bakhti'afuufan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufan
(tilmaame) noole laga samray oo dib u soo noolaaday ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) noole dhimasho qarka loo gaadhay, Awoodda Rabbi ku badbaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuuf
(fal) 'Awood Rabbi' noole naftu ka bixi gaadhay soo badbaadi, dib ugu soo celi noloshii iyo tamartii.
bakhti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) noole dhimasho inyar u gaadhay oo badbaaday.
bakhti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) diqsi weyn oo leh midabyada buluug iyo madow isku jira. Waa jaad aad loo dhibsado oo cuna bakhtiga iyo wixii kale oo dhinta ba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Rabbi' ku badbaadinta abuur dhimasho qarka u gaadhay. Bakhati'afuufid uun buu ku baxay neefku.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bakhti'afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhti'afuufitaan
-ka: (magac, lab, keli) 'Awood Rabbi' noole dhimasho in yar u gaadhay, badbaadintii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuuf
bakhti-afuuf¹: m.l la-mid: baqti-afuuf¹.
bakhti-afuuf²: f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: baqtiafuuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhti-afuufid
m.dh la-mid: baqti-afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuuf
(Baqti'afuuf-ka)
Soo noolaan iyadoo dhimasho lagu dhowaadey; (ama bakhti'afuuf).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti'afuuf
v. resuscitate, bring back to life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuuf
(fal) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolee. Dh: bakhti'afuuf.
baqti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqti'afuuf
de: resuscitate, bring back to life
lx: baqti'afuuf
pd: (baqti'afuufay)
ps: v1=
key: baqti'afuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuufid
(Baqti'afuufid-da)
Wax dhimasho ku dhowaadey naf ku soo celin; (ama bakhti'afuufid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Eebbe', qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyahan
-ka: (magac, lab, keli) qof xaaraanta cuniddeeda aan geed ugu gabban; qof caddaystay cunitaanka booliga. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin intii ba'as, bakhtiyahan xalaal neceb iyo booli-quutaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhtiafuuf¹.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. la-mid: bakhti-afuuf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhti-afuuf.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. m.f.dh, baqti-afuufid. la-mid: bakhti-afuuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuufid
m.dh eeg baqti-afuuf². la-mid: bakhtiafuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtigawrac
(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan noolayn ahaan. Bakhtiisnaan baan faraska ugu imid.
bakhtiisnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah oo aan shidnayn ahaan. Dh: densanaan. Li: daarnaan, shidnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiwareen
bakhtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareen¹.
bakhtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) la-mid: baqtiwareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareen
(fal) qof dhintay meydkiisa warmo gelgeli ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaac. Dh: baqtirwareen.
bakhtiwareen -ka: (magac, lab, keli) qof dhintay meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid. Bakhtiwareen bay sameeyeen kuwii meydka gawracay e.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawritaan
-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareemitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof nafi ku jirin ama dhintay, meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid.