ereyga

bakhtiggowracid

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiggowracid

DHAN

m.dh la-mid: baqtiggowracid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiggowrac

DHAFAN
1

bakhtiggowrac¹: m.l la-mid: baqtiggowrac¹.

2

bakhtiggowrac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowracid

DHAFAN

m.f.dh eeg baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracis

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) colaadi dad ay idinka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawrac

DHAFANDHAAF

(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowrac

DHAFANDHAAF
1

baqtiggowrac¹: m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac¹.

2

baqtiggowrac²: f.mg1 (-cay, -cday; -rici) Baqtigowrac ku kicid. la-mid: bakhtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baqtiggowrac

DHAFANDHAAF

m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowricid

DHAFANDHAAF
1

(Baqti-gowricid-da)

2

Baqti-gowrac ku kicid; (ama bakhti-gowricid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowrac

DHAFANDHAAF
1

(Baqti-gowrac-a)

2

Colaadda aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka la gudbo, aan bal dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn. kd.); baqti-wareen; (ama bakhti-gowrac).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

baqti-gowrac

DHAFANDHAAF
1

v. commit atrocities out of hatred

2

baqti-gowrac vl. n. carnage, slaughter

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtidhawrid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Dh: baqtidhawrid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtidhawris

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baadiggoobid

DHAFANDHAAF
1

(Baadiggoobid-da)

2

Baadi goobid, raadin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baadiggoobid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: baadiddoonid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtijiidid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: baqtijiidid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtidhawrid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Naf kuma hadhine waa bakhtidhawrid. Dh: baqti-dhawrid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hantiggoosad

DHAFANDHAAF
1

*(Hantiggoosad-ka)

2

Hab dhaqaale oo wixii wax soo saara ama lagu soo saaro oo dhan (dhul, warshado, kd.) dad gaar u lee yahay oo gaar ahaan wax uga dheefo oo u maamusho; Qaranka iyo xoogsatada midna cod la sheego kuma laha; Raasummaaliyad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hantiggoosad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: hantiggoosi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hantiggoosad

DHAFANDHAAF

vl. n., [compound] capitalism

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hantiggoosad

DHAFANDHAAF
1

de: capitalism

2

lx: hantiggoosad

3

pd: (-ka)

4

ps: vn2a-m-cmp

5

key: hantiggoosad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhti'afuufid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Rabbi' ku badbaadinta abuur dhimasho qarka u gaadhay. Bakhati'afuufid uun buu ku baxay neefku.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhti-afuufid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: baqti-afuufid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiwareemid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: baqtiwareemid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiwareemid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay ama nafi ku jirin, meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid.

waa la naqliyay ✓