badownimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badownimo
(Badownima-da)
Badow ahaan; galtinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badownimo
m.dh Badow ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badownimo
f. n., [abstract] rusticity, countrifiedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badownimo
-badownimada: (n) artlessness (aart-les-nes), primitiveness, savagery (saava-jari) savageness (saavijnes) ~ galtinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badownimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badawnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badownimo
de: rusticity, countrifiedness
lx: badownimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: badownimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badawnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ilbaxnimo la'aan. Badawnimo waa baadinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadownimo
m.dh Cadow ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadownimo
f. n., [abstract] enmity, hostility, antagonism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadownimo
-cadownimada: (n) hostility (hostiliti); antagonism or enmity ~ cadaawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadownimo
-da: (magac, dhedig, keli) cadaw ahaan; cadawnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadownimo
de: enmity, hostility, antagonism
lx: cadownimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: cadownimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badowtinimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid reer baadiye ahaan. Dh: badawtinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxdownnimo
m.dh Baxdow ahaansho (faras). la-mid: baxdoynnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdownnimo
-da: (magac, dhedig, keli) fara ka bixid; faraw noqosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galtinnimo
-galtinnimada: (n) the condition of being as primitive or uncivilized; savageness (saavijnes) ~ badownimo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
volgarità
s.f. - badownimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bili
-da: (magac, dhedig, keli) tiro ama muuqaal yar. Daraawiish ninkii bili u filay, waw badownimo e'.
bili-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar wiilal iyo hablo wada dheelaan oo la ciyaaro habeen iyo dharaarba. Waxa la ciyaaraa barqada intay xooluhu ku maqan yihiin xilli barwaaqeedka. Waxa kale oo la ciyaaraa aroosku marka uu cusub yahay ee uu afartan bixin.
bili-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurtu ku ciyaaraan ul dheer iyo qori yar oo balan oo inta god la jeexo qoriga yar la dul dhigo ul kor loogu tuuro inta uu soo lalmanayana dhexda usha lagaga dhifto oo kolba inta uu godka ka fogaaday usha lagu dhereriyo laguna kala badiyo.
bili -ga: (magac, lab, keli) saaciido wanaag. Bili nimaan lahayn baa xarbiga biid ka tarahayne. Dh: ayaan, nasiib.
bili-ga: (magac, lab, keli) marada haweenka inta u hoosaysa; xaynka haweenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adawnimo
-da: (magac, dhedig, keli) isir iyo asal ahaan.Adawnimo raagtay, ayaan ku arooray.
adawnimo -da: (magac, dhedig, keli) awaw ahaan. adayg-ga: (magac, lab, keli) wax taabasho iyo tuujin isku mid ah; aan jileec ahayn. Adayg dhagax baa bursaday. Dh: qallafsan, kakan. Dh: jileec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedonimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel ku cusub oo waxba garanayn ahaan; reer miyi ahaan. Bedonimo ku caydee ma innigaa magaalo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badwinimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan aqoon lahayn ama garashaxun ahaan.
badwinimo -da: (magac, dhedig, keli) qof baadiye ku dhaqan ahaan. Badwinimada geeljir baad u tahay, bakhaylnimana damaaci baad u tahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadawnimo
-cadawnimada: (n) hostility (hostiliti); antagonism or enmity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadawnimo
-da: (magac, dhedig, keli) cadawnimo; cadaw ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabownimo
f. n., [abstract] agedness, old age
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabownimo
de: agedness, old age
lx: gabownimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gabownimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badawtinimo
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladda ilbaxnimala'aanta. Badawtinimo nimay haysa iyo baadinimo raagtay. Dh: ilbaxnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxdoynnimo
m.dh la-mid: baxdownnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmadownimo
m.dh Ilmadow ahaansho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadinnimo
m.dh Baadi ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afonimo
-da: (magac, dhedig, keli) xaas la qabo ahaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
anònimo
agg. - magac la'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badowsi
-ga: (magac, lab keli) cid kale, badawnimadiisa ku khatal oo khiyaamee. Dh: badawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahnimo
m.dh Bah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraabo ahaan, tol iyo ehel ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadnimo
(Dadnima-da)
Siyaalaha wan wanaagsan oo dadku nafleyda kale kaga sarreeyo, siiba garashada iyo anshaxa iyo diinka; dad ahaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadnimo
m.dh Dad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadnimo
f. n., [abstract] human ability ~ capability; humanity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadnimo
-dadnimada: (n) 1. humanity (hiyuu-maaniti); humankind, mortality ~ bini'aadanimo. 2. self-confidence; self-respect; pride (paraaydh)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dadnimo
Personalità, umanità
Personality; humanity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadnimo
-da: (magac, dhedig, keli) lahaanshaha sifooyinka suubban ee banii'aadanka sida fekarka wanaagsan, aqoonta iyo naxariista.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadnimo
de: human ability ~ capability; humanity
lx: dadnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: dadnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabonimo
m.dh (siyaasad) Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aabonimo
m.dh (Siyaa.) Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adhinimo
-da: (magac, dhedig, keli) baaxaalliga iyo dhaqanka adhiga lahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baranimo
