bagafbagafle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagafle
-ha: (magac, lab, keli) cidda samaysa sanaqarta bagafbagafta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagaf
(ereycodeed) tusmeeya saanqaadka socod dedgdeg ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta shanqadha socodka bagafbagafta ah. Bagafbagaflaynta haysaye, berri baynnu eegnaa, keennii ka soo baxa, baylahdii la noo diray!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbagale
-ha: (magac, lab, keli) garan laga hoos xidho shaadhka. Garbagalahii baa iga madhay. garbagarbow: (fal) cudurka magacaa lihi, hakugu dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagafcagaf
(Cagafcagaf-ka, Cagafcagaf-ta)
Gaari xoog badan oo wax jiida: wuxuu dhinacyada ku lee yahay labo daliigood oo waaweyn oo bir ah oo ballaaran oo garangaro ilko leh ku kor rogmada, si uu dhulka qarfada ah ama ciidda leh u maro; gaari, wax lagu qardajeexo leh, oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagafcagaf
cagafcagaf¹: m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
cagafcagaf²: m.dh.sh.r C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagafcagaf
m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagafcagaf
m. n. tractor, bulldozer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagafcagaf
-ka: (n) Caterpillar or a tractor equipped with continuous chain treads
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cagafcagaf
Trattore
Tractor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagafcagaf
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagafcagaf
de: tractor, bulldozer
lx: cagafcagaf
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: cagafcagaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagabagaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabaraale
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo lab oo baro leh oo aan ahayn geela. Dibi barabaraale ah ayaan qalannay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halafjaqafle
-ha: (magac, lab, keli) midho hadba mid soo goosasho. Dh: haldhable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balafbalafsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbakayle
-ha: (magac, lab, keli) af aan la aqoon oo afshimbireedka u dhow. Afbakayle ayaan bartay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balambaal
m. n., [collective] medicinal tree species (castor oil plant)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BALAMBAAL
Melhania grandibracteata 01
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balambaal
a: balambal ~ balanbaal
de: medicinal tree sp. (castor oil plant)
lx: balambaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: balambaal
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALANBAAL
(Balanbal) N, S, C, May Abutilon anglosomaliae Cuf. Malvaceae.
S,May Hibiscus aponeurus Spargue & Hutch. Malvaceae.
S Abutilon somalense Mattei. Malvaceae.
N Abutilon bidentatum Hochst. Malvaceae.
S Abutilon densevillosum Mattei Malvaceae.
C,S,N Abutilon figarianum Webb. Malvaceae.
Og, NFD, S, N Abutilon fruticosum Guill. & Perr. Malvaceae.
S, N Abutilon hirtum (Lam) Sweet Malvaceae.
N, C Abutilon pannosum (Forsk.F.) Schlecht Malvaceae.
S,NFD Abutilon ramosum Guill. & Perr. Malvaceae.
C Gossypium benadirense Mattei Malvaceae.
C Hibiscus cannabinus L. Malvaceae.
S Hibiscus dictyocarpus Webb. Malvaceae.
S Abutilon agnesae Borzi Malvaceae.
N Hibiscus dongolensis Del. Malvaceae.
May, S Pavonia arabica Boiss. Malvaceae.
S Senra zoes Schweinf. & Volk. Malvaceae.
N Pavonia burchellii (DC) R.A. Dyer. Malvaceae.
C,N Pavonia kotschyi Webb. Malvaceae.
S,C Pavonia propinqua Garcke Malvaceae.
S, May, NFD Senra incana Cav. Malvaceae.
N Melhania rotundata Mast. Sterculiaceae.
N Ipomoea nephrosepala Chiov. Convolvulaceae.
S Digera muricata (L)Mart. Amaranthaceae.
C,N Neocentema robecchii (Lopr) Schinz. Amaranthaceae.
C Melhania phillipsiae Bak.F. Sterculiaceae.
May Chrozophora plicata (Vahl) Spreng. Euphorbiaceae.
S Ricinus communis L. Euphorbiaceae.
S Nesae radicans Guill. & Perr. Lytheraceae.
C Corchorus cinerascens Defl. Tiliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbaal
-ka: (magac, lab, keli) geed ballida ka baxa xili barwaaqada oo caleen balaadhan. Balanbaal tigaad jiilaal ma leh. Dh: balanbal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaale
-ha: (magac, lab, keli) mid barako iyo doobir leh. Barakaale nebigii la boqree, xaqa noo bildhaanshayow.
barakaale: magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu reerka barwaaqo iyo biiro u horseedo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararafle
-ha: (magac, lab, keli) ruux sanqadh iyo wareer badan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabagabee
-yey / gabagabeysay: (v) 1. bring to an end; complete (kem pilii); conclude (kon kuluudh). 2. put out of order; round up; disturb (dis teerb). Ex: wuuna gabagabeeyey; he disturbed us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabee
(fal) hawl soo dhammaystir. Dh: idlee, dabayaaqee.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAGAGALLE
[CHEGOGALE] Conostomium ?kenyense 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labagalle
-ha: (magac, lab, keli) qof hadba cidduu la joogo isaga dhiga inuu daacad u yahay. Dh: labawejiile, munaafaq, jirjirroole. Li: daacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labanafle
-ha: (magac, lab, keli) qof go' adag; naf-adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qababaale
-ha: ( magac, lab, keli) magacyada libaaxa midkood. Qababaale aarbaan arkoo waan ambaabiraye. Dh: shaashle, libaax, aar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabbagal
(fal) kaalin sare gaadh oo hanaqaad.
taabbagal-ka: (magac, lab, keli) kaalin sare gaadhid oo hanaqaadid. Dh: gaashanqaad, taabbagud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarbaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cilmi badan lahayn oo dhawr kitaab uun dhigtay; qof an aqoon badan lahayn oo isagu sidaa aan isku haysan. Dh: baalgaab, kitaabgaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaraale
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar da'weyn oo uu magaceedu ka soo jeedo gambar oo ah midka lagu fadhiisto, waayo waxaa lagu dheelaa fadhiga, waxayna leedahay heeso, gabayo, waana ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo haweenku ba. Ciyaartan qalabka lagu tumo, waxaa ka mid ah durbaan weyn iyo sharaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbaggale
(Garbaggala-ha)
Wixii garbaha la gashado; garbaggashi; shaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbaggale
m.l (-layaal, m.l/dh) Shaati. la-mid: garbaggashi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbaggale
m. n., [compound] shirt, jacket
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbaggale
de: shirt, jacket
lx: garbaggale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: shaati
key: garbaggale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaraafle
m.l Xoolaha intooda cagta ay dhulka dhigayaan ay tahay laba raaf sida biciidka, lo'da, ariga, deerada iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaraafle
-ha: (magacwadareed) xoolaha intooda cagta ay dhulka dhigayaan ay tahay labo raaf sida biciidka, lo'da, adhiga, deerada iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagafsanaan
m.f.dh eeg bagafsan. la-mid: bagafsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fidsanaan oo wax ballaadhan oo wareegsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balambaalla
-ha: (magac, lab, keli) geed gaaban oo caleemo cadcad leh, kaymahana ka baxaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasmagaale
m.l la-mid: farasmagaalo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farasmagaale
-farasmagaalaha: (n) 1. down town; the business center of a city. 2. bus station
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balafbalafsiin
m.f.dh eeg balafbalafsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasbalaslay
(fal) socod degdeg iyo cagfudayd ku jiro oo kadlayn ah samee. Naa Basra! Bi'i waaye maxaad la balasbalaslaynaysaa ma marti baa kuu timid? Dh: balasbalaslee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf barasho
Glaciology
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf boodhle
Dust well