bakayle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakayle
(Bakayla-ha)
Jaad nafleyda dhirta xagata ka mid ah oo aad u dheereeya; wuxuu lee yahay dhego dheerdheer, dhogor jilicsan, af bushinta kore ka faruuran, dabo gaaban, iyo lugo xoog badan oo dheerdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakayle
m.l (-layaal, m.l/dh) Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakayle
m. n. hare, rabbit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakayle
bakaylaha: (n) rabbit (raabit); hare (heer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakayle
-ha: (magac, lab, keli) noole yar oo duurjoog ah. Waxa uu leeyahay dhego dhaadheer iyo daba yar oo bulad ah. Waa caws ku nool aan tallaabsan oo socodka boodbooda. Waa ugaadha hilibkeeda la cuno. Gashaanti been yar iyo bakayle aayar socda midna lama arag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakayle
de: hare, rabbit
lx: bakayle
pd: (/ha)
ps: n7-m, n6-m
key: bakayle
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bakayle
أَرْنَبٍ
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAYLE
(Baraile) S Ipomoea obscura (L) Ker. Convolvulaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hare
/heer/ (n) bakayle.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabbit
/raabit/ (n) bakayle.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Lepus sp.
(I) Lepre;
(E) Hare;
(S) Bakheile (S. g.: Bakheile, Bakhaile: Wajir: Bakayle)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lèpre
s.f. e m. - bakayle.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
rabbit (n)
bakayli
bakayle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abguri
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah abeesada oo waaweyn. Abaguri ayaa muska ku jirta. Dh: bakayleliq, camaaryaley, jilfooley, beey. abgudhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbaw
-ga: (magac, lab, keli) haad weyn oo leh af cas co soo qallooca, ciddiyo dhaadheer iyo labo lugood oo guduudan. Waxa uu ugaadhsadaa sakaarada, shimbiraha, bakaylaha, iyo maqasha yaryar. Babbaw baa agtayda bakayle ka qaatay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booliquudasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaaraan la cuno, booli la quuto. Booliquudasho bakayle aan qashaa ii barako roonayday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bur
(fal) fal ama cibaado la gudanayay, sharci ahaan sax noqonwaa.
bur -ka: (magac, lab, keli) qamaddi budo laga dhigay cuntooyin badan oo kala duwan laga samayo. Dh: daqiiq.
bur -ka: (magac, lab, keli) caska dareemada, duurka, buglaha, dhikilka iyo waxii la mid ah jiridda dhulka ugu jirta ee isu haysa baarka cawska. Bakayle intuu bur ku jiruu bur labaad raadsadaa.
bur-ka: (magac, lab, keli) bur ciid ah oo meel ku urursan. Bur buu ku fadhiistay. Dh: burciid.
bur -ka: (magac, lab, keli) xunbada rahu ku dul sameeyo biyaha fadhiya ee roobka. Dh: abur.
bur-ka: (magac, lab, keli) sonkor ama daqiiq qoyday kuuskuuska ay yeeshaan. Sonkor wada bur ah buu soo iibisay. Dh: fud.
bur -ka: (magac, lab, keli) calaamad lo'da wejiga lagaga sameeyo. Didbi bur leh ayaa naga hallaabay.
bur: (tilmaame) eeg budh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lapin
lapin, n.m. - Bakayle.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lièvre
lièvre, n.m. - Bakayle
râble de lièvre - Koore; Kooraha faraska dhabarkiisa lagu fariisto.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hare
n., bakayle, -ihi; hare-lipped man, nin faruuran.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rabbit
n., bakayla or bakayle, -ihi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbakayle
-ha: (magac, lab, keli) af aan la aqoon oo afshimbireedka u dhow. Afbakayle ayaan bartay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybayle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: bayrabayre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaykayle
(Kaykayla-ha)
Harag, dhar, kd. adag oo qolofsan oo aan weli wax laga qaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaykayle
m.l 1. Harag, dhar iyo wixi lamida adag oo qallafsan oo aan weli wax laga qaban. 2. K. ah: qof ama xoolo aan culays wadin oo dheeraynaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaykayle
m. n. new and stiff clothing, not softened by use
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaykayle
-ha: (magac, lab, keli) harag, dar iyo wixii I amid ah oo adag ama qalafsan oo aan weli wax lagu qaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaykayle
de: new and stiff clothing, not softened by use
lx: kaykayle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kaykayle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaye
-da: (magac, dhedig, keli) erey ixtiraam ku dheehanyahay oo hablaha loogu yeedho. Baaye macaaneey bustahaa isii. Dh: walaal, abbaayo, huunno, aaddo, abbaaye, gacalliso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAKAL
(Baccal) May, NFD, S Delonix baccal Chiov. Caesalbinaceae.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Bakay
(I) Bovino castrato;
(E) Castrated Cattle, Ox
(S) Bakay (S. c.: Bakai)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayle
-ha: (magac, lab, keli) magac loo baxsho wiil maarriin furan ah. Bayle baryahan ma arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayle
m.l God dheer oo wixii ku dhacaaysan ka bixi karin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abayle
nickname; name-m weaned (child abandoned by his mother; baby that has been weaned)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baalle
nickname, name-m winged, feathered; blessed or divined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baalle
-baallaha: (n) lamppost (laam poost); pylon (paay·loon) baalleha korontada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalle
-ha: (magac, lab, keli) baal iyo baad uu ku duulo leh. Baalleh barbar walba wuu u duulaa.
