqtii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiiso

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) 'dugaag' noole, gaar ahaan neef xoola ah dilo. Sidii haramcad lax bakhtiisatoo xuuxda kugu haysa. Dh: baqtiiso.

2

bakhtiiso -da: (magac, dhedig, keli) dab, tiriig ama nal shidan ama baxaya madoobayso. Bakhtiiso nalkoo barbarka midig u seexo. Dh: denso, baqtiiso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiiye

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) demiyeha nalka ee deribyada lagu rakibo oo kale. Dh: demiye.

2

bakhtiqale -ha: (magac, lab, keli) qof nin dhintay middiyo la dhaca oo gawraca. Islaamku bakhti qale wuu fogeeyey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiquf

DHAFANDHAAF
1

bakhtiquf¹: m.l la-mid: baqtiquf¹.

2

bakhtiquf²: f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: baqtiquf².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

batiikhow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Sida batiikha u bislaasho (gabar).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

batiikhow

DHAFANDHAAF

(fal) sida batiikha u buurraw. Waad buurnaataye batiikhow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biriiryow

DHAFANDHAAF
1

biriiryow¹: m.l la-mid: biriiryaabid.

2

biriiryow²: f.mg1 (-yaabay, -yowday; -yaabi) Baraarugid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biriiryow

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) ficil iyo hiilin ay kuu galaan dad aad tolliimo wadaagtaan biriiryowga xigaal iyo hadaad bah iyo ciil waydo.

2

biriiryow: -ga: (magac, lab, keli) weji tubid cadho ama xumaan darteed wejiga loo ururiyo oo loo xumeeyo. Dh: wejitubid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biyabiyow

DHAFANDHAAF
1

(fal) wax aad u jilicsan noqo; biyo oo kale noqo.

2

biyabiyow -ga: (magac, lab, keli) wax aan rasiin ahayn oo jilicsan noqosho. Sharaabku biyabiyowga kuma macaana.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaaliyoow

DHAFANDHAAF
1

(fal) wax qaali ah oo qiimihiisuj sarreeyo noqo. Cuntooy weligaaba qaaliyoow kollay hunguri kaama maarmee. Dh: qaaliyaw. Li: jabnaw rakhiisaw

2

qaaliyoow-ga: (magac, lab, keli) eeg qaaliyoobid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Sakatiyid

DHAFANDHAAF
1

(Sakatiyid-da)

2

Baqdin yari gelid, iska garasho; keyrkeyrid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sakatiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg sakati². la-mid: sakatin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sakatiyid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) joogsi bagdin yari ay sababtay.

2

sakatiyid -da: (magac, dhedig, keli) baqdin yar dareemid; wax ka biqid; kayrkayrid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wakhtiyee

DHAFANDHAAF

(fal) jadwalee oo hawl kasta waqti iyo jaangoyn u samee. Wakhtiyee noloshaada.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtidhawr

DHAFANDHAAF
1

(fal) si dhaxal looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.

2

bakhtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiyahan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof xaaraanta cuniddeeda aan geed ugu gabban; qof caddaystay cunitaanka booliga. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin intii ba'as, bakhtiyahan xalaal neceb iyo booli-quutaha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigowrac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) fal aan fiicnayn oo meydka lagula kaco xilliyada dagaalka sida jarjarid, harag ka siibid iyo wixii la mid ah.

waa la naqliyay ✓