ereyga

bakhtiggowrac

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiggowrac

DHAN
1

bakhtiggowrac¹: m.l la-mid: baqtiggowrac¹.

2

bakhtiggowrac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiggowracid

DHAFAN

m.dh la-mid: baqtiggowracid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawrac

DHAFAN

(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowrac

DHAFAN
1

baqtiggowrac¹: m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac¹.

2

baqtiggowrac²: f.mg1 (-cay, -cday; -rici) Baqtigowrac ku kicid. la-mid: bakhtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baqtiggowrac

DHAFAN

m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigowrac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) fal aan fiicnayn oo meydka lagula kaco xilliyada dagaalka sida jarjarid, harag ka siibid iyo wixii la mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowrac

DHAFANDHAAF
1

(Baqti-gowrac-a)

2

Colaadda aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka la gudbo, aan bal dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn. kd.); baqti-wareen; (ama bakhti-gowrac).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

baqti-gowrac

DHAFANDHAAF
1

v. commit atrocities out of hatred

2

baqti-gowrac vl. n. carnage, slaughter

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtigawracis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) colaadi dad ay idinka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqtiggowracid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baqtiggowrac².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawrac

DHAFANDHAAF

(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtidhawr

DHAFANDHAAF
1

(fal) si dhaxal looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.

2

bakhtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtidhawrid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Dh: baqtidhawrid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtidhawris

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqti-gowricid

DHAFANDHAAF
1

(Baqti-gowricid-da)

2

Baqti-gowrac ku kicid; (ama bakhti-gowricid).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtidhawritaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhidhowr

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg badhidhawr.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiisad

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) noole, wax bakhtiyay ka dhigasho. Bakhtiisadka guduudanaha waad ka gaadhi lahayd haddaad ordi lahayd. Dh: baqtiisad.

2

bakhtiisad -ka: (magac, lab, keli) dab, tiriirg ama nal shidan ama baxaya madoobaysad. Dh: densad, baqtiisad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiisan

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) wax aan noolayn; wax dhintay. Dibigu wuu bakhtiisan yahay.

2

bakhtiisan: (tilmaame) dab ama wax la mid ah oo aan shidnayn; dab iyo wax la mid oo densan ahaan. Dh: densan. Li: daaran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bariggo'an

DHAFANDHAAF

m.l Daruur weyn, biyo lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiyahan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof xaaraanta cuniddeeda aan geed ugu gabban; qof caddaystay cunitaanka booliga. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin intii ba'as, bakhtiyahan xalaal neceb iyo booli-quutaha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiisnaan

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan noolayn ahaan. Bakhtiisnaan baan faraska ugu imid.

2

bakhtiisnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah oo aan shidnayn ahaan. Dh: densanaan. Li: daarnaan, shidnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hantiggoosad

DHAFANDHAAF
1

*(Hantiggoosad-ka)

2

Hab dhaqaale oo wixii wax soo saara ama lagu soo saaro oo dhan (dhul, warshado, kd.) dad gaar u lee yahay oo gaar ahaan wax uga dheefo oo u maamusho; Qaranka iyo xoogsatada midna cod la sheego kuma laha; Raasummaaliyad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hantiggoosad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: hantiggoosi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hantiggoosad

DHAFANDHAAF

vl. n., [compound] capitalism

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hantiggoosad

DHAFANDHAAF
1

de: capitalism

2

lx: hantiggoosad

3

pd: (-ka)

4

ps: vn2a-m-cmp

5

key: hantiggoosad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqtigawracis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.

waa la naqliyay ✓