bakteeriafayj
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakteeriafayj
m.l (baai.) Fayras ku dhex nool bakteeriyada. Mid kastaana waxa uu gaar u yahay hal nooc oo bakteeriya ah. Waxa uu si dhaqso ah ugu koraa una baabi'iya unugyada soorihiisa ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baayoloji) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakteeriyo
-bakteeriyada: (n) bacteria (baak teeriya); plural of bacterium ~ bagteeriya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakteeriyo
-da: (magac, dhedig, keli) ilimaqabatay ku dhex nool hawada oo ku tarma meelaha qoyan iyo nadaafad la'aanta oo dhib iyo dheef ba leh. Bakhitaga bakteeriyaa gashay. Dh: bakhtitire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagteeriyo
f. n., [collective] bacteria
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bagteeriyo
-bagteeriyada: (n) bacteria (baak teeriya); plural of bacterium ~ bakteeriya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagteeriyo
de: bacteria {Eng}
lx: bagteeriyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bagteeriyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer'adayg
-ga: (magac, lab, keli)) qalbi adayg, jixinjix darro, naxariis la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareeritaan
-ka: (magac, lab, keli) qarsoodi iyo gabbasho li'i wax u samayn. Dh: badheedhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangeeriyaad
m.l (-dyo, m.dh) Shuban ka yimaadda qofku marka uu dhimanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bangeeriyaad
m.l (-dyo, m.dh) Shuban ka yimaadda qofku marka uu dhimanayo.