bakhti'afuufid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Rabbi' ku badbaadinta abuur dhimasho qarka u gaadhay. Bakhati'afuufid uun buu ku baxay neefku.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bakhti'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuufid
m.dh la-mid: baqti-afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuuf
(fal) 'Awood Rabbi' noole naftu ka bixi gaadhay soo badbaadi, dib ugu soo celi noloshii iyo tamartii.
bakhti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) noole dhimasho inyar u gaadhay oo badbaaday.
bakhti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) diqsi weyn oo leh midabyada buluug iyo madow isku jira. Waa jaad aad loo dhibsado oo cuna bakhtiga iyo wixii kale oo dhinta ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuufid
(Baqti'afuufid-da)
Wax dhimasho ku dhowaadey naf ku soo celin; (ama bakhti'afuufid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Eebbe', qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufan
(tilmaame) noole laga samray oo dib u soo noolaaday ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuuf
bakhti-afuuf¹: m.l la-mid: baqti-afuuf¹.
bakhti-afuuf²: f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: baqtiafuuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuufid
m.dh eeg baqti-afuuf². la-mid: bakhtiafuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufitaan
-ka: (magac, lab, keli) 'Awood Rabbi' noole dhimasho in yar u gaadhay, badbaadintii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) noole dhimasho qarka loo gaadhay, Awoodda Rabbi ku badbaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuuf
(Baqti'afuuf-ka)
Soo noolaan iyadoo dhimasho lagu dhowaadey; (ama bakhti'afuuf).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti'afuuf
v. resuscitate, bring back to life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuuf
(fal) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolee. Dh: bakhti'afuuf.
baqti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqti'afuuf
de: resuscitate, bring back to life
lx: baqti'afuuf
pd: (baqti'afuufay)
ps: v1=
key: baqti'afuuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiqalid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay middiyo la dhicid oo gawricid. Bakhtiqaliddu waa fal anshixumo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhtiafuuf¹.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. la-mid: bakhti-afuuf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhti-afuuf.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. m.f.dh, baqti-afuufid. la-mid: bakhti-afuuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanti'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtigawracid
-da: (magac, dhedig, keli) fal aad u foolxun kula kicid dad ay colaadi idinka dhaxayso. Bakhtigawracid bay nagula kaceen kuwii colku noo maraye. Dh: baqtigawracid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiwareemid
m.dh la-mid: baqtiwareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareemid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay ama nafi ku jirin, meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhtilaafid
(Ikhtilaafid-da)
Isweydaarasho; ismaandhaafid; (arrin) isku diidid; (ama iskhilaafid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhtilaafid
m.f.dh eeg ikhtilaaf². la-mid: iskhilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtijiidid
m.dh la-mid: baqtijiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Dh: baqtidhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurid
m.dh la-mid: hanti-abuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtigawracis
-ta: (magac, dhedig, keli) colaadi dad ay idinka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhtiyanasiib
m. n., [compound] lottery
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhtiyanasiib
de: lottery
lx: bakhtiyanasiib
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bakhtiyanasiib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiggowracid
m.dh la-mid: baqtiggowracid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiyaanasiib
m.l (-byo, m.dh) la-mid: baqtiyaanasiib.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhtiyaanasiib
-ka: (n) gambling game; lottery (lotrari); raffle (raafal); wager (weey-jer); sweepstakes (iswiip-isteeykis) ~ baqtiyaanasiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyaanasiib
-ka: (magac, lab, keli) wax aanad sii garanayn oo aad ku nasiibsato heliddii iyo waayid labadaba; wax lagu helo qorituurasho. Dh: khammaar, baqtiyaanasiib.