ereyga

bagafbagaflayn

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bagafbagaflayn

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta shanqadha socodka bagafbagafta ah. Bagafbagaflaynta haysaye, berri baynnu eegnaa, keennii ka soo baxa, baylahdii la noo diray!

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bagafbagafle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) cidda samaysa sanaqarta bagafbagafta ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bagagaclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) mar qudha wada dhaqaaqid; kol keli ah wada ordid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balaqbalaqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha dareeruhu sameeyo marka uu si googo'a uga daadanayo weelkii uu ku jirey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balasbalaslayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qof si balasbalas ah u socda ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bagafsanaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg bagafsan. la-mid: bagafsanaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bagafsanaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) fidsanaan oo wax ballaadhan oo wareegsan ahaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bararaflayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadha sidii wax baadad leh oo kolba dhinac u duulaya samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laba'aflayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hadallo is dhaaf ah oo kala duwan, ku hadlid; marba si u hadlid; labo siyood oo is burinaya ku hadlid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagataallayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg cagataallee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagataallayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) ka warwareegid; ka meermeerid; ka cagadtaallays.

2

cagataallayn -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka warwareeg, ka meermeer. Dh: ceegataallayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gambagambayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan, kolba inyar siin; kolba gambo siin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balasbalaslay

DHAFANDHAAF

(fal) socod degdeg iyo cagfudayd ku jiro oo kadlayn ah samee. Naa Basra! Bi'i waaye maxaad la balasbalaslaynaysaa ma marti baa kuu timid? Dh: balasbalaslee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

balafbalafsiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg balafbalafsii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balasbalaslays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) sodod degdeg iyo cag fudayd ku jiro oo kolba dhan u roorid ah samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bagabagaysi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balalaxlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dareere shubnaya shanqarta ka baxda oo soo noqnoqda. Balalaxlaynta biyaha waxaraha oomman yaanay ku qamaamin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balambaalla

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) geed gaaban oo caleemo cadcad leh, kaymahana ka baxaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balbaalyayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhaddig, keli) dhimista iyo hoos u dhigga halista nabar ama jirro leedahay. Basanbaasin buu ii noqdiyo wax i balbaalyayne. Dh: quwadjebin, taakaleelin, shiiqin, dhicisayn. Li: xoogayn, tooxid, taanaadin, labolaxaadin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bararaflays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg bararaflayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

basanbaasay

DHAFANDHAAF

(fal) balanbali oo dhibaatee. Isaga waa la basanbaaseeyey. Dh: basanbaasee. basanbaasayn -ta: (magac, dhedig, keli) balanbal iyo bisaarad u keenis; hoog iyo hankaag u gaysasho; balanbal iyo bisaarad u keenis. Basanbaasayn iyo baryo loogama horreyn markuu guursadaye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bashaqalayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dhex socodka biyo ama meel dhooqo leh, ama si qaabdaran wax la raqayo. Bashaqlaynta libaaxaan hurdaydii kaga booday.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

batalaqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si xidhiidh ah biyo lugaha ula dhicid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

batataqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan, soo daadanaya sida shuurada shanqadha uu sameeyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajuglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad ay diriri ku dheehan tahay. Dh: bajin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagataallay

DHAFANDHAAF

(fal) (ka ~) ka warwareeg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daabaqadayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) sumad kuwa kale lagaga garto u yeelid. Daabaqadayn ku samee markaad iibsato adhiga. Dh: astaamayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gabbacayayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) barbarriiqasho iyo cid kale u jarjarid; hadba dhinac u orodid iyo weecweecasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laba'aflays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg laba'aflayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Labacanlayn

DHAFANDHAAF
1

(Labacanlayn-ta)

2

Si labacanle ah wax u cunid, u boobid; xagga iyo xaggaba ka qaadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

labacanlayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg labacanlee. la-mid: labacanlays.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

labacanlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) labada can ba wax ku cunid oo aad u boobid oo dhinac walba ku calalin. Dh: labacanlays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

labadablayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg labadablee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Labakaclayn

DHAFANDHAAF
1

(Labakaclayn-ta)

2

Labo jeer kicid ama boodid ama soo noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

labakaclayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg labakaclee. la-mid: labakacle.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

labakaclayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) labo jeer kicid ama boodid. Riddadaydu labakaclayn bay sii samaysay intaanay derbiga gaadhin.

2

labakaclayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhammeeyay oo laga bogsaday haddana dib u soo gocasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

masacagalay

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg maansacagalay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baadihallayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale khatal.doc jidka ka lamin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhbadhlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhadhaqlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqabeenlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) baqabbeenle iyo carar been ah samayn. Baqabeenlaynta lama baacsadee beerkaa dhulka loo dhigaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bashbashlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) bashbashta kurbashada iyo kadaalinta ka dhalata. Bashbashlayn iyo baqdin badanaa fule.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagataallays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg cagataallayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hagardaamayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg hagardaamee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

halaqjaflayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg halaqjaflee. la-mid: halaqjaflays.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

raabaraabayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) kooxkoox ka dhigid. Dh: kooxakooxayn.

2

raabaraabayn -ta: (magac, dhedig, keli) koolkoollin oo dheef iyo dhuuniba ka hagabtirid. Dh: rabarabayn. Li: baylihin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saabasaabayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) 'carruur' qof wax uu doonayo illowsiin. Dh: sabid; sasabid; sabaalis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waaqwaaqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'waaqwaaq' ku celcelin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baasabbaasayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, been ku maaweelin; waxaan jirin ku meermeerin. Baasabbaasaynta hadalkiyo, been baad ku waasheen, bilistiyo carruurtee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

balafbalafsii

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iiyay, -iisay) Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baqabbeenlayn

DHAFANDHAAF
1

(Baqabbeenlayn-ta)

2

Baqabbeenle samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqabbeenlayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh baqabbeenlee. la-mid: baqabeen, baqabeenle, baqabbeeno.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Saddexagalayn

DHAFANDHAAF

Triangulation

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buguxbuguxlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si qaab daran kolba u ordid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gacantogaalayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) tiigaal wax durugsan ku gaarid ama ku soo qaadid ama ku soo gurid; tiigsasho; gacantogaaleyn.

2

gacantogaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.

3

gacantogaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.

4

gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.

5

gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

halaqjalaqlayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg halaqjalaqlee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

labaclabaclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) go'aan qaadasho la'aan iyo kolba dhinac u geddoomid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

walacwalaclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg walaclayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kabax-kabaxlayn

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: kabash-kabashlayn.

waa la naqliyay ✓