bagafbagaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagaf
(ereycodeed) tusmeeya saanqaadka socod dedgdeg ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagafle
-ha: (magac, lab, keli) cidda samaysa sanaqarta bagafbagafta ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagafcagaf
(Cagafcagaf-ka, Cagafcagaf-ta)
Gaari xoog badan oo wax jiida: wuxuu dhinacyada ku lee yahay labo daliigood oo waaweyn oo bir ah oo ballaaran oo garangaro ilko leh ku kor rogmada, si uu dhulka qarfada ah ama ciidda leh u maro; gaari, wax lagu qardajeexo leh, oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagafcagaf
cagafcagaf¹: m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
cagafcagaf²: m.dh.sh.r C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagafcagaf
m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagafcagaf
m. n. tractor, bulldozer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagafcagaf
-ka: (n) Caterpillar or a tractor equipped with continuous chain treads
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cagafcagaf
Trattore
Tractor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagafcagaf
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagafcagaf
de: tractor, bulldozer
lx: cagafcagaf
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: cagafcagaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta shanqadha socodka bagafbagafta ah. Bagafbagaflaynta haysaye, berri baynnu eegnaa, keennii ka soo baxa, baylahdii la noo diray!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagaf
(ereycodeed) lagu tusmeeyo shanqadha ay sameeyaan shimbiro iyo wixii la mid ah oo si kedis ah u kala yaacyaaca ama u kala haada. bagagaflayn -ta: (magac, dhedig, keli) shanqadh bagagaf ah samayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badad baraf
Icefield
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagabagaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagafsanaan
m.f.dh eeg bagafsan. la-mid: bagafsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fidsanaan oo wax ballaadhan oo wareegsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balafbalafsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagaago
m.dh (-ooyin, m.l) Dhako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaago
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa inta u sarraysa. Dh: dhako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagac
(ereycodeed) lagu tusmeeyo sanqadha wax badan oo daatay ama halmar wada orday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagagax
m.dh.sh.r la-mid: baf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagagax
f. n. sound of something being shattered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagax
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabaqda ay samayso qalwada dunta ama wax engegan oo inta uu dumo kala daata. Girgiddii kolkii roobku ku da'ay ayay bagagax kala tidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagagax
de: sound of s.t. being shattered
lx: bagagax
pd: (dheh)
ps: np-f-expr
key: bagagax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalbaal
m.l Macmacaan ka samaysan bur, sonkor iyo ukun oo sida baalka oo kale loo googooyay oo saliid lagu dubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalxaaf
(Baalxaaf-ka)
Waran jaad gooniya loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalxaaf
m.l (-fyo, m.dh) Nooc ka mid ah warmaha waaweyn oo caarad dhuuban oo dheer leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baalxaaf
m. n. spear, lance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalxaaf
-ka: (magac, lab, keli) jaad warmaha ka mid ah oo aad u af weyn, si gaar ahna loo sameeyo. Baalxaafka waxa loo sitaa, baylah kaa magane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baalxaaf
cf: waran
de: spear, lance
lx: baalxaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: baalxaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqbaaq
f.g1 (-qay, -qday) Limid; carraggeddin; falid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqbaaq
v. weed something with a hoe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaq
(fal) falitaan danbe oo dulmar ah ku samee beer baxday oo dheelli ah.
baaqbaaq -a: (magac, lab, keli) beer soo baxday oo dheelli ah falitaan danbe u samayn. Beertan baaqbaaq uma baahna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqbaaq
de: weed s.t. with a hoe
lx: baaqbaaq
pd: (baaqbaaqay)
ps: v1=tr
key: baaqbaaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax bagaf ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagafsan
der. [adjective] rounded and thin; short and stumpy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bagafsan
-aa ayd: (adj) oval (oo vel); having an oval shape bagal: see [eeg] begel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafsan
(tilmaame) weel aan si fiican u godnayn oo aan wax badan qaadin. Dh: ballaadhan.
bagafsan: (tilmaame) qof ama wax duuban oo soo godan. Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo buruqdii kuusnaydba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagafsan
de: rounded and thin; short and stumpy
lx: bagafsan
pd: (bagafsanaa)
ps: adj-der
key: bagafsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho. m.f.dh, cagaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaagan
(tilmaame) qof aan wax kabo ah xidhnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raafraaf
-ka: (magac, lab, keli) socsocod. Rafra badan ayaad samaysay manta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabbaran
(tilmaame) mid tababbaran ahaan. Faras agabbaran baan wataa. Dh: laylyan, jabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbacay
(fal) geel, dhereg aawadii la orod oo cagaha dhulka la dhac. Geel baa ku baabbaceeyey adhi. Dh: baabbacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbahay
(fal) wax aan gudihisa wax ku jirin ka dhig: eber ka dhig. Dh: baabbahee, madhi, faaruqi, dhammee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafsani
-da: (magac, dhedig, keli) weel guntiisu dhowdahay oo qaad yar ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balambaal
m. n., [collective] medicinal tree species (castor oil plant)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BALAMBAAL
Melhania grandibracteata 01
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balambaal
a: balambal ~ balanbaal
de: medicinal tree sp. (castor oil plant)
lx: balambaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: balambaal
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALANBAAL
(Balanbal) N, S, C, May Abutilon anglosomaliae Cuf. Malvaceae.