baalle -ha: (magac, lab, keli) nin baal madaxiisa ka ka taagan yahay oo rag uu laayay ku baashaday. Baalle biri qaadday booyini ma soo celiso. Dh: geesi. Li: fule.
baalle -ha: (magac, lab, keli) tiirka korontada ee fiilooyinka lagu xidho.
baalle: naanays loo baxsho wiil orodka dheereeya si uu leeyahay baal shimbireed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakaal
(Bakaal-ka)
1. (cudur) bar cad oo isha birteeda ku dhalata.
2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo Dusaaga (Sahra); Xiddigta Waabberi; Waxaraxir; (ama Bakool).
3. Qof lixaad weyn; dhammays ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Bakaal
pr. n., loc. Venus (the second planet), morning star
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakaal
m. n. cataract of the eye
bakaal m. n. (adj.): strong person; robust, muscular
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakaal
-ka: (n) cataract (kata raakt); an abnormality of the lens of the eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaal
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo aad u awrran.
bakaal -ka: (magac, lab, keli) bar cad oo ku taalla isha bu'deeda. Ninka isha bidix bakaalka ku leh barkinta sii. Dh: dhalaad.
bakaal -ka: (magac, lab, keli) xiddigga Suhuura ama loo yaqaan Waxaraxidhxidh. Bisha iyo Bakaal, xalay way baryeen.
bakaal: (tilmaame) qof laxaad badan; qof xoog badan. Dh: awrran. Li: mirain.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakade
m.l Nooc jaadadka cawska ka mid ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
banale
agg. caadi, aan qiimo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqaye
m.l.u la-mid: baqalye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqaye
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah haadda waaweyn ee hilibcunka ah. Dh: baqalye, baqay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakale
-ha: (magac, lab, keli) qoofallada iyo dhagaxyada seefta oo kale ah ee badda dhexyaal ee dadka sara marka ay dabbaalanayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacadle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacadle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacadle
m. n. vendor, seller
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bacadle
nickname-m vendor, seller; dune, sandhill. Lit: he who was born at or near sandhill; or he who became a vendor/seller after he grew up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacadle
-bacadlaha: (n) bazaar (bazaar); shopping place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacadle
magac loo baxsho wiil dhashay xilli kulayle ah oo bacadka aan la socon karin. Waxa kale oo loo baxshaa wiil ku dhashay meel suuq iyo ganacsi ah.
bacadle-ha: (magac, lab, keli) awr xoog leh oo uu reerku rarto. Bacadloo bun loo dubay, laba baalna loo xidhay, bunduqna garabka loo sudhay, ayaa saaka soo baxay. Dh: dhabanmadoobe.
bacadle-ha: (magac, lab, keli) qofka meel bacadle ah ku ganacsada. Sugaal waa bacadle.
bacadle -ha: (magac, lab, keli) suuqa bannaanka wax ku gada ee bacaadka dushiisa wax lagu kala iibsado. Dh: wadhato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacadle
de: vendor, seller
lx: bacadle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: warato
key: bacadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badawle
-ha: (magac, lab, keli) biyaha kuraha ah ee qadhaadh. Badawlaho ninkii cabbaa saw ku dacarbixi maayo. Dh: qaraar, kharaar, xadhaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakhayl
(Bakhayl-ka)
Qof aan deeq lahayn oo aan wax bixin; muudal; masuug; dhabcaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhayl
bakhayl¹: m.l (-llo, m.dh) Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. la-mid: bakhiil¹.
bakhayl²: f.mg1 (-aylay, -ayshay) ku b.: hanti bixinteeda ku gacan adkansho. la-mid: bakhiil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakhayl
bakhayl¹: m.l (-llo, m.dh) Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. la-mid: bakhiil.
