bagage
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bagage
bagage, n.m. - alaabta (shandadaha; seexaaradaha; sanduuqyada iwm.); Cafash; alaab.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baggage
/baagij/ (n) boorsooyinka, shandadaha iyo alaabada safarka loo gaato. e.g. I lost my baggage in the airport.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
baggage
/baageyj/ (n) aghalky jirmaaddy.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
baggage
n., alaabo, -di, qalab, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagagi
m.dh.kh B. ah: basari; baali, areebo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagagi
f. n. dirty and unclean woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagi
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aan nadaafad badneyn; haweenay basari ah oo uskag badan. Sidii bagagi doora leh hadduu, bigigiflow rooro. Dh: baali, guumeys. Li: dhabeel, gaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagagi
de: dirty and unclean woman
lx: bagagi
pd: (-da)
ps: n7-f
key: bagagi
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qalab-ka
bagage.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saamaan-ka
bagage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagaago
m.dh (-ooyin, m.l) Dhako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaago
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa inta u sarraysa. Dh: dhako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagac
(ereycodeed) lagu tusmeeyo sanqadha wax badan oo daatay ama halmar wada orday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagaf
(ereycodeed) lagu tusmeeyo shanqadha ay sameeyaan shimbiro iyo wixii la mid ah oo si kedis ah u kala yaacyaaca ama u kala haada. bagagaflayn -ta: (magac, dhedig, keli) shanqadh bagagaf ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagagax
m.dh.sh.r la-mid: baf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagagax
f. n. sound of something being shattered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagax
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabaqda ay samayso qalwada dunta ama wax engegan oo inta uu dumo kala daata. Girgiddii kolkii roobku ku da'ay ayay bagagax kala tidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagagax
de: sound of s.t. being shattered
lx: bagagax
pd: (dheh)
ps: np-f-expr
key: bagagax
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bagarre
bagarre, n.f. - Qalalaaso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bagnare
v.tr. - qoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguuge
(tilmaame) qof ama wax la rigaaxay oo xoog lagu jejebiyay. Dh: burbur, abshax, jajab.
baguuge -ha: (magac, lab, keli) rigaaxaha, burbur iyo jejebin xoog la isticmaalo.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bandage
(n)* a strip of fabric or other material used as a protective covering for a wound or other injury.
baandheys ama faashad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bandage
/baandheyj/ (n) faashad. e.g. Put a bandage around your knee.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bandage
Duubashi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bandage
/baandhej/ (n) faashid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bandage
bandage, n.m. - Baandeys; Maro qaro adag oo meesha jirran lagu duubo; Faashad (maraq).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barrage
Biyo keydiye
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Barrage
Biya-dadab
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barrage
barrage, n.m. - Biyo-xireen; biyo-xidheen.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
élagage
élagage, n.m. - sinsimidda ama jarjaridda geedka
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
langage
langage, n.m. - Af; Af dad ku hadlo; Luqad; Hadal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agag
m.l la-mid: agaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agag
-ga: (magac, lab, keli) meel dhow. Dh: agaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baag
-ta: (magac, dhedig, kel:) calaamade ku faafa oogada qofka oo cadcad oo diirka sare hoola. Baag baa qoorta wiilka ka soo baxday. Dh: cambaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baga
Baga!
Waad ku hagaajisey! Si wanaagsan baad yeeshay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baga
e.d Waa ku fiican tahay! Istaahil!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baga
inter. bravo!, hooray!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baga
(Interjection) hurrah (huu-raa); hooray or hurray; an exclamation of approval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baga
erey la yiraahdo kolka la arko ama la ogaado wax loo bogay inuu dhaco. Bagaad sidaa yeeshay! Dh: allaylehe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baga
de: bravo!, hooray!
