bahgaatamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahgaatamo
-da: (magac, dheddig, keli) dugaagga intooda gaadmada wax ku laysa oo ay ka mid yihiin libaaxa, shabeelka iyo harimacadah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahgaatama
m.dh Dugaagga intooda gaadmada wax ku dila oo ay ka mid yihiin libaaxa, shabeelka, haramcaska iyo guduudanaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaataa
v.,relative form, [inchoative] that he / it [masc.] be ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaataa
(v) he, she or it be.... Ex: waa inay ahaataa gabadh; she has to be a girl
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaataa
de: that he / it [masc] be ...
lx: ahaataa
ps: v5a-3m-rel-inch
xe: It must be exciting.
xv: Waa inay ahaataa mid xiiso leh.
key: ahaataa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagaago
m.dh (-ooyin, m.l) Dhako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaago
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa inta u sarraysa. Dh: dhako.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bagnato
agg. - qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bataato
(Bataata-da)
Geed la beero oo leh xididdo dhulka ku faalala oo midkiiba bixiyo burqo badan oo taxan oo la cuno; (ama baradho)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bataato
m.dh Geed qudaarta la beerto ka mid ah oo leh bari macaan oo la cuno marka la karsho. la-mid: baradho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bataato
m.dh Geed qudaarta la beerto ka mid ah oo leh bari macaan oo la cuno marka la karsho. la-mid: baradho, bataati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bataato
f. n. potato
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BATAATO
(Batato) S, N Ipomoea batatas (L) Lam. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataato
-da: (magac, dhedig, keli) geed la beero oo leh xididdo dhulka ku faalala oo uu kiiba bixiyo buruq ama badhi weyn oo la cuno. Bataatada saw inuu buuran garan maayo. Dh: baradho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bataato
de: potato
lx: bataato
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
syn: baradho {Eng / It}
key: bataato
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaataan
v., pl., relative form, [inchoative] that you all be / become ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaataan
(v) you become. Ex: waxaa la rabaa inaad carruur fiican ahaataan; you are supposed to become good children
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaataan
de: that you all be / become ...
lx: ahaataan
ps: v5a-2pl-rel-inch
xe: I hope that you will excuse us.
xv: Waxaan rejeynayaa inaad naga raalli ahaataan.
key: ahaataan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaasmo
f. n., [collective] plasma
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaasmo
-balaasmada: (n) the clear fluid portion of blood; plasma (palaaz-ma)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaasmo
de: plasma {Eng}
lx: balaasmo
pd: (/da)
ps: n0-f-col, n6-f
key: balaasmo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Bangaala
de: Bangladesh
lx: Bangaala
pd: \pd-Dheesh
ps: n0-loc-f
key: Bangaala
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baratame
-baratamaha: (n) [Pl. baratamayaal] contender (konteendher); contestant; competitor tartame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bedertami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataatan
(falkaabe) tusmeeya wax aan waxb alaga reebin. Dh: asalanba, abda, abadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargaamo
(Hargaama-da)
Si nac qarsooni ku jiro, oo cid wax loo yeelo; dhib; dibindaabyo; silicdilyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaamo
m.dh Si nacabnimo ah oo qof loo waxyeelleeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargaamo
f. n. trouble, harm, damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamo
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeelo nacayb wadata oo si hoose la isku gaadhsiiyo. Dh: dibindaabyo, dhib, silicdilyo, hagardaamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargaamo
de: trouble, harm, damage
lx: hargaamo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hargaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaatimo
(Khaatima-da)
Waxa ama sida wax waliba ku dhammaadaan, ku danbeeyaan; cirib; ciribdanbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaatimo
m.dh Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. la-mid: khaatumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaatimo
m.dh Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. la-mid: khaatumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaatimo
f. n. ending, last moment, conclusion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaatimo
-khaatimada: (n) final result or consequence; outcome (awtkam); fate (feeyt); destiny (dhastani)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaatimo
-da: (magac, dhedig, keli) waxa ama sida wax waliba ku dhammaadaan ee ku danbeeyaan. Dh: cidhibdanbeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaatimo
bw: Arabic
de: ending, last moment, conclusion
lx: khaatimo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: khatin
key: khaatimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaatumo
m.dh la-mid: khaatimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaatumo
-da: (magac, dhedig, keli) waxa ama sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku danbeeyaan. Dh: cidhibdanbeed, khaatimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalnimo
m.dh Bahal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahalnimo
f. n., [abstract] brutality, barbarity, bestiality
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahalnimo
-bahalnimada: (n) savagery (saava-jari); the act of being uncivilized or barbarous (baar baras); savage (saa vej); wildness (waayl-dines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dugaagoobid; bahal halis ah noqosho. Dh: cadawnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahalnimo
de: brutality, barbarity, bestiality
lx: bahalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: bahalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahannamo
(Jahannama-da)
Dhimashada kaddib, meesha dadka cadaabka mutaystay la geeyo oo lagu saxariirsho oo ay ku waaraan; cadaab; naar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahannamo
m.dh Magacyada naaraha mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jahannamo
m.dh Magacyada naaraha mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jahannamo
f. n. hell
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jahannamo
-jahannamaha: (n) one of seven hells ~ cadaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahannamo
-da: (magac, dhedig, keli) meel Quraanka la innoogu sheegay oo Ilaahay ugu talagalay dadka caasiya oo uu ku saxariirsho ciddii caasida. Dh: cadaab, naar. Li: janno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jahannamo
bw: Arabic
de: hell
lx: jahannamo
pd: (/da)
ps: n0-f
syn: cadaab, naar
key: jahannamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahaamado
f.g3 (-atay, -adatay) Hanti rahan ahaan u dhiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagtamid
m.f.dh eeg cargaagtan². la-mid: cargaagtan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahnaansho
m.l/dh eeg baahnow. la-mid: baahnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg baahnaanshiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayactamid
m.f.dh eeg baayactan². la-mid: baayactan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayactamid
-da: (magac, dhedig, keli) doodda iyo saayiraadda dhex marta labo qof oo wax kala gadanaya. Dh: gorgortamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: badbaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhnaansho
-ha: (magac, lab, keli) kala dhinnaan; labo qaybood qayb ahaan. Dh: dhinnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badraannimo
m.dh Batraan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badraannimo
-ad: (magac, lab, keli) mid kibray oo dad kale gardarraysta ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaarasho
(Ballaarasha-da)
Ballaar weyn yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarasho
m.f.dh eeg ballaaro. la-mid: ballaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaarasho
vl. n. widening, enlargement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaarasho
-ballaarashada: (n) the act or process of expanding; expansion (ikis paan shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala fidsan noqosho oo firkisan. Dh: ballaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaarasho
de: widening, enlargement
lx: ballaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ballaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarnimo
(Barbaarnima-da)
Barbaar ahaan; dhallinyarannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarnimo
m.dh Barbaar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbaarnimo
f. n., [abstract] young adulthood, youth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbaarnimo
-barbaarnimada: (n) the condition of bring young adult male; youthfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha barbaar koray. Dh: dhallinyaranimo, gurboodnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbaarnimo
de: young adulthood, youth
lx: barbaarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: barbaarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbartamid
m.f.dh eeg barbartan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbartamid
-da: (magac, dhedig, keli) barbar dhicid; natiijo isku mid ah keenid. Tartanka u dambeeya barbartamid lama oggola ee waa in midi badiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barwaaqayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid. m.f.dh, barwaaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqayso
(fal) meel nimco iyo barwaaqo buuxdo ka dhigo. Dhulkaaga barwaaqayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batraannimo
m.dh Kibir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
batraannimo
m.dh Kibir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batraannimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid edeb daran oo gardarro dadka ku daya ahaan. Ninka aqalkaaga kugu soo doontay waa nin batraannimo kuugu yimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarsimo
(Gargaarsima-da)
Wax gargaar laga helo; kaalmo; taageero; waxtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsimo
m.dh la-mid: gargaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaarsimo
f. n. support ~ help received
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax gargaar laga helo. Dh: kaalmo, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargaarsimo
de: support ~ help received
lx: gargaarsimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gargaarsimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaalnimo
-da: (magac, dhedig. keli) darajaalenimo, sarkaal ahaan, ahaan nin darajo leh. Dh: sarkaalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadqalatanimo
m.dh Dadqalato ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiigaannimo
m.dh Wax tiradoodu badantahay ahaansho (col, roob). la-mid: mahiiggaannimo, mihiigaanimo, mihiiggaannimo.