S,May Hibiscus aponeurus Spargue & Hutch. Malvaceae.
S Abutilon somalense Mattei. Malvaceae.
N Abutilon bidentatum Hochst. Malvaceae.
S Abutilon densevillosum Mattei Malvaceae.
C,S,N Abutilon figarianum Webb. Malvaceae.
Og, NFD, S, N Abutilon fruticosum Guill. & Perr. Malvaceae.
S, N Abutilon hirtum (Lam) Sweet Malvaceae.
N, C Abutilon pannosum (Forsk.F.) Schlecht Malvaceae.
S,NFD Abutilon ramosum Guill. & Perr. Malvaceae.
C Gossypium benadirense Mattei Malvaceae.
C Hibiscus cannabinus L. Malvaceae.
S Hibiscus dictyocarpus Webb. Malvaceae.
S Abutilon agnesae Borzi Malvaceae.
N Hibiscus dongolensis Del. Malvaceae.
May, S Pavonia arabica Boiss. Malvaceae.
S Senra zoes Schweinf. & Volk. Malvaceae.
N Pavonia burchellii (DC) R.A. Dyer. Malvaceae.
C,N Pavonia kotschyi Webb. Malvaceae.
S,C Pavonia propinqua Garcke Malvaceae.
S, May, NFD Senra incana Cav. Malvaceae.
N Melhania rotundata Mast. Sterculiaceae.
N Ipomoea nephrosepala Chiov. Convolvulaceae.
S Digera muricata (L)Mart. Amaranthaceae.
C,N Neocentema robecchii (Lopr) Schinz. Amaranthaceae.
C Melhania phillipsiae Bak.F. Sterculiaceae.
May Chrozophora plicata (Vahl) Spreng. Euphorbiaceae.
S Ricinus communis L. Euphorbiaceae.
S Nesae radicans Guill. & Perr. Lytheraceae.
C Corchorus cinerascens Defl. Tiliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbaal
-ka: (magac, lab, keli) geed ballida ka baxa xili barwaaqada oo caleen balaadhan. Balanbaal tigaad jiilaal ma leh. Dh: balanbal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar baraf
Ice point
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basanbaas
(Basanbaas-ka)
Dhibaato badan; hoog; ba'; silic; darxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basanbaas
basanbaas¹: m.l Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.
basanbaas²: f.mg1 (-say, -stay) Rafaad waxyeello weyn leh la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basanbaas
basanbaas¹: m.l Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.
basanbaas²: f.mg1 (-say, -stay) Rafaad waxyeello weyn leh la kulmid. m.f.dh, basanbaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basanbaas
m. n. difficulty, suffering, hardships
basanbaas v. get into great difficulties; experience hardship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basanbaas
-ka: (magac, lab, keli) dhib iyo balanbal. Basanbaas baa ku dhacay kuwii boolida soo cunaye. Dh: baaba', dalambaabi, silic. Li: badhaadhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxarsaaf
m.l (botani) Geed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal aysan kaneecadu imaan. la-mid: baahirsaaf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxarsaaf
m.l (botani) Geed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal aysan kaneecadu imaan. la-mid: baahirsaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabbagal
(fal) kaalin sare gaadh oo hanaqaad.
taabbagal-ka: (magac, lab, keli) kaalin sare gaadhid oo hanaqaadid. Dh: gaashanqaad, taabbagud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaabahaa
-da: (magac, dhedig, keli) hadal been iyo baalxaafto ah. Dh: wadhaawadhaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbalay
erey yaab iyo naxdin isku jirta lagu cabbiro oo tilmaamaya in qofka leh uu rafaad iyo hoog u dhammaaday. Dh: ba'yaalay, ba'ay. balanbali: (fal) qof dhib iyo kadeed noloshiisa oo dhan saameeya u keen. Bakhayl marwo bilicsan uu guursaduu balanbaliyaayey. Dh: saxariiri, silci. balanbalin -ta: (magac, dhedig, keli) daranyo iyo haydaarto u gaysasho. Dh: hoojin, silcin, saxariirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqbalaq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo dhaqdhaqaaqa iyo daadashada googo'an ee biyo la sido iyo waxii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasbalas
(ereycodeed) lagu tusmeeyo orod aan xawli ahayn oo kadlayn ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balawbalaw
(tilmaame) xadhig, suun iyo waxii la mid ah oo meesha lagu xidho ka weyn ama ka dhacdhacaya. Dh: balaqbalaq, balowbalow. balawlayn -ta: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaq siyaado ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaqbasaq
-a: (magac, lab, keli) orod aan fiiro badan lehayn. Basaqbasaqa oradkii, baadidii kuweynaye, noo nidhbidhi Allahayaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqafjaqaf
(eraycodeed) lagu tusmeeyo walax qoyan oo bir af leh lagu turturqayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf dhagax
Hail
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf-dhagax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf-dhagax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf qarax
Glacier burst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basanbaasay
(fal) balanbali oo dhibaatee. Isaga waa la basanbaaseeyey. Dh: basanbaasee. basanbaasayn -ta: (magac, dhedig, keli) balanbal iyo bisaarad u keenis; hoog iyo hankaag u gaysasho; balanbal iyo bisaarad u keenis. Basanbaasayn iyo baryo loogama horreyn markuu guursadaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadhaabalaf
m.dh la-mid: jidhaabalaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf barasho
Glaciology