lx: baga
ps: intj
key: baga
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gage
/geyj/gauge (n) 1. qalab wax lugu cabbiro, sida dhumucda, tirada iwm (n) 2. qiyaas laysla meel dhigay, oo wax lays barbar dhigayo lugu cabbiro (v) 3. cabbirid, qiyaasid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gage
gage, n.m. - mushaharo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gagé
gagé, adj. - rahamad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adage
/adhij/ (n) oraah horey dad u yiri. e.g. He reminded me about the old adage, “Time is money”.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
adage
adage, n.m. - Odhaah Murti leh oo Hore loo yidhi (Maahmaah Caadi ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
agape
/ageyp/ (adj) af kala qaad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àgave
s.f. - xaskul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaga
-da: (magac, dhedig, keli) gubbaha iyo baadda cid kaa awood badan cabsi loo siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. la-mid: baanise.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. la-mid: baanise.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baane
m. n. homosexual male, sodomite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baane
-ha: (magac, lab, keli) gar u faadhiisasho; arrin dhacday xeerkeeda iyo xalkeeda raadin. Baane ayaa bartan berri loo fadhiisan doonaa.
baane -ha: (magac, lab, keli) hadalka ay isweydaarsadaan labada loo kala qarqaadayo oo xujooyin iyo markhaatiyo ama dhaar wata si mid walliba gartiisa u xoogeeyo. Dh: garran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baane
de: homosexual male, sodomite
lx: baane
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: khaniis, makhnuud
key: baane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqe
m.l (-qayaal, m.l/dh) 1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaqe
m.l (-qayaal, m.l/dh) 1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqe
m. n. signaller, signalman
baaqe m. n., [collective] sardine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqe
-ha: (magac, lab, keli) kalluun yar oo isaga oo saliidaysan la qasaacadeeyo oo la jecel yahay. Dh: huduf, saardiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baare
m.l (-rayaal m.l/dh) Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baare
m.l (-rayaal m.l/dh) Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baare
m. n. investigator, questioner; researcher, scholar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baare
-baaraha: (n) inspector (inis pekter); examiner, investigator. Ex: dambi baare; criminal investigator
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BAARE
Revisore
Auditor
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Baare
Analista; revisore
Analyst; auditor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baare
-ha: (magac, lab, keli) cid wax inay baadho lagu og yahay. Dh: baadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baare
de: investigator, questioner; researcher, scholar
lx: baare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baare
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baase
conj. but [, CONTRAST.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baase
-ha: (magac, lab, keli) belada iyo colaadda aad u daran ee wax galaafata. Baase Allaw naga xijaab. Dh: hoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baase
de: but [FOCUS + CONTRAST] = baa + -se
lx: baase
ps: focus + conj
key: baase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaye
-da: (magac, dhedig, keli) erey ixtiraam ku dheehanyahay oo hablaha loogu yeedho. Baaye macaaneey bustahaa isii. Dh: walaal, abbaayo, huunno, aaddo, abbaaye, gacalliso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badag
m. n. duck, goose
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
badge
/baaj/badges;(n) maro ama bir yar oo lugu dhajiyo gof shaatigiis (labiskiis) si loo muujiyo darajadiisa, magaca shirkadda iwm. e.g. It is company policy for employee to wear ID badges.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
badge
/baaj/ (n) summud (musawir amy maghy iwm leh oo lebbesky qofky lyky dhejiyaw taas oo eddaayaasi qofky hoolis).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
badge
n., alif, -ki, astaan, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagac
(ereycodeed) lagu tilmaansado jab labo qurub ah oo laf ama wax adag noqdo. Laftii buu gaadhigu bagac ka siiyey. Dh: buguc, barjac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bagaf
(Bagaf-ka)
1. Wax fidsan oo aan qiro weyneyn oo wareegsan.
2. hilib, waran... qaabkaas leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagaf
m.l 1. Weel aan weyneyn, in yar godan oo aan wax badan qaadin. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af ballaaran oo badeelka u eg leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagaf
m. n. frame (for stretching)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bagaf
ka: (n) an oval shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaf
(tilmaame) weel ama walax kale oo in yar godan ama balaleexsan oo aan qaro weynayn. Saxni bagaf ahi soor ma qaado. Li: godan
bagaf -ka: (magac, lab, keli) madaxa waranka inta birta ah. Sargafka ayuu madaxa igaga dhuftay.
bagaf -ka: (magac, lab, keli) weel yar oo godan oo aan qaro weynayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagaf
de: frame (for stretching)
lx: bagaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bagaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bagal
(Bagal-ka)
Cagcagaarka la cuno jaad ka mid ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer; (ama begel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagal
m.l Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. la-mid: baqal¹ (2), begel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bagal
m.l Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. la-mid: baqal¹: (2), begel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagal
m. n., [collective] root-vegetable species, radish
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAGAL
(Bagal) All.Som. Brassica sp. Umbelliferae.
