bakhtijiidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtijiidid
m.dh la-mid: baqtijiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtijiidis
m.dh la-mid: baqtijiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtijiid
bakhtijiid¹: m.l la-mid: baqtijiid¹.
bakhtijiid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: baqtijiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtijiidid
m.f.dh eeg baqtijiid². la-mid: bakhtijiidid, bakhtijiidis, baqtijiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtijiidis
m.dh la-mid: bakhtijiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhiilid
m.f.dh la-mid: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhiilid
-da: (magac, dhedig, keli) la waakasho oo cid wax u diidid. Siman baykhiilid laguma aqoone maxaa dhacay. Dh: bakhaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiiji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: baqtii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiyid
m.dh la-mid: baqtiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) noole gaar ahaan xoolaha naftu ka baxdo isaga oo aan la biraynin. Dh: dhimasho, baqtiyid.
bakhtiyid -da: (magac, dhedig, keli) demidda dab iyo wax la mid ah oo shidan. Nalka bakhtiyidda ka ilaali. Dh: demid, baqtiyid. Li: hurid, shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtijiid
baqtijiid¹: m.l Qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. la-mid: bakhtijiid¹.
baqtijiid²: f.g1 (-day, -dday) Qof si dhaqanka iyo anshaxa ka baxsan u dilid. la-mid: bakhtijiid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqtijiid
m.l Qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. la-mid: bakhtijiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtihiig
-ga: (magac, lab, keli) ilmo hooyadii oo meyd ah naaskeeda jaqa. Dh: baqtihiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiijin
m.dh la-mid: baqtiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiijis
m.dh la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiisad
-ka: (magac, lab, keli) noole, wax bakhtiyay ka dhigasho. Bakhtiisadka guduudanaha waad ka gaadhi lahayd haddaad ordi lahayd. Dh: baqtiisad.
bakhtiisad -ka: (magac, lab, keli) dab, tiriirg ama nal shidan ama baxaya madoobaysad. Dh: densad, baqtiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhjiidid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog iyo qasab ama baryo iyo dawaro darteed gadhka u jiidid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bahisjiidad
Cohesion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiqalid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay middiyo la dhicid oo gawricid. Bakhtiqaliddu waa fal anshixumo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Dh: baqtidhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiiso
-da: (magac, dhedig, keli) 'dugaag' noole, gaar ahaan neef xoola ah dilo. Sidii haramcad lax bakhtiisatoo xuuxda kugu haysa. Dh: baqtiiso.
bakhtiiso -da: (magac, dhedig, keli) dab, tiriig ama nal shidan ama baxaya madoobayso. Bakhtiiso nalkoo barbarka midig u seexo. Dh: denso, baqtiiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiiye
-ha: (magac, lab, keli) demiyeha nalka ee deribyada lagu rakibo oo kale. Dh: demiye.
bakhtiqale -ha: (magac, lab, keli) qof nin dhintay middiyo la dhaca oo gawraca. Islaamku bakhti qale wuu fogeeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicid
-da: (magac, dhedig, keli) furintaan aad u yar, iftiin tusid uun. Bashiicid yar baa nooga bannaan albaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiidid
m.f.dh hanjiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maljiidid
m.dh la-mid: marjiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjiidid
m.f.dh eeg marjiid². la-mid: maljiid¹, maljiidid, marjiid¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahitirid
m.f.dh eeg baahitir². la-mid: baahitir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitirid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, qof ama koox wax tebaysa oo laga bi'iyo tabashada iyo baahida wax u haysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bah'isjiid
-ka: (magac, lab, keli) isa soo jiidashada ka dhexaysa xaynatamka dareeraha ee qaabka dhibcaha u yeela dareere khafiif iyo dhumuc yar isku darsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiisan
(tilmaame) wax aan noolayn; wax dhintay. Dibigu wuu bakhtiisan yahay.
bakhtiisan: (tilmaame) dab ama wax la mid ah oo aan shidnayn; dab iyo wax la mid oo densan ahaan. Dh: densan. Li: daaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiicmid
m.f.dh eeg bashiican. la-mid: bishiicmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicmid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar furnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagajiidid
m.f.dh eeg cagajiid². la-mid: cagajiid¹ (3), ciddijiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagajiidid
vl. n. walking slowly, dragging one's feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagajiidid
-da: (magac, dhedig, keli) daal aawadii, cagaha dhulka jiidid; firfircooni la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagajiidid
a: ciddijiidid
de: walking slowly, dragging one's feet
lx: cagajiidid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: cagajiidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorijiidid
m.dh la-mid: qoriqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafajiidid
(Tafajiidid-da)
Marada la marsan yahay ama la guntan yahay dacalkeeda hoose dhulka ku jiidid, shullaha dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafajiidid
m.f.dh eeg tafajiid². la-mid: tafajiid¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafajiidid
-da: (magac, dhedig, keli) xaynka ama faraqa, dhulka jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhsiirid
m.f.dh eeg takhsiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddijiidid
(Ciddijiidid-da)
Cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddijiidid
m.dh la-mid: cagajiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddijiidid
-da: (magac, dhedig, keli) socodka ka cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamajiidid
m.f.dh eeg saamajiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Rabbi' ku badbaadinta abuur dhimasho qarka u gaadhay. Bakhati'afuufid uun buu ku baxay neefku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuufid
m.dh la-mid: baqti-afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtigawracid
-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiwareemid
m.dh la-mid: baqtiwareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareemid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay ama nafi ku jirin, meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiggowracid
m.dh la-mid: baqtiggowracid.