bahalhoosaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalhoosaad
m.l.u Xamaaratada iyo cayayaanka intooda sunta leh ama qaabkooda laga cabsado ee habeenkii socda. la-mid: bahalhoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahalhoosaad
m. n., [collective] creatures that crawl ~ creep and are dangerous to man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalhoosaad
-ka: (magac, lab, keli) bahalaha inta bogga ku socota ama gurguurata ee aan baabboco ku socon. Sidii nimuu bahalhoosaad daaqayoo bararna loo raacshay, ayaan oohin badan iyo biijo leeyahay e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahalhoosaad
a: bahalhoose (/ha)
de: creatures that crawl ~ creep and are dangerous to man (e.g. reptiles, scorpions)
lx: bahalhoosaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: bahalhoosaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalalley
(Baalalley-da)
Bahalhoosaadka duula jaad ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjibiso
(Hinjibisa-da)
Bahalhoosaad yar oo nirgadhoodka u eg oo kolkol dadka indhaha iyo sanka ugax ka geliya, oo haddaan degdeg wax looga qaban lala bukoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Injir
(Injir-ta)
Bahalhoosaad yaryar oo aan baalal lahayn oo dadka aan aad u hufnayn timaha iyo dharka ka gala oo dhiigga dadka ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahal
-ka: (magac, lab, keli) dugaagga dilaaga ah; dugaagga hilibka ku nool. Dh: dugaag, wuxuush. Wa: bahalo.
bahal -sha: (magac, dhedig, keli) dugaagga hilibka cuna kiisa dheddig ama bahalhoosaadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarrey
-da: (magac, dhedig, keli) bahalhoosaad inta uu geedaha fuulo noolaha kale kor kaga soo booda kolka ay hoos socdaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjibiso
-da: (magac, dhedig, keli) bahalhoosaad yar oo nirgadhoodka u eg oo kolkol dadka indhaha iyo sanka ugax ka geliya, oo haddaan degdeg wax looga qaban lala bukoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalhoose
m.l.u la-mid: bahalhoosaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalhoose
-ha: (magac, lab, keli) eeg bahalhoosaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halhoraad
-ka: (magac, lab, keli) ninka silsilad maanso ama heeso ugu hor bilaaba ee laga daba qaato. Dh: ibafur, bilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaloobid
m.f.dh eeg bahalow. la-mid: bahalow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo caado bahal yeelad; ad'adayg iyo naxariisdarro yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirhoosaad
-da: (magacwadareed) dhirta yaryar ee gaagaaban ama geedaha waawayn ka hoos baxda. Berisamaadka waxa bata dhirhoosaadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maas-hoosaad
-ka: (magac, lab, keli) kabaha maaska ah walax cagta laga hoosaysiyo oo maas ama balaastiig ah. Maas-hoosaad u yeel kabta. Dh: dhidid-dhawr.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bannaan hoosaad
Peneplain
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoosad
m.l la-mid: aargoosasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aargoosad
m.l eeg aargooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosad
-ka: (magac, lab, keli) dhib la geystay, ciddii lahayd aanadii ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaad
(fal) si baahsan oo foolxun u fadhiiso. Maxaad meesha la bahardaaddaa. Dh: hawaarid, bakaarsasho, bacalleelid.
bahardaad -ka: (magac, lab, keli) fadhiga baahsan ee aan habaysnayn oo basarinimo ka muuqato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhoosad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh da' joogta oo aan weli guursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaad
galoofaad¹: m.l Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer.
galoofaad²: f.mg1 (-day, -dday) Daal, dhibaato badan socod dheer kala kulmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofaad
-ka: (magac, lab, keli) daal iyo dhibaato badan oo lagala kulmo socod dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalhoraad
m.l (-dyo, m.dh) Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahirsaaf
m.l la-mid: baxarsaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashiraad
-da: (magac, dhedig, keli) weji furan iyo farax ku soo dhoweynta iyo qaabilaadda qof marti ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baastoolad
m.dh la-mid: bastoolad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baastoolad
f. n. pistol, revolver
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baastoolad
-da: (n) pistol (pis tel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baastoolad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab hubka fudfudud ka mid ah oo siddaha loo sudho suunka dhexda lagu xidho oo inta badan qaadda lix rasaasood oo yaryar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baastoolad
a: bastoolad
bw: Arabic
de: pistol, revolver
lx: baastoolad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: baastoolad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaloobis
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecadda bahalka yeelasho. Bahaloobis baa looga baqay taniyo berisamaadkiiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayalo'aad
m.l Nagaar dhulka ku faafa caleemo biyo ka buuxaan iyo laamo jilicsan leh oo ka baxa meesha degelka leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirhoosad
m.l Nagaarka geed-gaabka iyo cawska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirhoosad
m.l Nagaarka geed-gaabka iyo cawska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgoosad
m.l Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. la-mid: dhulgoosi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgoosad
m.l (taar.) Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. la-mid: dhulgoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgoosad
-ka: (magac, lab, keli) dhul in la iska goosto oo deegaan laga dhigto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baldooswade
m. n. bulldozer driver
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baldooswade
de: bulldozer driver
lx: baldooswade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baldooswade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydagoosad
-ka: (magac, lab, keli) goosashada xadhigga baydda ku xidhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sax ahaan, aan wax dhib ah qabin. Saalloonaan baan kaga imi ee dabaday baa la helay. Dh: fayoobaan, qummanaansho, hagaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerhoosaad
m.l (-dyo, m.dh) Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerhoosaad
m.l (-dyo, m.dh) Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciid hoosaad
n. phr. sub-soil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciid_hoosaad
de: sub-soil
lx: ciid hoosaad
ps: np
key: ciid_hoosaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gancaloolaad
-ka: (magac, lab, keli) gaska yar ee caloosha k abaxa gudaheeda. Dh: gancalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-hoosaad
m.l.u Geedaha intooda aan bixidda dheere yeelan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geed-hoosaad
m.l.u Geedaha intooda aan bixidda dheere yeelan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddihoosaad
-ka: (magac, lab, keli) guddi tan sare ka hoos shaqaysa oo hawl gaar ah u xilsaaran. guddixaarrey -da: (magac, dhedig, keli) guddi eexatay oo xaqii ka baydhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloobsad
(Kadalloobsad-ka)
Kadalloobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsad
m.l la-mid: kadalloobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobsad
-ka: (magac, lab, keli) si kadalloob ah u fadhiisasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koox hoosaad
Subgroup
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koox-hoosaad
Group, sub
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeer hoosaad
-ka: (n) bylaw (baay-loo)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl dooxaad
Valley wind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharci-hoosaad
-ka: (n) bylaw (baay-loo)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guddi hoosaad
-ka: (n) subcommittee (sabkomiti)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisbi hoosaad
-ka: (n) faction (faak-shiri) ~ farac xisbi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cinwaan hoosaad
(n) subtitle (sab-taaytal) ~ cinwaan farac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsanaan
m.f.dh eeg kadalloobsan. la-mid: kadalloobsanaansho.