S Brassica oleracea L. Umbelliferae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagal
-ka: (magac, lab, keli) geedcagaar ka mid ah noocyada la cuno; geed nagaadh caleemo balballaadhan leh oo laga sameeyo salaadka koosaarta cuntada laga dhigto oo badhi leh. Dh: begel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagal
a: begel
de: root-vegetable sp., radish
lx: bagal
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: bagal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baggy
/baagi/baggier, baggiest (adj) dhar kaa yara weyn; aan ciriiri kugu ahayn (fitaaxsan). e.g. He likes baggy trousers.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
baggy
/baaghy/ (adj) holof-holof eh. I like baggy pants.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bague
bague, n.f. - Far-gal (Kaatun)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balag
balag¹: m.l (-gyo, m.dh) 1. Sixir meel la dhigo si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iyo wixi lamida oo curdan ah.
balag²: m.dh Buuryo; beejo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balag
balag¹: m.l (-gyo, m.dh) 1. Sixir meel la dhigo si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iyo wixi lamida oo curdan ah.
balag²: m.dh Buuryo; beejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balag
m. n. amulet, magic pendant; love charm
balag [feminine] n. prepuce, foreskin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balag
-ga: (magac, lab, keli) cadka yar ee laga jaro wiilasha cisilkooda marka la gudayo; buuryada laga gooyo marka carruurta la gudayo. Bushka waxaygu riday gaaladii, balagga dheerayde. Dh: ballanjo, hanjaf, baaro, yuub, beejo, qolof.
balag -ga: (magac, lab, keli) biraha yaryar ee lagu qurxiyo billaawaha kana laadlaada ee shanqadha.
balag -ga: (magac, lab, keli) hilqado dumarku dhegaha ka soo laalaadiyaan oo balballaadhan. Kuusha caarrey carruuruhu ba way sidtaan ee aaway balaggii, billaawaha ragga u ekaa?
balag -ga: (magac, lab, keli) laamaha dhirta iyo daaqa curubta ah. Balag buu adhigii daaqay. Dh: fiil, qaji, curub, faraq, curdin.
balag -ga: (magac, lab, keli) shay cid wax loogu akhriyo ama loogu qabto oo dhaqankiisa saamayn ku yeesha. Balag baa loo lulaya wiilka. Dh: fal, maddiido, sixir.
balag -ga: (magac, lab, keli) walax ka samaysan maar midab dahabi ah leh oo kuusha halka ay ku soo afjaranto ee soo marta dhanka laga lulo. Balag bay kuusha ku xidhay.
balag -ga: (magac, lab, keli) xawlallabiga ka aan qaradka noqon weli ama aan iniiyaysan. Xawlalabigu waa balag weli. Li: qarad.
balag -ga: (magac, lab, keli) qorraxda oo xiddigga meerayaasha xuddunta u ah oo raadka weyn ku leh nolosha koonka. Dh: cadceed, qorrax, orrax. balal -ka: (magac, lab, keli) ololka ka baxa dabka huray. Balal kaga keen dabka aad afuufayso. Dh: belel, balbal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barge
/baarji/barges, barging, barged; (v) 1. jibaaxid; dardarid; isku ciriiryid. e.g. She barges in without knocking on the door.(n) 2. doon lugu raro waxyaabaha culus.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barge
/baarj/ (n) 1. doong salky amy fydhyghy ku billeeryng. (v) 2. berberow, derderow. He barged into the crowd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagag
m.l Weel gun gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagag
v. walk barefoot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagag
de: walk barefoot
lx: cagag
pd: (cagagay)
ps: v1=
key: cagag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daage
-ha: (magac, lab, keli) meegaar ceelka looga looga sameeyo dugaagga iyo wixii la mid ah, raggu na hubka iyo dharka dhigto xilliga shubaasha.