bakhayl²: f.mg1 (-aylay, -ayshay) ku b.: hanti bixinteeda ku gacan adkansho. m.f.dh, bakhaylid. la-mid: bakhiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhayl
m. n. (adj.): miser; stingy, miserly
bakhayl [inchoative] v. be miserly with someone ~ in some way; become a miser
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhayl
-ah: (adj) stingy (istinji) dhabcaal, gacan adag, bakhiil, qurur. -Syn: close-fisted, niggardly, penny- pinching, miserly, parsimonious, penurious, tight, tightfisted. Ex: ninka bakhayl ah; the stingy man
bakhayl: -ka: (n) stingy man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhayl
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan waxba quudhin, waxna bixin. Bakhayl irgac qalay 'baloy' baydh' badanaa. Dh: bakiil, buqayl, gacangeed, masuug, deeqlaawe. Li: deeqsi, dhabcaal, faxal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasle
-ha: (magac, lab, keli) socod ama orod gaaban oo baadidoon ah oo kolba meel balaslaynayso. Shan casho ayuu balasle ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraale
m.l B. leh: wax baro leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAALE
(Barale) N Digitaria abyssinica (A.Rich.) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka u dhaw dhul badhaha adduunka. Baraaluhu wuu ka kulul yahay labada geftin ee dhulka. Dh: badhaale,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafle
-ha: (magac, lab, keli) ganacsade iibiya baraf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhayl_1
bw: bakheyl ~ bakhiil
de: miser; [atr.] stingy, miserly
hm: 1
lx: bakhayl
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dhabcaal, masuug, muudal
xv: Arabic
key: bakhayl_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhayl_2
de: be miserly with s.o. ~ in some way; become a miser May take preposition ku
hm: 2
lx: bakhayl
pd: (bakhaylay)
ps: v1=inch
key: bakhayl_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaylad
m.dh (-do, m.l) Naag hantida wax aad u yar ka bixisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaylid
m.f.dh eeg bakhayl². la-mid: bakhiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaale
-ha: (magac, lab, keli) mid barako iyo doobir leh. Barakaale nebigii la boqree, xaqa noo bildhaanshayow.
barakaale: magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu reerka barwaaqo iyo biiro u horseedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadley
m.dh la-mid: kabarray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkhadle
m.l Qasiido haweenka u gaar ah oo la tiriyo munaasabadaha aroosyada.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barkhadle
name-m very beneficial; proliferation; re-birth. Syn: Barkhad, Barkhado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkhadle
-ha: (magac, lab, keli) qof ducaysan. Dh: ayaanle, barakaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labakacle
(Labakacla-ha)
Wax labo jeer kaca ama booda ama soo noqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labakacle
m.l 1. Iyadoo la ordayo oo marba lug lagu boodo. 2. Orod, socod, hawl iyo wixi lamida oo dardar cusub lagu kordhiyo. la-mid: labakaclayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labakacle
m.l 1. Iyadoo la ordayo oo marba lug lagu boodo. 2. Orod, socod, hawl iyo wixi lamida oo dardar cusub lagu kordhiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labakacle
m. n., [compound] returning, recurrence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakacle
(fal) labo jeer kac ama bood.
labakacle-ha: (magac, lab, keli) nabar hore, dib u gocasho.
labakacle-ha: (magac, lab, keli) wax labo jeer kaca ama booda,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labakacle
de: returning, recurrence
lx: labakacle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labakacle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaacle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan caqli badan lahayn. Bacaacle bah uma taliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacaadle
(Bacaadla-ha)
Geddislaha kudhacda wax ku iibsada; warato.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BACBACLE
(Babale) N, C? Pavonia zeylanica Cav. Malvaceae.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
backache
(n) a pain or discomfort in the region of the back or spine.
madax xanuun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
backache
/baakeyj/ (n) dhabar-xanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka labada hareero ka xiga badhaha dhulka ilaa shan dhigrii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahbahle
-ha: (magac, lab, keli) qofka hadalka macnadarrada ah ku hadla goor iyo ayaan. Dh: bahbahleeye. Wa: bahbahleyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakaal_1
de: cataract of the eye
hm: 1
lx: bakaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bakaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakaal_2
de: strong person; [atr.] robust, muscular
hm: 2
lx: bakaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bakaal_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Bakaal_3
bw: Bakool
de: Venus (the second planet), morning star
hm: 3
lx: Bakaal
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
syn: Sahra, Waxaraxir
key: Bakaal_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaslee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Si aan degganeyn u socosho (haween).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaslee
v. walk in a wavering manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaslee
(fal) socod balasbalas ah soco. Sii balaslee intaan ku soo gaadhaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaslee
de: walk in a wavering manner (as an animal ~ person carrying a heavy load)
lx: balaslee
pd: (balasleeyey)
ps: v2b=intr
key: balaslee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarle
-ha: (magac, lab, keli) goobta shaagagga baabuurta lagu banjariyo. Banjarlaha gee shaagga oo soo buuxi.
banjarle-ha: (magac, lab, keli) qofka yaqaanna ee xirfadda u leh banjarinta shaagagga. Buraale waa banjarle heer sare ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaley
m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro leh (dheddig).