bakhticunitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaraan iyo boolicunid. Dh: bakhticunitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan noolayn ahaan. Bakhtiisnaan baan faraska ugu imid.
bakhtiisnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah oo aan shidnayn ahaan. Dh: densanaan. Li: daarnaan, shidnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) axdijebin iyo ballanfuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufitaan
-ka: (magac, lab, keli) 'Awood Rabbi' noole dhimasho in yar u gaadhay, badbaadintii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawritaan
-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareemitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof nafi ku jirin ama dhintay, meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir. aakhiro m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aakhir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulitaan
-ka: (magac, lah, keli) baytimaalin iyo daadaadin siyaado ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahdilitaan
-ka: (magac, lab, keli) sumcad riditaan; sharaf dhaawacitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamitaan
-ka: (magac, lab, keli) labo isle'eg ka dhigitaan; badhtamaha gaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakicitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaxooti ahaan u guurid; cabsi ama gaajo u qayaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) ku kicidda falka ballanjebinta. Barifuritaan ninkii falay fidmadi haysataa. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiishitaan
-ka: (magac, lab, klei) wax fashilmay ahaan ama si foolxun u dhacay noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) noole dhimasho qarka loo gaadhay, Awoodda Rabbi ku badbaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tirtirmitaanka wax jirey oo raadkiisa la waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaangaadh noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhi'itaal
(fal) cid meel koraysa, dabadiisa gacantaada ku taageer oo kor u qaad; taageero u fidi.
badhi'itaal -ka: (magac, lab, keli) cid meel koraysa, dabadiisa gacantaada ku taageerid oo kor u qaadid; taageero u fidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhqisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ama hawl carshacarshawday oo dhabqantay ahaan. Dh: dhabqisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyahan
-ka: (magac, lab, keli) qof xaaraanta cuniddeeda aan geed ugu gabban; qof caddaystay cunitaanka booliga. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin intii ba'as, bakhtiyahan xalaal neceb iyo booli-quutaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan noolayn ahaan.
baqtiisnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah oo aan shidnayn ahaan. Dh: densanaan. Li: daarnaan, shidnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylihitaan
-ka: (magac, lab, keli) dayacnaanta iyo cidla ku dhacitaan. Baylihitaan ha uga baqan geela intaan noolahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiritaan
-ka: (magac, lab, keli) nijaasta iyo wasakhda ka maydhid, uskagga ka maydhid Daahiritaan baan ku ogaa masallaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo daahiritaanka wax uu soo muuqasho. Soo daalicitaanka dayaxa ayuu safarku sugayaa. Dh: bixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) fadhdhiyidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilitaan
-ka: (magac, lab, keli) arrin socota docfaruurid ama fashilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakatisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sakatisnaad. Dh: kerykeyrsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhtarnaan
m.f.dh eeg takhtaran. la-mid: takhtarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtilumin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku tagri fal aminta lagu sameeyo oo lagu dhaafo wax aan dani ku jirin; ka faa'iidaysi la'aan xilliga la is dhaafiyo. Wakhtilumin waa cimri lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhirutahan
m.l la-mid: aakhir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aakhirutahan
m. n., [compound] end, limit, boundary; conclusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhirutahan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aakhirka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aakhirutahan
de: end, limit, boundary; conclusion
lx: aakhirutahan
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: aakhirutahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhikintaal
(fal) cid meel koraysa, dabadiisa gacantaada ku taageer oo kor u qaad; taageero u fidi. Geedkii uu fuulo ba ninkaan badhikintaalaayey. Dh: badhi'itaal, badhitaar, baritaar, barikintaal.
badhikintaal -ka: (magac, lab, keli) cid meel koraysa, dabadiisa gacantaada ku taageerid oo kor u qaadid; taageero u fidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhikintaar
(fal) qof intaad hinjisid meel sare gaarsii oo taageero u fidi. Dh: badhitaar, badhitaal, badhikintaal.
badhikintaar -ka: (magac, lab, keli) qofka oo intaad hinjisid meel sare gaarsiisid. Dh: badhikintaal, badhitaar, badhitaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriijitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax meel maraya barriijintiisa. Barriijitaan ka dhab oo baallaha ka mara boholaha ka leexsha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dilitaan aad ah oo nabarrogaarsiin ah. Inta madaxiisa bashaaqitaan ku yaalla bal fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayhoofitaan
-ka: (magac, lab, keli) bayhoofid iyo baylahi hayso. Bayhoofitaan iyo baylahda ka muuqata reerka boohinta ceshan kari maysid. Dh: basanbaasitaan, jaahwareeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabitaan ama cunno, ka afbuuxsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) cashuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg makhoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakatisanaan
m.f.dh eeg sakatisan. la-mid: sakatisanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhaqaalayn, tabiinadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhirusebaan
-ka: (magac, lab, keli) dabayaaqada adduunka ee ka yar horraysa xilliga qiyaamadu dhici doonto. Dhismaha dhaadheer oo lagu tartamo waa calaamad aakhirusebaan. Dh: aakhiruseman, aakhirusemaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo raaxo helitaan. Dh: badhaadhid, badhaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan, ka kicitaan. Baraarugitaan ka hor lama kicin karo waa nin hurda weyn.
baraarugitaan -ka: (magac, lab, keli) baraarugid oo wax kasta ogaal u yeelasho. Dh: digtoonaad, feejignaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale hurdo ka toosin. Dh: baraarujin.
baraarujitaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale digtooni gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiicsanaan
m.f.dh eeg bashiicsan. la-mid: bashiicsanaansho, bishiicsanaan, bishiicsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhiidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) qadhiidhidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale badhikintaalid oo taageerid. Dh: badhikintaalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale badhikintaalid oo taageeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufan
(tilmaame) noole laga samray oo dib u soo noolaaday ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhi'itaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhi'itaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawritaan
-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii. Dh: baqtidhawritaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bataati tnacaan
Sweet potato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhitaan
-ka: (magac, lab, keli) leexleexasho iyo luuqluuqmar. Baydhbaydhitaan badan malaha laakiin wuu barjeeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhikintaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) badhikintaalid ku fuushii meel sare ruux. Badhikintaalitaan baa lagu saaray sallaanka. Dh: barikintaalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhikintaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo meel sare higsanaysa, taageer oo gadaal ka riix.