-da: (magac, dhedig, keli) macallinnimo; bare ahaan. Gabadha baranimoda sannadkan ayaa ugu horraysay. Dh: macallinimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadminimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshana mid ka mid ah tafiirtii Nebi Aadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abkownimo
m.dh Abkow ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abkownimo
-da: (magac, dhedig, keli) awowga lagu abtirsado ama isirka lagu arooro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalnimo
m.dh Bahal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahalnimo
f. n., [abstract] brutality, barbarity, bestiality
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahalnimo
-bahalnimada: (n) savagery (saava-jari); the act of being uncivilized or barbarous (baar baras); savage (saa vej); wildness (waayl-dines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dugaagoobid; bahal halis ah noqosho. Dh: cadawnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahalnimo
de: brutality, barbarity, bestiality
lx: bahalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: bahalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqaynimo
m.dh Baqay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barannimo
m.dh Bare ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsinimo
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhexmuuqashada asaaggaa. Baxsinimo ayaa ka muuqata wiilkan waa filki ka roone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bohonnimo
(Bohonnima-da)
Bohon laga dhigay; bohon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bohonnimo
m.dh Bohon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bohonnimo
f. n., [abstract] state of being castrated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bohonnimo
-da: (magac, dhedig, keli) neef xoolo ah oo lab oo aan xiniiyo qabin ama xiniiyo la'aan ku soo dhashay ahaan. Bohonimuu ku ciyalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bohonnimo
de: state of being castrated
lx: bohonnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: bohonnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqornimo
m.dh Boqor ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boqornimo
-boqornimada: (n) royalty (royalti); royal quality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqornimo
-da: (magac, dhedig, keli) boqor ahaan. Boqornimo maa loo doortay?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candonimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof doqonniimo iyo jileec isku darsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadaqnimo
(Fadaqnima-da)
Fadaq ahaansho; qalqaallinnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadaqnimo
f. n., [abstract] hyperactiveness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadaqnimo
-fadaqnimada: (n) rascality (raas kaaliti); mischievousness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadaqnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta qof fadaq ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadaqnimo
de: hyperactiveness
lx: fadaqnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: fadaqnimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodonnimo
f. n., [abstract] wealth, richness, being a rich person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hodonnimo
-hodonnimada: (n) see [eeg] hodannimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodonnimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hodannimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodonnimo
de: wealth, richness, being a rich person
lx: hodonnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hodonnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxnimo
(Madaxnima-da)
Madax ahaansho; waayeelnimo; duqnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxnimo
m.dh Madax ahaansho (qof). la-mid: madaxti, madaxtinnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxnimo
f. n., [abstract] leadership, headship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxnimo
-madaxnimada: (n) leadership (liidhar-shiip)-, directorship (diraktar-shiip) ~ madaxtinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxnimo
-da: (magac, dhedig, keli) madax ahaan. Madaxnimo la iskama sheegto. Dh: madaxtinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxnimo
cf: duqnimo, waayeelnimo
de: leadership, headship
lx: madaxnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: madaxnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerownimo
-da: (magac, dhedig, keli) xerow ahaan. Xerownimada yaraan ayaan ku bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basowtinnimo
m.dh Basowti ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadowtinnimo
m.dh Dareenka colaad iyo xumaan ee laba qof ama ka badan isu hayaan. la-mid: cadowti, cadowtooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadowtinnimo
m.dh Dareenka colaad iyo xumaan ee laba qof ama ka badan isu hayaan. la-mid: cadowti, cadowtooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaddoonimo
-da: (magac, dhedig, keli) nabadoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaddarnimo
m.dh Abaddar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaddarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) geesi aan digtoonayn oo aan talada dadka kale dhegeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaddilnimo
m.dh Baaddil ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaddilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax qaldan ahaan; wax aan sharci ku salaysnayn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badraannimo
m.dh Batraan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badraannimo
-ad: (magac, lab, keli) mid kibray oo dad kale gardarraysta ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyatoonimo
-da: (magac, dhedig, keli) biyatooni ahaan. Biyatoonimo way daal badantahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaawenimo
-cadaawenimada: (v) hostility (hostiliti); antagonism or enmity cadaawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawenimo
-da: (magac, dhedig, keli) cadow ahaan; cadaawe ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadminnimo
m.dh la-mid: aadaminnimo¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addoonnimo
(Addoonnima-da)
Addoon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonnimo
m.dh Addoon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addoonnimo
f. n., [abstract] slavery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addoonnimo
-addoonnimada: (n) slavery (isleeyvari); bondage (boondheej) servitude (servituudh); lack of personal freedom ~ addoonsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonnimo
-da: (magac, dhedig, keli) addoon ahaan; cid la leeyahay ahaan. Dh: biddenimo.